[Topnews:-] Wasiirka Gaashaandhiga Ingiriiska oo Hargeysa tegay iyo dagaalkii Dowladda Somalia iyo Uk oo xoog u biloowday ?

3
Sunday January 06, 2019 - 23:53:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Wasiirka Gaashaandhiga Ingiriiska oo Hargeysa tegay iyo dagaalkii Dowladda Somalia iyo Uk oo xoog u biloowday ?

    Waagacusub.com - Wasiirka gaashaandhigga Britain, Gavin Alexander Williamson ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Wasiirka gaashaandhigga Britain, Gavin Alexander Williamson ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wasiirka iyo waftiga la socday.

Kulankan oo ahaa mid saacado qaatay ayaa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo Boqortooyada UK oo ay Somaliland xoriyadeeda ka qaadatay 1960-kii.

Safarka  wasiirka ayaa ah safarkii u horeeyey ee masuul haya xilka wasiirka difaacu uu ku yimaado maamulka Somaliland.

Kulanka labada mas’uul ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo in la sii xoojiyo cilaaqaadka labada dhinaca, lana dar-dar geliyo horumarinta arrimaha iskaashi ee ka dhexeeya labada waddan.

Waxaana Madaxweynaha kulankan ku wehelinaayey Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, gaashaandhigga iyo wakiilka Somaliland u qaabilsan Britain.


Loading...
Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...