[Al Shabaab ]lagu qabtay Wadajir oo shaaciyay dilalkii ay ka geysteen Muqdisho

0
Monday March 04, 2019 - 08:22:35 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1818
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Al Shabaab ]lagu qabtay Wadajir oo shaaciyay dilalkii ay ka geysteen Muqdisho

    Waagacusub.com- Hay'adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay seddex dhaiinyaro ah oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al Shabaab, kuwaasi oo dilal qorsheysan ka fuliyay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Hay'adaha amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay seddex dhaiinyaro ah oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al Shabaab, kuwaasi oo dilal qorsheysan ka fuliyay magaalada Muqdisho.

Dhalinyaradan ayaa sheegay inay qaabilsanaayeen howlgalada Al Shabaab ee degmada Wadajir, iyaga oo sheegay inay degmadaasi ka fuliyeen falal badan oo lagu qaarijiyay dad kala duwan.

Howlgalkii ugu dambeeyay ee lagu qabtay ayaa ahaa mid ay ku guuldareysteen kadib markii damceen inay dileen haweeney Khaad iibineysay oo ah xaaska sarkaal ka tirsan ciidamada booliska.

Mid kamid ah dhalinyarada ayaa sheegay in haweeneyda Khaadka iibineysay loo sheegay inay kamid aheyd xildhibaanadii soo xulay baarlamaanka, sidaasi daraadeedna ay ku guuldareystaan inay toogtaan.

Labo bastooladood oo ay wateen ayay sheegeen inay u dhici weysay markii ay la kor tageen haweeneyda Khaadka iibineysay, kadibna laamaha amaanka ay gacanta u dhigeen.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...