[Somaliland:] Lix Wariye oo loo heysto Like, Comment iyo Share ?

0
Sunday January 20, 2019 - 23:36:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3096
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Somaliland:] Lix Wariye oo loo heysto Like, Comment iyo Share ?

    Waagacusub.com - Lix wariye oo ka howl-gala warbaahinta ku hadasha afka xukumadda Somaliland ayaa loo haystaa iney Like, Comment iyo share ku sameeyeen qoraallo ay xukuumadda Somaliland dhibsatay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Lix wariye oo ka howl-gala warbaahinta ku hadasha afka xukumadda Somaliland ayaa loo haystaa iney Like, Comment iyo share ku sameeyeen qoraallo ay xukuumadda Somaliland dhibsatay.

Wariyeyaashan ayaa la sheegay in ay u yeereen guddida anshax marinta wasaaradda warfaafinta Somaliland. Kooxdan weriyeyaasha ayaa magacyadooda lagu sheegay: Cabdicasiis Maxamed Maydhax, Siciid Faarax Cagjar, Nuura Maxamed Nuur, Muna Ibraahim Dhakhtar, Nasiim Maxamed iyo Mubaarik Yuusuf Cabdi.

Dhammaan warieyayaashan waxaa ay ka hawl-galaan Radio Hargeysa, Wargeyska Dawan iyo TV-ga Somaliland.

Wariyeyaashan ayaa sugaya go’aanka ay ka qaadan doonto wasaaradda warfaafintu, iyadoo horey mushaarka looga jaray wariyeyaal kale oo iyagana lagu qabsaday arrimaha noocan oo kale ah.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...