[Xog-Xasaasi] ah: Farmaajo & Kheyre Oo Laba Koox Kala Sameysteen Si Shidaalka Badda Soomaaliya Loo Xaraasho [Akhriso]

0
Saturday March 16, 2019 - 15:29:32 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 3027
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Xog-Xasaasi] ah: Farmaajo & Kheyre Oo Laba Koox Kala Sameysteen Si Shidaalka Badda Soomaaliya Loo Xaraasho [Akhriso]

    Waagacusub.com- Khilaaf xoogan ayaa ka dhacay xaraashka badda soomaaliya iyada oo loolanka kheyre iyo farmaajo ay ku soo biireen hay'addo ajnabi ah iyo guddoonka golaha shacabka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Khilaaf xoogan ayaa ka dhacay xaraashka badda soomaaliya iyada oo loolanka kheyre iyo farmaajo ay ku soo biireen hay'addo ajnabi ah iyo guddoonka golaha shacabka.

Sidee Farmaajo Ku Bilaabey Qorshaha Xaraashka Badda?

Farmaajo Waxaa uu awoodda ugu badan galiyay sidii uu ula wareegi lahaa wasaraadda Batroolka iyo macdanta XFS, Isaga oo xubo badan oo beeshiisa (Mareexaan) ah ku soo aruuriyay wasaaradda.

Xoghayihii Joogtada ahaa ee wasaaradda batroolka Mudane Jamal Qasim Mursal oo tan iyo 12/05/2016 oo uu Rw Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke u magacaabey xogyaha joogtada ah ayaa dagaal kala kulmey xafiiska farmaajo.

Mudane Jamal Mural  waxaa uu inta badan waayo joog u ahaa muranka badda ee Kenya kala dhaxeeyo soomaaliya, si taasi looga fogaado ayaa Maamlin maalmaha kamid ah iyada oo shaqada socoto waxaa Xogahaye Jamaal u yimid  wasiirka Batroolka iyo Macdanta Cabdirashiid Maxamed Axmed, waxaana uu u sheegay in Nin la dhaho Karar Ashkir Dhoomey oo mareexaan ah uu u soo dhiibey Madaxweyne Farmaajo sidaas darteedna shaqadiisa uu ku wareejiyo ninkan farmaajo wato.

Xoghaye Jamaal ayaa ka biyo diidey arrintas oo uu wasiirku u sheegey in Wareegto oo kaliya uu ku qanciyo karo si booska uu u baneeyo.

Markaa kadib waxaa si deg deg ah lagu diyaariyey sharci qeexayo in Wasaaraddaha aysan yeelan karin Xoghaye Joogto ah ee kaliya ay lahaan karaan agaasime guud waxaan sharcigaas ansixiyay Golaha wasiiradda

Loading...

Wasiirka batroolka oo arintaas ka caroorey ayaa shaqaalah wasaradda ku wargaliyey in 05/05/2018  uu Agaasimaha guud ee wasaaradda uu u magacaabey Karar Shukri Doomeey sidaas darteedna shaqaalaha wasaaradda uu faryo in lala shaqeeyo.

Farmaajo tillaabidiisa koowad waa uu ku guuleystay oo Xoghayihii joogtada ahaa booska waa laga saarey iyada oo Agaasimaha Guud iyo Wasiir ku xigeenka wasaradda ay yihiin laba nin oo ku beel ah Farmaajo (Mareexaan).

Agaasimaha guud ee wasaaradda waxaa uu durbadiiba bilaabey in shan qof oo isaga la shaqeysa uu wasaradda keeno, kadibna uu xiriir la sameeyay hay’addaha qaabilsan mashaariicda Batroolka si riyada farmaajo uu ugu rumeeyo.

Agaasimaha iyo kooxdii la shaqeyneysay waxay bilaabeen qorshaha Xaraashka Shidaalka Soomaaliya oo ka dhacay London.

Sidee Ku Bilowdey Xaraashka  Shidaalka ee London?

Agaasimaha guud ee wasaaradda Batroolka iyo macdanta Karar Ashkir Dhoomeeywaxaa uu afar maalin ka hor u duuley London isaga oo diyaariyey qorshaha iyo ajendaha shirka ee shirkadaha shidaalka qodayo ee London.

Afar qorsho oo wasiirka macdanta iyo dhammaan mas’uuliyiinta DFS aysan ka warqabin ayuu diyaariyey laakiin iyaga qorsho been ah ayaa loo sheegay si’aysan u walwalin shakina uga qaadin arrintan in madaxweynaha koox ka socoto ay gacanta kula jiraan.

Wasiirka Batroolka, Rw Ku xigeenka Dalka iyo Guddoomiye C/weli muudeey waxay la kulmeen waji gabax kadib markii ajenda aanan lagu tashan misana la isku ogeynla keenay, misana waqtigaas shirka la fadhiyo aysan waxba ka qaban Karin waxaana kamid ah qorshayaasha lagu kadiyey ee aan ajandaha ku jirin:-

1: 15 Xirmo ayay soo xuleen oo la xaraashayo wasiirka waxba kama ogo.

2: heshiiska qaybsiga khayraadka ee shirkadaha iyo dawladda soomaaliya (Production sharing agreement – PSA) waa la bedelay ayadoo kii hore yaallo looguna danaynaayo shirkadaha. wasiirka waxba kalama socon.

