[Xildhibaan Muna K] ayaa tiri "Nafta hal mar bey go'daa, RW Kheyre ama baabuurka bambo iigu xir ama i dil

0
Tuesday January 15, 2019 - 15:56:39 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 4547
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    [Xildhibaan Muna K] ayaa tiri "Nafta hal mar bey go'daa, RW Kheyre ama baabuurka bambo iigu xir ama i dil

    Waagacusub.com- Xildhibaan Muna K oo ka mid ah xildhibaanada BF ayaa baraha bulshada soo dhigtay muuqaal ay sheegtay in haddii la dilo uu masuul ka yahay RW Kheyre. Waxa ay sheegtay in walaasheed laba jeer uu amar ku bixiyay RW. Kheyre in la soo xiro

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Xildhibaan Muna K oo ka mid ah xildhibaanada BF ayaa baraha bulshada soo dhigtay muuqaal ay sheegtay in haddii la dilo uu masuul ka yahay RW Kheyre. Waxa ay sheegtay in walaasheed laba jeer uu amar ku bixiyay RW. Kheyre in la soo xiro.

Muna aya sheegtay in walaasheed loo xiray oo kaliya in shalay diiday in ay u codeeyso ansixinta sharciga wax looga bedelay Bangiga Dhexe iyadoo ku sababeysay in ay jiraan Soomaali aqoon iyo karti u leh in ay qabtaan shaqadaas.

Muna ayaa tiri "Nafta hal mar bey go’daa, RW Kheyre ama baabuurka bambo iigu xir ama i dil, aniga marnaba kugu taageeri maayo in aad dalka god ka ridid. Waxaa i saaraan masuuliyad waxaanan wakiil ka ahay dadkeyga”

Waxaa beryahan danbe caado noqotay in qof walba oo ka horyimaada rabitaanka RW Kheyre iyo MW. Farmaajo la dhibaateeyo, waxaana Muna walaasheed loo xiray oo kaliya in ay iyada diiday rabitaanka RW Kheyre, maadaama aan iyada la xiri karin ayaa walaasheed la xiray markii labaad maanta.

Ali Aadan Hashi 


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...