[Shirkii Farmaajo ] iyo Odayaasha beesha Daarood ee Garoowe maxaa ka soo baxay "Akhriso

0
Wednesday January 30, 2019 - 15:55:22 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 5995
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Shirkii Farmaajo ] iyo Odayaasha beesha Daarood ee Garoowe maxaa ka soo baxay "Akhriso

    Waagacusub.com- MW Farmaajo ayaa shir aay albaabada u xiran yihiin la galay odayaasha iyo duubabka beesha Daarood ee ka soo jeeda deegaanada Puntland kaddib caleemo saarkii Hoggaamiyaha Puntland Saciid Dani.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- MW Farmaajo ayaa shir aay albaabada u xiran yihiin la galay odayaasha iyo duubabka beesha Daarood ee ka soo jeeda deegaanada Puntland kaddib caleemo saarkii Hoggaamiyaha Puntland Saciid Dani.

Shirkan oo uu codsaday MW Farmaajo ayaa waxaa uu odayaasha kaga codsaday in aay taageeraan dowladdiisa, wuxuuna sheegay in dagaal siyaasadeed aay ku hayaan beesha Hawiye oo raba in aay kursiga ka tuuraan.

Odaayashii dhaqanka ayaa aad ula yaabay hadalada ka soo yeeray Farmaajo waxaaan oday ka mid ah uu yiri "Madaxweyne annaga ma aragno hawiye duulaan kugu ah, balse waxaan aragnaa Hawiye aad caburineyso oo weliba dulqaad kuu muujiyay. Waxaad ka qaadaa canshuur, waxaad u diiday xorriyada, waxaad ka xiratay waddooyinkii, waxaad baabi’isay haya’adihii amniga ee la dagaalamayay Shabaab, waxaad dagaal ku soo qaaday dhammaan Dowlad Goboleedyada oo aan aannaga kamidka nahay waxaad isku dayday in aad dhaqaale ku qabsato hoggaanka Puntland, waana wada ogeyn qorshahaada. Balse Madaxweyne haddaad rabto dowladnimo iyo in lagula shaqeeyo, marka hore ogoloow in dowladda ay dadka oo dhan ka wada dhexeyso oo aanad dhaxlin. Wiilasha yaryar ee marba bohol kaa tuuraayana waa kuwaa kuwa diidan in dowladaad ay dhisanto”

Shirka ayaa isku bedelay buuq iyo eedo badan oo loo qabsaday Farmaajo, balse ugu danbeyntii sidii caadada ahayd waxaa uu ballan qaaday in uu qaadan doono taladooda isbedelna ay arki doonaan, wuxuuna intaa ku daray "Ogaada taageeradiina waa ii muhiim”

MW Farmaajo oo marmarsiiyo u raadinaya fashilka dowladdiisa markale ayaa waxaa isku dayay in uu Soomaali qaab qabiil ah isaga horkeeno isagoo soo minguurinaya sidii uu qabaa’ilada isaga horkeeni jiray kaligii taliyihii Siyaad Barre.

Ali Aadan Hashi

 
 


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...