[XAQIIQADA JIRTA] OO AAN LA RABIN IN LAGA HADLO.

0
Saturday March 09, 2019 - 04:07:31 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2442
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [XAQIIQADA JIRTA] OO AAN LA RABIN IN LAGA HADLO.

    Waagacusub.com- Waa la iska wada indhatiraa. Dacwadda ICJ waxaa loo xukumayaa Kenya bacdamaa Soomaaliya aay qaadatay EEZ, hawadana lagu daray Law 37. Rajada la qabikaro waa (ZERO). 0% SOOMAALIYA ILAAHEY BEY LEEDAHAY..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Waa la iska wada indhatiraa. Dacwadda ICJ waxaa loo xukumayaa Kenya bacdamaa Soomaaliya aay qaadatay EEZ, hawadana lagu daray Law 37. Rajada la qabikaro waa (ZERO). 0% SOOMAALIYA ILAAHEY BEY LEEDAHAY..

October 20, 2011 | Updated: July 22, 2013

Warbixin ay July 12, 2013 soo saartay kooxda Contact Group ee Qaramada Midoobay ayaa si qayaxan u cadaysay cawaaqibka ka dhalanaya haddii Soomaaliya aqbasho nidaamka xadaynta badda ee loo yaqaan EEZ (Exclusive Economic Zone for Somalia), taas oo ah in Soomaaliya waayeyso gebi ahaanab badda muranka la geliyey oo ay qaadan doonto Kenya.


Loading...

Arrintaa warbixinta UN waxay ka tiri: "Marka Soomaaliya aqbasho EEZ ee nidaamka hoos imanaya UNCLOS, markaas waxaa loo baahan doonaa in Soomaaliya iyo Kenya ay bilaabaan wada xaajood labada dalba aqbalsan yihiin oo kusaabsan xuduud badeedka. Taasi waxay albaabka u fureysaa suurtagal in ay noqoto in dib loo xadeeyo xuduud badeedka badda ayadoo laga bedelayo xariiqda ku qotonta xeebta (perpendicular position) oo loo bedelo xariiq jiifta oo laacaysa loolka (Latitude line). Isbedelkaasi waxa uu xaqiiqo ahaan dhulka la isku hayo qaybtiis ama gebi ahaantiisba hoos geynayaa badda Kenya. 


Sababtaas awgeed ayey ahayd tii keentay in 8-dii October 2011 ay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya cod ku diideen isku daygii ahaa in EEZ lagu soo daro nidaamkii Roadmap-ka," sidaas waxay ku caddahay warbixinta UN-ka ee S/2013/413 soona baxday July 12, 2013 boggeeda 249 iyo 250.


Waxaana warbixinta UN-ku cadaysay in Soomaaliya ay sannadkii 1972 cabirka baddeeda ku qeexday 200 mayl-badeed oo ah Territorial Waters.


Waxaa arrintaas (in Soomaaliya ay leedahay 200 nm oo territorial waters ah) ayidey go'aan ay June 6, 2013 soo saareen Golaha Wasiirada DFS, kaas oo qeexay sidan "Xukuumada Federaaliga ah ee Soomaaliya waxay aqoonsan tahay sharciga qaran ee badaha Law No. 37. ee qeexaya dhererka xadka badda "territorial water” ee gaaraya 200 mayl-badeed iyo continental shelf . 


Waxay dawlada Soomaaliya ogolaatay xeerka badaha aduunka ee ay wax ka saxiixday 24kii Luuliyo 1989 ayadoo aan ka tanaasulin sharciga qaran."


Haddaba waa maxay Faraqa u Dhexeeya Dhul-badeedka (Territorial Sea) iyo Aagga Dhaqaalaha (EEZ)?


In badan oo Soomaali ah ayaa dhici karta in ay is weydiinayaan waa maxay faraqa u dhexeeya Territorial Sea iyo EEZ? 

Maxaa Dawladdii Soomaaliya ugu adkaaysaneysey Territorial Sea oo ah 200 mayl badeed, oo ay uga soo horjeedey nidaamka EEZ?

Maxaa burburkii kaddib loo tirtirayaa Law 37. 


Soomaaliya ILAAHEY bey leedahay.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...