[QORSHAHA] RW KHEYRE & FAHAD EE DOORASHADA 2020. (Qalalaasaha Ciidamadda, Galmudug iyo Qaraxyadda joogtada ah ee [Muqdisho]

0
Monday March 25, 2019 - 01:12:56 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2643
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [QORSHAHA] RW KHEYRE & FAHAD EE DOORASHADA 2020. (Qalalaasaha Ciidamadda, Galmudug iyo Qaraxyadda joogtada ah ee [Muqdisho]

    Waagacusub.com- RW Kheyre iyo Fahad qorshahooda Doorashadda 2020 oo si aad u xirfad sareysa ugu socda, heshiis la galeen Madaxweyne Ahmed Madoobe, Booqashana ugu tageen Kismaayo, si aad u sareysa loogu soo dhoweeyey, lagana aqrisan karay heerka Kalso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- RW Kheyre iyo Fahad qorshahooda Doorashadda 2020 oo si aad u xirfad sareysa ugu socda, heshiis la galeen Madaxweyne Ahmed Madoobe, Booqashana ugu tageen Kismaayo, si aad u sareysa loogu soo dhoweeyey, lagana aqrisan karay heerka Kalsoonida iyo danaha mideeya oo ka dhanka ah Farmaajo doorashada 2020, heshiiska 2-da dhinac yahay in Ahmed Madoobe si xirfadeysan ugala shaqeeyaan in dib loogu doorto Jubaland, isaguna kala shaqeeyo doorashadda 2020-ka ee Musharax Kheyre,

Xili shacabka Soomaaliyeed isha ku wada hayeen kulanka Kismaayo ee Kheyre, Fahad & Ahmed Madoobe, cabsi qabeen in Farmaajo fahmo qorshahooda, fashiliyo waxaa Xukuumadda bilaawday qorshe Jihadda looga luminayo Farmaajo oo la jaanqaadaya kuwo horey u socday oo kamid ah qorshahooda:-


Loading...

1. Qalalaasaha Tirakoobka, Mushaarka Ciidamadda & Saadkooda oo horey loo sii qorsheeyey balse lagu soo aadiyey safarkii Kismaayo kadib, Fadeexadda iyo fashilka ka yimaada uu ku dhacayo Taliyaha guud ee Ciidamadda oo ah Farmaajo. 


2- Qaraxyo joogto ah oo ka dhacaya wadnaha Magaaladda, Deegaan aad loo ilaaliyo, Dilal qorsheysan oo baabuur qarax lagu xirayo ah, hawshaan oo horeyna u socotay, qeybna ka ah  qorshaha Kheyre & Fahad. 


3. Maamulka Galmudug oo xiligii ASWJ midoobeen una guureen Dhuusamareeb uu Madaxweyne Farmaajo goobjoog ka ahaa, Xiriirka Farmaajo & ASWJ wanaagsanaa, Garoowe isfaham ku dhexmaray Farmaajo & Xaaf, is arag danbe u balameen, waxaa RW Kheyre & Fahad bilaabeen Kaarka Qalalaasaha Cadaado, Wasiir Beyle waxay u direen soo saarista warqad ku socota Maaliyadda Galmudug oo fadhigeeda Cadaado lagu qoray, Wasiir Sabriye waxaa loo diray inuu ku dhawaaqo xiliga doorashada Galmudug tahay July 2019, dhismo Taliska Qeybta 21-aad oo Cadaado laga Dhagax dhigay, looga wareejiyey Dhuusamareeb ,Qabsashadii Madaxtooyadda hore ee Cadaado, arimahaa oo keenay ujeedada laga lahaa, Madaxweyne Xaaf & Madaxa Xukuumadda Sh Shaakir go'aan ka dhan ah qorshaha doorashada xukuumada ku dhawaaqeen, uga aamin baxeen Farmaajo. Kheyre & Fahad ayaa og qorshe gacan siinaya uusan ka soconeyn Dhuusamareeb oo ay ku awood badan yihiin ASWJ.


4. RW Kheyre iyo Fahad oo doonaya in Farmaajo ka mashquuliyaan qorshahooda, ka foojigan inuu Khilaaf yimaado ilaa bilaawga 2020, xiligaa oo ah xili Doorasho oo Beesha Caalamka aqbaleyn in RW la rido, xiligaa oo diyaar u yihiin in Dawlada kula dhex dagaalamaan Farmaajo.


5. RW Kheyre iyo Fahad oo doonaya dhismaha Xisbiga Nabad iyo Nolol kusoo aadiyaan kadib qorshahooda Jubaland iyo Galmudug, bilaawga 2020 diiwaan geliyaan Xisbiga, xiligaa oo Farmaajo wax laga weydiineyn, Taageerayaashiisa ku yar yihiin, Xisbiga Xubnihiisa yihiin Xukuumadda, Baarlamaanka N$N & Maamulada ku xiran xukuumada.


6. Qorshaha Doorashadda 2020 ee Musharax Kheyre waxaa qeyb ka ah Midawga Europe (Mashruuca lagu saxiixay Kismaayo) UK, Qatar, Shirkadaha shidaalka, Hayaddo Caalami ah oo Xukuumadda Kheyre u sameynaya buun buunin horumar dhaqaale aan jirin.


7. Xiliga Qalalaasaha qorsheysan socdo Madaxweynaha Jubaland Ahmed Madoobe wuxuu magacaabay guddiga Doorashadda Jubaland, Dawladda Federalka dhinacaa kuma mashquulsana. 


Isku soo wada duub amni Muqdisho iyo degenaan siyaasadeed ha sugin inta laga gaarayo Doorashadda 2020 sidaa oo ah danta RW Kheyre iyo Fahad Yasin.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...