[Mid ka mid ah ] hormuudkii dagaal beeleedyada dalka oo xil lagu abaal-mariyey

0
Tuesday March 12, 2019 - 20:42:02 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2802
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Mid ka mid ah ] hormuudkii dagaal beeleedyada dalka oo xil lagu abaal-mariyey

    Waagacusub.com- C/llaahi Axmed Waafow ayaa shalay loo magacaabay Guddoomiyaha degmada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose, waxaana durba magaalada ka bilaawday walaac dhinaca amniga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- C/llaahi Axmed Waafow ayaa shalay loo magacaabay Guddoomiyaha degmada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose, waxaana durba magaalada ka bilaawday walaac dhinaca amniga.

Waafow waxaa la sheegaa inuu yahay mid kamid ah Saraakiishii hormuudka u ahaa dagaal beeleedyadii ka dhacay Sh/Hoose, kaas oo ay ku dhamaadeyn boqolaal shacab ah oo aan waxba galabsan.

C/llaahi Axmed Waafow waxa uu hogaamin jiray maleeshiyo u dhashay mid kamid ah beelaha ku dagaalamay Gobalka Sh/Hoose, waxaa uuna hogaamiyay dagaalo badan oo ka dhacay Marka, No.50 No.60 iyo meelo kale. Sidoo kale waxa uu ka qayb qaatay in Ciidamada AMISOM ay duqayn ka fuliyaan goobo ay daganayeen dad shacab ah kadib markii uu sheegay in aagaasi ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Carruur, Dumar iyo waayeelo ayaa ka mid ahaa dadkii ay dileen maleeshiyadii uu hogaamin jiray Waafow oo ahaa madaxii howlgalada Maleshiyada Beesha Biyamaal.

Magaalada Muqdisho ayaa la sheegaa in uu ka qaaday sanadihii ugu dambeeyay hub tiro badan kuwaas oo la geeyay Gobalka waxaana hubkaasi laga qaaday AMISOM iyo dad u dhashay degaanka.

Carruur la dilay, Hooyo 80 jir ah iyo Carruurteeda oo guri lagu gubay, toogasho wadareed ka dhacday Sh/Hoose, Nabadoono iyo Culumo wadajir la dilay, Kufsi iyo falal kale ayaa lagu xasuustaa Waafow oo mar soo noqday hogaamiyaha Maleeshiyo ka dagaalanta Sh/Hoose.

Nabadoon Cali Baashi Axmed oo kamid ah odayaasha magaalada Marka ayaa Caasimada Online u sheegay in magacaabista Waafow ay muujineyso in aysan daganaansho la’aantii Gobalka dib loo soo celinayo waxa uuna cambaareeyay go’aanka Wasaaradda Arimaha Gudaha Koonfur Galbeed.

"Waxaa ii muuqato in hogaamiyihii dagaaladii Sh/Hoose la magacaabay, waxay tani muujineysaa in ay dadkaan dhibayso nabada Marka iyo Sh/Hoose”, ayuu yiri Nabadoon Cali Baashi oo katirsan Waxgaradka Marka.

Lama oga sida ay ugu suurta geli doontaan C/llaahi Axmed Waafow inuu hogaamiyo dadkii uu sanado ka hor kula dagaalamay degmooyin ay kamid tahay Marka.




Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...