[Wararkii] u dambeeyay weerarkii ka dhacay Masjidka Al Nuur (Sawirro)

0
Friday March 15, 2019 - 10:32:11 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Wararkii] u dambeeyay weerarkii ka dhacay Masjidka Al Nuur (Sawirro)

    Waagacusub.com- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ruux hubeysan uu ka geystay Masjid ku yaala Xaafadda Christchurch ee dalka New Zealand kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Wararkii ugu dambeeyay ee soo baxaya ayaa sheegaya in tirada d

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ruux hubeysan uu ka geystay Masjid ku yaala Xaafadda Christchurch ee dalka New Zealand kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Wararkii ugu dambeeyay ee soo baxaya ayaa sheegaya in tirada dhimashaa weerarka ay gaartay ku dhawaad 40 ruux oo ku sugnaa gudaha Masjidka weerarka uu ka dhacay, waxaana sidoo kale soo baxaya in masaajid kale uu weerar ka dhacay.

Qaar kamid ah dadka dhintay ayaa la sheegay inay ku jiraan dad Soomaaliyeed oo ku dukanayay Masaajidka, waxaana la aqoonsaday ilaa iyo hadda Afar ruux oo Soomaaliya asal ahaan kasoo jeeda.

Ciidamada amaanka ayaa bandow kusoo rogay xaafada weerarka uu ka dhacay, waxaana socda baxnaaninta dadka dhaawacyada ay gaareen, kuwaasi oo la dhigay xarumo caafimaad oo magaalada ku yaala.

Ciidamada amaanka ayaa durba shaaciyay in ku dhawaad afar ruux oo mid ay haweeney tahay loo qabtay weerarka ka dhacay Masaajidka Al Nuur, waxaana mid kamid ah la xaqiijiyay inuu u dhashay dalka Australia.

Wali faahfaahin dhab ah lagama bixin guud ahaan khasaaraha weerarka ka dhashay, waxaana socdo baaritaan laamaha amaanka ay sameynayaan.


Loading...


Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...