[Ololaha Kenya] ka wado Geeska Afrika oo miro dhalay iyo Farmaajo oo albaabada laga soo xiray [Warbixin Xassaasi ah]

1
Sunday March 03, 2019 - 23:25:16 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2309
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Ololaha Kenya] ka wado Geeska Afrika oo miro dhalay iyo Farmaajo oo albaabada laga soo xiray [Warbixin Xassaasi ah]

    Waagacusub.com- Labadii asbuuc ee u danbeeysay waxa ay dowlada Kenya ku jirtay olole qorsheysan kaas oo ay dooneyso in ay taageero ugu hesho khilaafka soohdinta Badda ee kala dhaxeeyso dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Labadii asbuuc ee u danbeeysay waxa ay dowlada Kenya ku jirtay olole qorsheysan kaas oo ay dooneyso in ay taageero ugu hesho khilaafka soohdinta Badda ee kala dhaxeeyso dalka Soomaaliya.

Dowlada Kenya ayaa waxa ay qaadaty lix (6) Istaraatijioyo oo iskaabaya kuwaas oo ay rumeysan tahay in ay gaarsiin doonto in ay guul ka gaarto dacwada badda ee kala dhaxeeyso Soomaaliya.


Loading...

Dowladda Kenya ayaa waxa ay howgalisay qubaro qareeno  ah kuwaas oo horay ugu shaqeeyn jiray dalka Kenya  laakiin waxaa hadda lagu soo kordhiyay qareeno cusub oo uu ku jiro qareenkii hogaaminayay dacwadii Maxkamadda Caalamiga ah ee ka dhanka ahayd Madaxweynaha dalka Kenya. Steven  Kaywaa qareen aad looga baqo guulo badana u soo hooyay Kenya iyo MW Uhuru Kenyatta. Qareenadaan cusub ayaa horayba ka bilaabay howlgalo la xiriira sidii Kenya guul uga gaari lahayd dacwada Badda


Dowlada Kenya waxa ay xaqiijineysaa in muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya lagu soo wareejiyo Urur Goboleedka IGAD. Tilaabadaan ayaa suuragal ka dhigeysa in IGAD hogaanka u qabato dacwada Soomaaliya iyo Kenya. IGAD waxa  hadda hagaamiya shaqsi Kenyan oo saaxib dhaw la ah MW Uhuru Kenyatta.  Durbadiiba IGAD waxa ay  balaarisay shaqadeedii IGAD.  


Waxaa la balaariyay howshii uu u xilsaarnaa wakiilka gaarka ah IGAD u qaabilsan Soomaaliya oo ah nin Kenyan, waxaa shaqadiisi lagu daray Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed taas oo keenaysa in qayb ka mida shaqadiisu noqoto xal u helida muranka badda ee u dhaxeeya labada dal.


Shacabka Kenya oo lagu bilaabay wacyigalin buuxda iyada oo loo diyaariyay in ay taageeraan go’aan kastaa oo ay dowlada Kenya qaadato. Waxaa shaqadaan wado qubaro Ingriis iyo Mareykan isugu jira  kuwaas oo ku taqasusay abaabulka iyo kicinta shacabka. Sidoo kale waxa hoowshaan dhanka Madaxweynaha Kenya kala shaqeeynayo Raphael Tuju oo ahaan jiray Wasiirkii hore ee Arimada Dibadda. 


Qubaradaan ayaa ka shaqeeyndoono sidii ra’yi caalamka iyo kan gobolka wax looga badali lahaa isla markaana kor loogu qaadi lahaa dareenka  wanaagsan ee laga qabo dowlada Kenya.


Madaxweyne Uhuru Kenya oo  waqti badan galin doono sidii uu uga guuleysan lahaa in madaxda gobolka ay kala saftaan dowladda Kenya. Waxa uu horay u tagay, Itoobiya, Eritereeya Uganda. Dhawaana waxaa la filayaa in uu safar ku tago wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.


In la go’doomiyo Farmaajo iyada oo la isticmaalayo culaysAmni taas oo ciidanka Kenya ay kaga bixi doonaan degaano iyaga hoos yimaado;, in taageero buuxda la siiyo dowlad Goboleedka Jubbaland iyo in la soo afjaro xiriirka aan salka lahayn ee uu Farmaajo la sameeystay madaxda Itoobiya iyo Eritareeya. Shaqadaas qaybtii ugu horeeysay asbuucaan ayuu qabtayIn la taageero RWXassanCaliKheyremadaama uu isagu balan qaaday in arinta badda lagu xalin doono si wadahadal ah oo laga soo wareejin doono maxkamada caalamiga. 


Dowladda Kenya ayaa balan qaad u sameeysay Xassan Kheyrein ay taageeri doonto musharaxnimadiisa sanadka 2021. Tijaabadii u horeeysay oo ay qaado dowlada Kenya waxa ay ahayd in qoraalkii tacsida ahayd ee ay dowlada Kenya u soo dirtay Soomaaliya asbuucaan ka dib  qarixii Muqadishu lagu soo hagaajiyay RW Kheyre, qoraalkaan ayaa waday  fartiin maldahan oo ku socotay MW Farmaajo.


Dowlada Kenya waxa ay sameeysatay Istraatijo cad  oo ay doonayso in ay dib  ula wareegto Badda Soomaaliya. Dhanka Soomaaliya ma jirto qorshe ama Istaraatijo looga hortago ololaha qorsheeysan oo ay wado dowlada Kenya.


 Dowlada Soomaaliya wali kama soo jawaabin qoraalkii dowladda Kenya horay ugu soo dirtay; ma jiro qubaro loo xilsaaray oo arintaan dabagasha. Ma jirto cid u sharaxday shacabka Soomaaliyeed meesha ay mareyso dacwada badda ee Kenya.


Ali Aadan Hashi

Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...