[Wasiirkii] dastuurka DF, Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo geeriyooday
Waagacusub.com- Allah ha u naxariistee waxaa goordhow la xaqiijiyay inuu geeriyooday wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta xukuumada Soomaaliya Aadan Isaaq ayaa bartiisa Facebook kusoo daabacay geerida wasiirkii dastuurka ee xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil.
Qoraalka ayaa Wasiir ku xigeenka wuxuu ku sheegay in Xoosh uu ku geeriyooday magaalada Dubai ee dalka isku taga Imaaraatka Carabta.
Lama xaqiijin waxyaabaha sababay geeridiisa, balse wasiir Xoosh ayaa ka maqnaa muddooyinkii ugu dambeeyay dalka.