[Medad ] hor leh oo laga soo saaray dhisme ku dumay qaraxii Muqdisho

0
Monday March 04, 2019 - 08:55:11 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1919
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Medad ] hor leh oo laga soo saaray dhisme ku dumay qaraxii Muqdisho

    Waagacusub.com- Dhismayaasha ku teedsan wadada Maka Al-Mukarama ee saameeyay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen habeenkii Khamiista ayaa wali waxaa laga baadi goobayaa meydadka dad xilliga qaraxa uu dhacayay ku sugnaa, kuwaasoo aan dib dambe loo arag

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Dhismayaasha ku teedsan wadada Maka Al-Mukarama ee saameeyay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen habeenkii Khamiista ayaa wali waxaa laga baadi goobayaa meydadka dad xilliga qaraxa uu dhacayay ku sugnaa, kuwaasoo aan dib dambe loo arag.

Saraakiisha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalka samata bixinta ee wali socda lagu soo saaray meydka Ilmo yar oo todobo bilood jira, kaasoo ka mid noqday dadkii lagu xasuuqay weerarka khasaaraha badan dhaliyay.

Ilmaha yar oo lagu magacaabo Munasar Maxamed ayaa la noolaa Hooyadiis oo ka shaqeyneysay mid kamid ah goobaha Dumarka lagu qurxiyo (Beauty Salon) ee ku tiilay mid kamid ah dhismayaasha weerarku qabsaday.

Kaamirada qarsoon ee (CCTV), ayaa soo bandhigtay dhaq dhaqaaqii u danbeeyay ee Ilmaha yar, taasoo muujisay inuu ka mid ahaa dadkii goobta ku sugnaa marka uu qaraxa dhacayay, iyadoo baadigoob dheer kadib ugu dambeyn la soo saaray, isagoo la sheegay in 7 bilood ee uu noolaa uu noloshiisii dhameyd ku soo qaatay goobta Dumar Qurxinta ah.

Gabar maamulo ka aheyd dhismaha uu wiilka yar ku geeriyooday ayaa sheegtay in marka qaraxa uu dhacayay ay dhismohooda ku sugnaayeen illaa 16 qof oo macaamiishooda ka mid ahaa, kuwaasoo xilligaasi adeeg loo qabanayay.

Waxay kaloo sheegtay iney maqashay geerida 10 qof oo si wanaagsan ay isu garanayeen, kuwaasoo ka shaqeynayay dhismayaasha ka agdhaw halka weerarku ka dhacay.

Weerarka 28-kii bishan ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama ayey dadka reer Muqdisho soo xusuusisay weerarkii Isgoyska Zoobe ee 14 October, iyadoo jugta qaraxa laga maqlay guud ahaan magaalada Muqdisho.

Weerarka waxaa ku geeriyooday in kabadan 25 qof, dhaawaca uu ka badan yahay 60 ruux, waxaa burburay 20 dhisme oo isugu jira Hoteelo, Dukaamo, Maqaayad iyo guryo ay dad Shacab ah daganaayeen, waxaa kaloo burburay 15 gaari, 8 Mooto Bajaaj iyo iyo Saddex ka mid ah gaari gacanada dadka ay riixaan, sida xaqiijiyeen Kooxda Gurmadka.

Ali Aadan Hashi



Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...