[MW Waare] oo shalay isku cadeeyay in uu yahay "Arigii uu ku sifeeyay Hirshabeele

0
Friday January 18, 2019 - 11:46:02 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 3636
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [MW Waare] oo shalay isku cadeeyay in uu yahay "Arigii uu ku sifeeyay Hirshabeele

    Waagacusub.com- Kulankii maqaarsaarka ahaa ee shalay loogu dabaaldagaayay doorashadii aan xaalasha ahayd ee ka dhacday Magaalada Baydhabo ayaa si aan gabasho lahayn loogu bahdilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Aware.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Kulankii maqaarsaarka ahaa ee shalay loogu dabaaldagaayay doorashadii aan xaalasha ahayd ee ka dhacday Magaalada Baydhabo ayaa si aan gabasho lahayn loogu bahdilay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeele Maxamed Cabdi Aware.

Sida aad ka arkeysaan Video ku lifaaqan qoraalkaan MW Farmaajo ayaa markii uu soo gaaray goobtii ay ka dhaceysay  caleemasaarka waxa uu salaamay wafdii ka socday Dowlad Goboleedka Puntland iyoMaxamed Carabeey oo  sheegtay in uu ka socdo Galmudug halka uu diiday in uu salaamo Maxamed Cabdi Waare oo ganta u taagay.

Waare ayaa ahaa shaqsigii ka danbeeyay burburinta iyo kala dirka Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadda isaga oo ku badashay lacag. Ficilkii uu shalay  MW Farmaajo kula kacay MW Waare waxa ay cadeeyn u ahayd sida ay uga go’an tahay MW Farmaajo in uu si toos ah ula dagaalo deeganaada Galmudug iyo Hirshabeele iyo shacabkooda.

Dhowr bilood ka hor ayaa ay ahayd markii uu  MW Waare uu u sheegay dowlada Farmaajo in uu tusi doono dowladiisa in "Galmudug iyo Hishabeele yihiin Ari ama Libaax”.

Maxamed khaliif Maxamed oo ah falanqeeye Siyaasaded kana soo jeedo deeganka  ayaa yiri " Maxamed Cabdi Waare anagana sharafteynii ayuu ku ciyaaray tiisiina lacag ayuu ku badashay, shalayna waxa uu isku cadeeyay in uu yahay arigii uu  horay ugu sifiyaya dadka reer Hirshabeelle”.

Ali Aadan Hashi 



Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...