[Shiinaha] oo Soomaaliya u isticmaali raba qalab iyo miinooyin ka [mamnuuca kalluumeysiga]

0
Saturday February 09, 2019 - 17:42:59 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1596
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Shiinaha] oo Soomaaliya u isticmaali raba qalab iyo miinooyin ka [mamnuuca kalluumeysiga]

    Waagacusub.com- Waxaa Dhawaan Heshiis Kaluumeysiga Badeenna Wada galey Dowlada Soomaaliya iyo Shiinaha , waxaana uu heshiiskaan Shirkadaha Kaluumeysiga ee Dowlada Shiinaha u ogolaanaya in ay ka Jilaabtaan Badeena aadka u dheer oo aysan jirin Dowlad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Waxaa Dhawaan Heshiis Kaluumeysiga Badeenna Wada galey Dowlada Soomaaliya iyo Shiinaha , waxaana uu heshiiskaan Shirkadaha Kaluumeysiga ee Dowlada Shiinaha u ogolaanaya in ay ka Jilaabtaan Badeena aadka u dheer oo aysan jirin Dowlad Ilaalin karta, iyadoo aan ognahay in maanta aysan jirin Ciidan Bad oo Ilaaliya Badeenna

Hadaba Maxaa Faa’iido ah ama Khasaaro ah noogu jiraa Heshiiskaan, ma Xuma in Heshiis lala  galasho Shirkado Shisheeye  balse lagama Fekerin Waxa Mustaqbalka ka imaan kara , waxaana ii suurta gashey in aan Xoga dhameystiran aan ka helo mid ka mid ah Dadka ku xeel dheer kaluumeysiga.

"Kaluunka waxaa Hoy u ah Jamalada Gunta Badda Hoosteeda  halkaas ayuu ku Dhalaa islamarkaana uu ka helaa wixii Quud ee u ku noolaan karo, Balse hadii halkaas looga daba tago Kaluunka waxaa imaan kara Xaaluf iyo Dhibaatooyin kale " ayuu yiri Khabiirkaas oo diidey in Magaciisa loo isticmaalo Warbaahinta wuxuu intaa uu ku darey

Shirkadaha Shiinaha hadii aad Dib u raacdo Dhaqankooda waxay soo Xaalufiyeen Wadamo badan oo ay ka kaluumeysan jireen oo ku yaal Qaarada Aasiya ka dib markii ay isticmaaleen Qalab ka mamnuuca Kaluumeysiga , Shirkadahaas marka ay Gunta Tagaan ayey waxay sameynayaan  in ay Jamalada uu Kaluunka ku Hoydo ama ku Tarmo ayey ku xiraan Miinooyin , marka uu Kor u soo yaaco Kaluunka ayey Shabakadaha u dhigaan” Hadaba maxaa Dhacaya

Miinooyinkaas waxay Xaalufinayaan Kaluunkii halkaa ku dhalayey sidoo kale waxay ay keeneysa in ay Burburaan Jamalada oo uu ilaah halkaa ugu Diyaariyey  Kaluunka  Tarankiisa sidaa Darteed  marka ay Burburaan Jamladaas waxaa Imaanaya Dhul Gariirka Badda  oo inta badan uu ka dhaco Wadamada   Aasiya ka dib markii Dhibaatooyin loogeystey Jamaladii Badda Gunteeda” ayuu yiri Khabiirkaas  oo sheegey in maanta  aysan jirin Dowlad Xoog badan oo ilaalineysa Badaheena waxaa uu intaa ku darey

Waa Shirkado lagu fasaxay Badaas Dhererka badan oo aysan jirin Ruux Soomaaliya oo la socda marka Waa Heshiis aan laga fakerin Waxa ka imaanaya Mustaqbalka marka waa heshiish aan laga fiirsan marka la fiiriyo Dhinaca Kaluumeysiga  iyo Burburka Jamaladda sidoo kale waxaa kaloo  Khatar ah  in aan lala socon Karin Shirkadahaas waxa ay Gunta badda ay k sameyayaan Gaar haan Dhagaxaanta iyo Khayraadka kale ee Gunta Badeena Ceegaaga

Shaqsiyan aniga waxaa  Indhaheyga ku arkey Xiligii Dagaalada Sokeeye Kaluumeysato Soomaaliyeed oo Doomahooda Saaranaya Miinooyinka waaweyn ee Kaaraha lagula Dagaalamo , waxay Midda Khabiirka I soo Xasuusisey Markaan weydiiyey Kaluumeystada Soomaaliyeed in ay Miinooyinkaas  u isticmalayaan in ay ku soo saaraan Kaluunka ku dhuumanaya Jamalada Hoostooda sidaa Darteed waxaa Dowlada Soomaaliyeed u soo jeedinayaa Bal in ay Dib u eegaan Heshiiskaas  oo aan ogahay in uu halis ku yahay Gunta Badeena


Loading...

 







Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...