Wasiir Beyle: Intaan la ansixin miisaaniyadda 2019, away xisaab xirkii miisaniyaddii 2018?

0
Thursday December 27, 2018 - 15:55:43 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1430
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Beyle: Intaan la ansixin miisaaniyadda 2019, away xisaab xirkii miisaniyaddii 2018?

    Waagacusub.com- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta kulan deg deg ah la yeeshay Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda iyo qorsheynta Gollaha Shacabka, oo si aan sharciga waafaqsaneyn loo soo magacaabay isla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta kulan deg deg ah la yeeshay Guddiga Maaliyadda, Miisaaniyadda iyo qorsheynta Gollaha Shacabka, oo si aan sharciga waafaqsaneyn loo soo magacaabay isla mariana si ganan sharciga waafaqsaneyn looga saaray xubno la xisaabtamay xukuumadda kuwaasoo soo bandhigay in $42 Milyan aay ku maqantahay xukuumadda.

Kulankan ayaa ka damabeeyay markii shalay uu Gudoomiyaha Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal uu 3 xubnood oo la xisaabtamay Xukuumadda uu ka saarey Guddiga Maaliyadda, kuwaasoo la rumeysan yahay inay diyaariyeen warbixintii musuq-maasuqa.

Beyle ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in kulanka maanta oo ka dhacay Villa Hargeysa looga hadlay sidii ay uga wada-shaqeyn lahaayeen Wasaaradiisa iyo Guddiga Maaliyadda howlaha culus ee horyaalla.

"Waasaaradda iyo Guddiga Maaliyadda waxaa ka go’an in ay si wada jir ah ugu dadaalaan horumarinta Maaliyadda Dalka,” ayuu ku yiri Beyle qoraalka Facebook uu soo dhigay.

Guddiga Maaliyadda ayaa soo saarey bishii October warbixin xasaasi ah, ku eedaysay Wasaaradda Maaliyadda inay lunsatay $42 milyan oo dollarka Mareykanka, taasoo dano gaar ah loo isticmaalay, laguna soo darin miisaaniyadda cusub ee 2019.

Cabdiweli Muudey, gudoomiye ku xigeenka Gollaha Shacabka ayaa guddiga kalal diray markii uu warbixintan soo saarey, iyadoo uusan kala tashan Gudoomiyaha, Maxamed Mursal oo xilligaasi ku maqnaa safar dalka Turkiga.

Kala dirista guddiga ayaa khilaaf xooggan ka dhex abuuray guddoonka Gollaha Shacabka, iyadoo uu hakad ku yimid fadhiyadii laanta sharci-dejinta dalka, waxaana hadda qarka u saaran in la ansixin waayo miisaaniyadda 2019, oo waqtiga uu ka dhacayo.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...