[Topnews:-] Akhri Dowladda Somalia oo lagu amaanay sideey Kenya kubadda ula ciyaartay?

0
Monday February 18, 2019 - 11:00:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3897
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 3 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Akhri Dowladda Somalia oo lagu amaanay sideey Kenya kubadda ula ciyaartay?

    Waagacusub.com - Jawaabtii uu dalkeennu ka bixiyay talaabadii Qar-iska tuurka aheyd ee Kenya waxaa laga dheehan karay biseyl siyaasadeed iyo nabad raadin. Qoraalkaas wuxuu maanta banaanka soo dhigay ujeedka dhabta ah ee Kenya, kaasoo ah in Somalia ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Jawaabtii uu dalkeennu ka bixiyay talaabadii Qar-iska tuurka aheyd ee Kenya waxaa laga dheehan karay biseyl siyaasadeed iyo nabad raadin. Qoraalkaas wuxuu maanta banaanka soo dhigay ujeedka dhabta ah ee Kenya, kaasoo ah in Somalia ka laabato dacwada badda ee taala Maxkamada ICJ.

Shuruudaha ay maanta soo bandhigtay Kenya iyo damaceeda waalida ah midkoodna uma muuqdo maangal. Kama muuqato darisnimo iyo ilbaxnimadii lagu tuhmaayay Kenya, waxaana ay sababi karaan kala tag iyo is-dooxid.

Dowladda Somalia waa ineysan ka jawaabin sharuudahan cusub, sababtoo ah Kenya waa ka bad-badisay waana ka tagtay dhaqankii diblomaasiyada, oo xeerinaya in doodaha noocan ah aan saxaafada la isu marin. 

Dowlada Somalia waxaa la gudboon foojignaan, wargelinta beesha caalamka, shacabka oo isku duubni loogu baaqo, dooda maxkamada ICJ oo xoog, xoolo iyo xirfadba la galiyo, iyo isfaham darada siyaasada ee madaxda Soomaalida oo deg deg loo xaliyo, si loo helo isku duubni looga gudbo marxaladan.

Maalin wanaagsan

Abdullahi Osman Farah


Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...