[Sawiro] Wararkii ugu dambeeyey Qaraxii ka dhacay Muqdisho

0
Tuesday March 26, 2019 - 15:18:33 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2371
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Sawiro] Wararkii ugu dambeeyey Qaraxii ka dhacay Muqdisho

    Waagacusub.com- Qarax gaari ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Degmada Hodan ee Gobalka banaadir, waxaana jugta qaraxa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka Gobalka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Qarax gaari ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Degmada Hodan ee Gobalka banaadir, waxaana jugta qaraxa laga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka Gobalka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa mid lagu soo xiray gaari ayaa waxaa  uu si gaar ah kaga dhacay Isgoyska Taleex ee Degmada Hodan, waxaana ka dhashay khasaaro xoogan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa  sheegay in gaariga qarxay uu yahay nooca ay Soomaalida u taqaano Sarufta.

Gaariga qarxay ayaa socday waddada u dhow Km4, halka looga laabto isgoyska Taleex, waxaana qaraxa lagu xiray oo ahaa mid xoog leh uu dhaliyey inuu dab qabsado gaariga, isla markaana uu waxyeello gaarsiiyo dhowr gaari oo wadadda marayey oo uu ka mid yahay Gaari Caasi (Mini-Bus) oo aad ugu dhowaa gaariga qarxay.

 

Dabka ayaa cirka isku shareeray iyadoo dadweynaha goobta ka dhowaa ay u gurmadeen dadkii gawaarida ku xayirantay, waxaana halkaasi gaaray gaadiidka gurmadka degdegga ah.

Gaariga qarxay ayaa la sheegayaa dadkii ku jiray inay ku dhinteen, waxaa kale oo dad shacab ay ku dhinteen gaari Homy ah oo wadada maraayay.

Saraakiil ka tirsan Hay,addaha ammaanka dowladda ayaa xaqiijiyay qaraxa dhacay inay ku dhinteen afar ruux oo shacab ah oo ay ku jiraan dadkii watay gaariga qarxay.

Dadka dhintay ayaa waxaa kamid ahaa sida la xaqiijiyey darawalkii waday gaariga Homy-da ah iyo qaar ka tirsan shacabkii gaariga saarnaa.

Gaariga qarxay ayaa waxaa waday Wiil dhallinyaro ah oo ku dhintay Qaraxa, waxaana sidoo kale la saarnaa nin awoowe u ahaa oo la sheegay inuu dhaawacmay.


Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...