3: Sharciga 2008 ayaa la gudbiyay ayada oo Guddoomiyihii KX Koowaad uu leeyahay waxaan ansixin doonaa sharciga 2017 ee batroolka marka baarlamaanka furmo – warar iskhilaafsan ayaa meesha ka dhacey.

4: sharciga heshiiska mid cusub ayaa loo gudbiyay 2017.

Wasiir Cabdirashiid Maxamed Axmed Tallo gacantiisa waa ka baxdey waqtigaas wixii ka dambeeyay markii uu muqdisho ku soo laabteyna waxaa uu bilaabey in koox isaga daacad u ah abaabullo si’ kooxdan qiyaantey looga guuleysto.

Markiiba waxaa soo baraarugey RW kheyre oo amrey in Wasaaraddaha heshiis aan lala ogeyn gali Karin.

7/February/2019 Ayaa bilowdey dagaal cusub ee kala qeybsanaan labada xafiis ah.

Kooxda Taabacsan Madaxweynaha  ee uu hoggaaminayo Karar AShkir Dhoomeey oo ah Agaasimaha Guud ee wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Waxaa ay dageen Hotelka Peace Oo ku agyaal Agagaarka Garoonka diyaaradaha ee muqdisho.

Waxaa ay bilaaben in ay ku socdaan Baabuurta Aan Xabadda Karin ee (Pullet Proof), Lacagta hotelka, shidaalka, shaqaalaha shaqada la qabanaayo dhammaan qarashaadkas waxaa bixinaayo Shirkad Laga Leeyahey Norway ah.

Kooxda qof ee Hotelka Peace Dagan ee Farmaajo daacadda u ah waxay kala yihiin:-

  1. Karar Ashkir Doomeey   (Agaasimaha Guud ee wasaaradda Batroolka iyo macdanta)
  2. Abdullaahi Haidar (Agaasime waaxeedka waaxda Nidaminta)
  3. Abdulkadir Tahliil (Qeybta Shaciyada)
  4. Abdulkadir Abukar Hussein (Agaasimaha waaxda Farsamadda)
  5. Hodan (Xogheynta Agaasimaha Guue ee wasaaradda)
  6. Mahdi Maxamed Guuled Khadar (RW Ku xigeenka XFS)
  • Mahdi Maxamed Guuled Khadar (RW Ku xigeenka XFS) waxaa uu nla jiraa kooxda farmaajo.

Wasiirka Wasaaardda Batroolka waxaa uu bilaabey qorshe uu awoodda ku soo cesahanayo isaga oo koox sameyntay, waxaana uu la kulmeuy RW kheyre kana dhaadhiciyay in Farmaajo uu dabin u dhigey sidii uu uga baxsan lahaane uu ku talo jiro hadda.

Wasiirka Ayaa sameeyay Koox kala shaqeynta soo celinta Awoodda waxayna kala yihiin:-

  1. Xasan Cali Kheyre (Reysalwasaraaha XFS)
  2. Cabdirashii Maxamed Axmed (Wasiirka W.Batroolka iyo Macdanta)
  3. Ibraahim Cali Xuseen (La taliyaha wasiirka)
  4. Cabdullahi Shiikhey (La Taliye wasiirka ah)
  5. C/weli Sh.Ibrahim Muudeey (Guddoomiye Ku xigeenka 1-aad ee Glolaha shacabka)
  6. C/kariin Gambe (ku matale RW kheyre ee Shirkadda Som oil & Gas)

Labadaas koox oo mareexaan iyo Murusade ayaa loo kala baxay si koox kasta awooda gacantooda u soo gasho, qorshahaas xaraashka badda soomaaliya uu uga faaideysto.

Maxay RW Kheyre Iyo Madaxweyne Farmaajo Isku Khilaafen?

Madaxweynaha DFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu wataa shirkado shidaalka qodo oo ka socdo dalka Mareykanka.

RW Xasan Cali Kheyre waxaa uu isna wataa Shirkadda Soma Oil & Gas oo London fadhigeedu yahey, midkasta waxaa uu doonayaa in shirkada uu wato ay qorshahaan xaraasha ah fuliso.

Waxaana labada Mas’uul arrintan uga wakiil ah 

C.kariin Gambe oo Shirkadda Som Oil & Gas kheyre ku matalaya iyo
Karar Doomeey oo Mareexaan ah Farmaajo qorshahaan ku matalaya.

Wasiirka Batroolka waxaa uu aadey dalka Turkiga kadiba wuxuu uga sii duuley dalka Mareykanka, safarkaas waxaa uu walaac ku abuurey Kooxda farmaajo ee hotel peace degan.

Wasaaradda Waxaa shaqaale ka ah  70%  Mareexaan, Kadib Todobaad magacaabista agaasimaha guud waxaa booska laga saarey diirshe oo ka tirsanaa wasaaradda qorsheynta waliba isaga oo shaqo ku jira waxaana booskiisa lagu bedelay nin kale oo mareexaan ah.

Kooxda Nabad Iyo Nolol waxaa ay si cad oo aan gambasho laheyn ugu soo dhigteen hantii umadda soomaaliyeed iyaga oo doonayo in midkasta uu xaraashta.

Wasaaradda Batroolka iyo macdanta waxay wajaheysaa xaaladdii ugu adkeyd abid, iyada oo dhismaha wasaraadda burbursan yahay.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...