[Fransiiska] oo baahiyay xog culus – Maxaa ku qarsanaa heshiiskii Farmaajo iyo Abiy?

0
Thursday March 14, 2019 - 17:53:36 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2326
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Fransiiska] oo baahiyay xog culus – Maxaa ku qarsanaa heshiiskii Farmaajo iyo Abiy?

    Waagacusub.com- Dawladda Faransiiska iyo Itoobiya ayaa shalay gaaray heshiis dhanka Militariga ah, gaar ahaan taageeridda ciidamada Badda ee Itoobiya samaysanayso kadib bookhasho laba maalmood ah oo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ku taga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Dawladda Faransiiska iyo Itoobiya ayaa shalay gaaray heshiis dhanka Militariga ah, gaar ahaan taageeridda ciidamada Badda ee Itoobiya samaysanayso kadib bookhasho laba maalmood ah oo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ku tagay dalka Itoobiya.

Su’aalo badan ayaa dhowaanahan ka taagna halka saldhig u noqoneysa ciidamada badda Itoobiya, ayada oo Soomaali badan ay qabeen tuhun ku saabsan inay usoo socdaan badda iyo dekadaha Soomaaliya, maadaama Itoobiya aysan bad lahayn.

Raadiyaha caalamiga ah ee Faransiiska ee Radio France International (RFI) ee dowladda Faransiiska ayaa baahiyey qoraal muujinaya in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay waxyaabo badan ka qarineyso shacabka.

RFI waxay shaaca ka qaaday in dalalka la filayo in Saldhigga Militari ee Itoobiya noqon doona yihiin Eritrea, Jabuuti, iyo Soomaaliya oo Somaliland ay qeyb ka tahay.

Markii uu Abiy Ahmed boqoasho ku yimid Muqdisho 16-kii June 2018, waxa uu madaxweyne Farmaajo la saxiixday heshiis ay labada dal ku wada maalgashanayaan afar dekad. Hase yeeshee labada dowladba ma aysna bixin wax faah-faahin oo ku saabsan heshiiska.

Waxyar un kadib heshiiskaas, Itoobiya waxay ku dhowaaqday inay dhisaneyso ciidankeeda badda, taasi oo ay xigtay warbixinta warbaahinta RFI ay shaacisay maanta ee ah in Soomaaliya ay qeyb ka tahay dalalka marti-gelin doona ciidamada badda Itoobiya.



Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...