[Prof Dalxa] "Doraad Shaki ,Shalay Xaraash, maanta Tanaasul, berina Beecinta wabiyada"

0
Thursday March 07, 2019 - 14:35:01 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 4267
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Prof Dalxa] "Doraad Shaki ,Shalay Xaraash, maanta Tanaasul, berina Beecinta wabiyada"

    Waagacusub.com- Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mida Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook, waxaa uu ku muujiyay in dowladda Soomaaliya ay ka tanaasushay xiisadii Kenya iyo Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mida Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook, waxaa uu ku muujiyay in dowladda Soomaaliya ay ka tanaasushay xiisadii Kenya iyo Somalia.

Qoraalka Xildhibaan Dalxa ayaa wuxuu ku muujiyay in Markii hore Badda Somalia la geliyay Shaki weyn, taasi oo Keentay in Kenya ay mararka qaar ay cuskato heshiis loo saxiixay xiligii dowladii KMG aheyd.

Wuxuu sidoo kale sheegay in horaantii Bishii Febraayo ay soo ifbaxday in la xaraashayo Shidaalka Soomaaliya, iyadoo si weyn loo hadal hayay arintaasi.

Dorraad Shaki-gelin Dacwadda Badda,Shalay Xaraash Shidaalka Qaranka, Maanta Tanaasul , Berito Shakigu ma beecin Wabiyada Dalkaa?!!ayuu yiri xildhibaan Dalxa oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Dalxa ayaa kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee sida weyn ula dhacsanaa dowladda Soomaaliya, balse maalmihii ugu dambeeyay wuxuu u muuqday mid si sarbeeb ah u weeraraya xukuumadda.

Dad badan ayaa aamisan in madaxweyne Farmaajo uu sameeyay arin aan ka dhicin caalamka sanadihii ugu dambeeyay, maadaama dal safiirkiisii lasoo eryay ay yartahay in madaxweynihiisa uu tago dalkii laga soo eryay.Kenya ayaa dhawaan magaalada Nairobi kasoo eriday safiirkii Somalia ee Kenya, waxaana ay la baxday safiirkeedii Muqdisho, iyadoo kadib uu xumaaday xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.


Loading...



Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...