[Xog]Shaqaalaha beesha caalamka iyo ajaaniibta kale oo ka baxay Muqdisho

0
Wednesday March 20, 2019 - 16:49:10 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2605
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Xog]Shaqaalaha beesha caalamka iyo ajaaniibta kale oo ka baxay Muqdisho

    Waagacusub.com- Warar ay heshay Waagacusub ayaa sheegaya in maanta iyo shalay magaalada Muqdisho ay ka baxeen qaar ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay, Midowga yurub, Midowga Africa iyo inta badan shaqaalaha kale ee ajaaniibta ah kuna sugnaa maga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Warar ay heshay Waagacusub ayaa sheegaya in maanta iyo shalay magaalada Muqdisho ay ka baxeen qaar ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay, Midowga yurub, Midowga Africa iyo inta badan shaqaalaha kale ee ajaaniibta ah kuna sugnaa magaalada Muqdisho kadib xaalad cabsi ah oo ka jirta Gobalka Banaadir.

Sirdoonka ajaaniibta ah ee ku sugan Xalane ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay soo galeen Al-Shabaab badan, sidoo kalane ay ku soo dhawaadeen Al-Shabaab kale oo hubeysan kuwaas oo duqayn ku garaaci kara xafiisyada Qaramada Midoobay ee Xalane.


Loading...

Bilihii dhowaa Al-Shabaab ayaa sare u qaaday weerarada iyo qaraxyada Muqdisho, waxaana sirdoonka reer galbeedka la sheegay inay rumeysan yihiin in magaalada ay kusoo xoogeysanayaan.


Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa marti gelisay boqolaal Shaqaalo ajaaniib ah kuwaas oo ka shaqaynayay Xafiiska UN-ka ee Xalane waxaana la filayaa in kuwa kale ay ka baxaan magaalada Muqdisho.


Al-Shabaab ayaa la sheegay in degaano ku dhow dhow magaalada Muqdisho ay soo galeen kadib markii ay baneeyeen ciidamada difaaca Soomaaliya oo ka cabanaya Mushaar la’aan iyo garaam la’aan.



Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in Indhaha iyo Dhagaha ka oodatay cabashada ciidamada difaaca ayna qatar gelineyso amaanka Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...