[Lafta Gareen] oo ku dhaqmay tusmadii Farmaajo iyo Magacaabista MW K/Xigeenka KG oo khilaaf cusub abuurtay

0
Saturday February 02, 2019 - 17:48:04 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 4491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Lafta Gareen] oo ku dhaqmay tusmadii Farmaajo iyo Magacaabista MW K/Xigeenka KG oo khilaaf cusub abuurtay

    Waagacusub.com- Madaxweynaha maqaar saarka ah ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa saacado ka dib markii uu ku dhawaaqay dafcadii ugu horeeysay ee Golaha Wasiirada waxa uu safar deg deg ah ugu anbabaxay Magaalada Muqadishu. Magacaabista

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Madaxweynaha maqaar saarka ah ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa saacado ka dib markii uu ku dhawaaqay dafcadii ugu horeeysay ee Golaha Wasiirada waxa uu safar deg deg ah ugu anbabaxay Magaalada Muqadishu. Magacaabista Golaha Wasiiradda ayaa in mudo ah la isku haystay iyada oo qabaa'iilada degan degaanka Koonfur Galbeed ay ka hor yimaadeen tabagalinta amarka ka so baxayo Villa Soomaaliya.

Sida ay u xaqiijiyeen MOL ila lugu kalsoon yahay, liiska dafcada koowaad ee Golaha Wasiirada ayaa waxaa laga soo ogolaaday Madaxtooyadda Soomaaliya. Tobanka Wasiir ee maanta la magacaabay ayaa ah dhalinyaro ay da’doou ka hooseyso 25 sano marka laga reebo Wasiirka Amniga  Isaaq cali Subuk. Lafta Gareen ayaa lagu amray in uu ka fogaado qof da’diisu ka wayn tahay 25 sano oo ka hor imaankaro go’aanada ka soo baxaya Villa Soomaaliya ee lagu maamulayo dadka iyo degaanka koonfur Galbeed.

Dhanka kale waxaa iyadana muran ka taagan yahay magacaabista Madaxweyne Ku Xigeenka Koonfur Galbeed. Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa doonaayo in u magacaabo jagadaas nin ay isku jufo yihiin oo lagu magacaabo Cabdulqadir Nur Caraale.  Lafta Gareen oo bishii la soo dhaafay ku mashqulsanaa sidii uu ku qancin lahaa beelaha ka soo jeeda Digil iyo Mirrfle  in ay ogolaadaan in MW Ku Xigeen  loo magacaabo nin Murusade ah. Dhanka kale Beesha Biyaalmaal ayaa fariin culus u dirtay Farmaajo iyaga oo  u sheegay in ayan marnaba ogolaadoonin in beesha Murusade xoog lagu siiyo jagadaas.

Lafta Gareen ayaa codsaday in magacaabista Madaxweyne Ku Xigeenka dib loo dhigo ilaa mudo lix bilood ah halka Ra’iisal Wasaare uu ku adkeysanayo in dhaqso loogu dhawaaqo.

Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa ku sugan magaalada Muqadishu isaga oo u yimid wadatashiyo la xiriira xaalada ay abuurtay magaacibta Giolaha Wasiirada iyo qorshaha lagu magacaabayo Madaxweyne Ku Xigeenka.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...