[Warar dheeraad ah] oo ku soo kordhaya qarax ka dhacay Muqdisho

0
Thursday March 07, 2019 - 14:38:41 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2040
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Warar dheeraad ah] oo ku soo kordhaya qarax ka dhacay Muqdisho

    Waagacusub.com- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay agagaarka Tiyaatarka qaranka, kaasi oo laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax ka dhacay agagaarka Tiyaatarka qaranka, kaasi oo laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho.

Waxaa jirto cabsi kale oo laga qabo in goobta qarax kale uu ka dhacay, maadaama sida la sheegay in gaari laga shakisan uu yaalo goobta qaraxa koowaad uu ka dhacay.

Lama hayo ilaa iyo hadda Khasaaraha ka dhashay qaraxa, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in lala eegtay gaadiid ku dhawaa agagaarka Maqaayadda Dalsan oo ku dhow goob ciidamada ay gaadiidka aada madaxtooyada ku baaraan.

 

22 December sanadkii 2018 ayay aheyd markii isla goobtaasi uu ka dhacay qarax xoogan oo sababay dhimashada dad badan oo ay ku jireen Shaqaale ka tirsan TV-Ga Universal, waxaana kamid ahaa Alle Ha u naxariistee Cawil Daahir Salaad.

Waxyeelada ugu badan ayaa qaraxa wuxuu u geystay dad ku sugnaa maqaayadda Dalsan iyo agagaarkeeda.

Ku dhawaad Shan ruux ayaa lagu waramayaa inay ku dhinteen qaraxa ka dhacay maanta agagaarka diyaatarka Qaranka, waxaana jiro dhaawac intaasi ka badan.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...