[Maxaa] ka jira in madaxweyne ku xigeenka HirShabelle uu kasoo cararay Jowhar?

0
Wednesday March 20, 2019 - 14:03:24 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1861
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Maxaa] ka jira in madaxweyne ku xigeenka HirShabelle uu kasoo cararay Jowhar?

    Waagacusub.com- Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Guudlaawe ayaa beeniyay warar sheegayay in uu isaga baxay magaalada Jowhar kaddib markii ciidamada dowladda ay ka baxeen aagaggii Gobolka Shabeellaha dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Guudlaawe ayaa beeniyay warar sheegayay in uu isaga baxay magaalada Jowhar kaddib markii ciidamada dowladda ay ka baxeen aagaggii Gobolka Shabeellaha dhexe.

Cali Guudlaawe ayaa u sheegay warbaahinta in uu ku sugan yahay Jowhar kuna shaqeynayo,waxaa uu  been abuur ku tilmaamay wararka la isla dhexmarayo.

"Magaalada Jowhar ayaa ku suganahay, howlihii caadiga ee maamulka waa socdaan, Golaha Wasiirada, maamulka heerka degmo, heer degmo howlahooda ayay wataan, ciidamada amnigana magaalada waa ku sugan yihiin”ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Ciidamo ka tirsan qeybta 27aad ee Ciidamada Dowladda ayaa isaga baxay degaannada Mahaddaay, Qalimow, Garsaale iyo duleedka Jowhar saldhigyo ay ku lahaayeen.

Ciidamadan ayaa cabanaya mushahar la’aan baahsan oo muddo bilooyin ay haysatay, xilli inta badan ciidanka dowladda aysan mushahar qaadan muddo afar bilood ah.


Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...