[Ciidamada Dowladda] oo todobaadkan kaliya Muqdisho ku dilay 7 qof oo Shacab ah

0
Friday February 08, 2019 - 10:56:23 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Ciidamada Dowladda] oo todobaadkan kaliya Muqdisho ku dilay 7 qof oo Shacab ah

    Waagacusub.com- Dilalka u badan ee toogahsada ah ee toodbaadkan ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa geystay askar ka tirsan Ciidamada Dowladda, kuwaasoo badankood baxsaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Dilalka u badan ee toogahsada ah ee toodbaadkan ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa geystay askar ka tirsan Ciidamada Dowladda, kuwaasoo badankood baxsaday.

Ilaa iyo Todobo  qof oo Shacab ah oo isugu jira Rag iyo Dumar ayay Ciidamada Booliska ku dileen Xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho, kuwaasoo Saraakiisha Booliska aysan ka hadlin

Dilkii u dambeeyay waxaa uu shalay ka dhacay degmada Yaaqshid, Askari ilaalo ka hayay Xarunta degmada ayaa toogtay Wiil dhalinyaro ah oo watay Mooto Bajaaj, iyadoo dilka kadibna uu askariga goobta ka baxsaday.

Ciidamada ammaanka oo sameeyay howlgal baaritaano ah waa ay ku guul dareysteen iney soo qabtaan gacan ku dhiiglaha, inkastoo ay Saldhiga Yaaqshid ku soo xireen askari kale oo loo heysto inuu fududeeyay baxsadashada iyo Qorigii dilka lagu geystay.

Lixdii bishan oo ku beegneyd Arbacadii Askari ka tirsan Ciidamada dowladda ayaa dilay nin dhalinyaro ahaa oo goob ganacsi u furnaa, Dilka ninkaa ganacsadaha ahaa ayaa yimid, kaddib markii goobtiisa ganacsiga uu ugu tagay askariga kadibna xabad uu ku dhuftay.

Wiilka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Shuceyb Biibaaye, wuxuuna mehrada ganacsiga ku lahaa Isgoyska Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid.

Afartii bishan Askari booliska ah ayaa Isgoyska Banaadir ku toogtay Nin watay gaari nooca PRADO ah, kaasoo durbadiiba meesha ugu geeriyooday rasaasta oo ka haleeshay Madaxa Sare.

Askariga dilka geystay ayaa la sheegay inuu rasaasta wadada ku furayay, si gaadiid Ambalaas oo xilligaas Isbitaalka Madiino u waday dad ku soo dhaawacmay qarixii Isniintii ka dhacay Xamar weyne.

Askariga dilka geystay oo isku dayay inuu baxsado waxaa qabtay Ciidamo goobta ka agdhawaa, waxaana Askariga dilka geystay iyo Meydka marxuumka uu dilayba la isla keenay xarunta baarista danbiyada ee C.I.D.

Saddexdii bishan Askari boolis ah ayaa degmada Wadajir, gaar ahaan Suuqa weyn ee degmadaas ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo ku soo qaaday Mooto Bajaaj, Askariga ayaa iska diiday inuu bixiyo lacagtii lagula soo heshiiyay, iyadoo Bajaajlahana uu iska diiday inuu lacagtiisa isaga tago, taasoo keentay in rasaas qeybta sare ee jirka looga dhuftay uu u geeriyoodo.

Askariga dilka geystay, ayaa goobta isaga baxsaday, iyadoo wax dhaqdhaqaaq ah aysan sameyn Ciidamo tiro beel ah oo ku sugnaa nawaaxiga halka uu dilka ka dhacay.

Labadii bishan oo ku beegneyd Sabtidii Askari boolis ah, ayaa isgoyska Bakaaraha qeybta xigta degmada Howlwadaag ku dilay Hooyo Xaawo Shiikhoow Faarax oo heysatay 8 Caruur ah, iyadoo dilka kadibna uu goobta isaga cararay

Muqdisho Todobaadkan ma jirin dilal ay ka geysteen Kooxaha dowladda ka soo horjeeda ee bastooladaha wax ku disha,  balse wey dheceen dilal badan, waxaana geystay Ciidamada dowladda ee hubka u qaatay sidii ay Shacabka u daafici lahaayeen.

Ali Aadan Hashi 




Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...