[Topnews:-] Qaramadda Midoobay oo dacwad ku oogtay Dowladda Somalia - Yurub -UK iyo Germany oo taageeradii boliiska joojiyay

0
Monday December 31, 2018 - 23:57:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3079
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 5 1
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Qaramadda Midoobay oo dacwad ku oogtay Dowladda Somalia - Yurub -UK iyo Germany oo taageeradii boliiska joojiyay

    Waagacusub.com - Wakiilka Qaramadda Midoobay ee Somalia ayaa qoraal u diray Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya, taasoo su'aalo badan laga weydiinayo dowladda Soomaaliya qalalaasihii ka dhacay magaalada Baydhaba ee ay ku lug yeesheen Ciidamad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Wakiilka Qaramadda Midoobay ee Somalia ayaa qoraal u diray Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya, taasoo su'aalo badan laga weydiinayo dowladda Soomaaliya qalalaasihii ka dhacay magaalada Baydhaba ee ay ku lug yeesheen Ciidamada Booliska.

Wakiilka Qaramadda Midoobay Nicholas Haysom ayaa sheegay inay soo gaareen eedeymo ku saabsan in ciidamada ay taageerto UN-ka ay ku lug yeesheen xarigii Mukhtaar Roobow iyo dhimashada 15 qof oo shacab ah maalmihii 13-15-ka December, xariga 300 qof oo u badan caruur xabsiyada lagu hayey muddo ka badan 48 saacadood.

Waxaa qoraalka wakiilka UN-ka lagu caddeeyay in Midowga Yurub, Germany iyo UK ay joojiyeen taageeradii ay siin jireen Booliska Koonfur Galbeed, taasoo ay sabab u tahay sidii ay ciidamadaasi u dhaqmeen iyo hadalkii saxaafadda lagu baahiyey ee kasoo yeeray Taliyaha Booliska Komfur Galbeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa laga dalbaday inay ka jawaabto su’aalo dhowr ah oo ku saabsan sharcinimada Xariga Mukhtar Roobow iyo dhimashada dadka gaaraya 15-ka qof ee lagu dilay magaalada Baydhaba, wuxuuna dalbaday in baaritaan buuxa lagu sameeyo wixii ka dhacay Baydhaba.

Aqoonyahano u dhashay Koofur Galbeed ayaa dacwad u qoray dowladaha taageera Ciidanka Somalia, waxaana dhinaca kale jira dacwad loo gudbiyay maxkamadaha Yurub iyo Mareykanka.


Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...