[Sirculus:] Oromia oo dejisay qorshe ay ku wiiqeeyso awoodda Ogaadeenka Somali Galbeed - guddigga fulinta oo laga saaray xubnahii Ogaadeen ?

0
Thursday December 27, 2018 - 03:47:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4112
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 4 0
  • Share via Social Media

    [Sirculus:] Oromia oo dejisay qorshe ay ku wiiqeeyso awoodda Ogaadeenka Somali Galbeed - guddigga fulinta oo laga saaray xubnahii Ogaadeen ?

    Waagacusub.com - Xeeldheerayaasha Oromia ayaa ku guuleeystay iney guddigga fulinta Xisbiga taladda Somali Galbeed ka saaraan xubnahii u dhashay beesha Ogaadeen si loo wiiqo awoodooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Xeeldheerayaasha Oromia ayaa ku guuleeystay iney guddigga fulinta Xisbiga taladda Somali Galbeed ka saaraan xubnahii u dhashay beesha Ogaadeen si loo wiiqo awoodooda.
Siyaasiyiinta Oromada ayaa qorsheeyay iney 10 ka mida xubnaha guddigga fulinta Xisbiga noqdaan shaqsiyaad u dhashay beelaha Jidwaaq, Hawiye, Isaaq, Akiisho iyo Ciise halka beesha Ogaadeen loo qorsheeyay 5 xubnood oo kaliya taas oo ka dhigan ineysan Ogaadeenku laheyn codka badnaanta maadama ay horey u lahaayeen 10 xubnood,halka beelaha kale ay lahaayeen 5 xubnood oo qura.
Oromadu oo aaminsan iney Ogaadeenka la safan yihiin Tigreega waxeey doonayaan iney Xukunka ka ilaaliyaan maadama ay yihiin dad qalafsan oo boqolkii sano ee la soo dhaafay  Ethiopia ka diiday iney dhulka Soomaaliyeed qaataan.
Jeneral u dhashay Oromada ayaa yiri " Somali oo dhan waan ka adkaanay laakiin qabiil la yiraa Ogaadeen ayaan ka adkaan weynayā€¯
Jabhadda ONLF oo Ethiopia dagaalo xoogan la gashay taariikh fog waxeey dagaalamayaashooda u dhasheen beesha Ogaadeen 95%. halka Ciidanka Liyuu booliska oo Ogaadeen u badana ay la soo shaqeeyeen Xukumadii TPLF ee Tigreega.
Xeeldheerayaasha Somaliduna waxeey damaca Oromada ku sheegeen sidii ay ku qaadan lahaayeen Shidaalka la helay iyo sidoo kale dhulka xaduudaha ee Oromada dooneysa iney xoog uga qaataan Somalida.
Tv-ga Dowlad degaanka Somalida ayaa baahiyay Gudoomiyaha Xisbigga Axmed Shide oo  shir gudoominaya shirka gollaha Wasiiradda taas oo ka dhigan inuu ku xadgudbay awoodda Madaxweyne Mustafe Cagjar oo shirka fadhiyay.
Sharciyan Gudoomiye xisbi ma gudoomin karo shir golle Wasiiro haddii uu madasha joogo Madaxweynaha Xukumadda.
Sikastaba ha ahaatee, Oromadda oo xilkii ka qaaday Jeneralkii Ciidanka Liyuu Booliska Jeneral Mohamed Abdi Monasar waxeey booskiisa ku bedeleen Jeneral ka tirsan Ciidanka Melleteriga Ethiopia kaas oo ka tirsan Ciidankii Cabdi iley ku duulay 4 Augusto 2018 taas oo ka dhigan in qorshaha oromadu yahay sidii loo burburin lahaay Ciidanka Liyuu Booliska oo ay aad uga cabsanayaan.

Loading...

By Dahir Alasow
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...