[Taliyihii Ciidanka] Gaarka Ee Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Dhaawacay Afaafka Hore Ee Madaxtooyada

0
Tuesday March 26, 2019 - 18:07:09 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2397
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Taliyihii Ciidanka] Gaarka Ee Madaxweyne Farmaajo Oo Lagu Dhaawacay Afaafka Hore Ee Madaxtooyada

    Waagacusub.com- Askari ka tirsan Ciidanka ilaalada gaarka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta Taliyihiisa waxa uu ku dhaawacay afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada, halkaas oo ilaalo ay ka hayaan Ciidanka sida qaaska u ilaaliya MadaxweynahaL

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Askari ka tirsan Ciidanka ilaalada gaarka ee Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Maanta Taliyihiisa waxa uu ku dhaawacay afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyada, halkaas oo ilaalo ay ka hayaan Ciidanka sida qaaska u ilaaliya MadaxweynahaL

Cabdifitaax Dabagaale oo ahaa Taliyaha horinta Ciidaanka ilaalada gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaawac soo gaaray, kadib markii muran uu soo kala dhaxgalay isaga iyo askarigiisa, taas oo sababtay in uu rasaas ku furay askarigu Taliyaha.

Warar ay  heleyso Waagacusub ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in u murankaan uu yimid kadib markii askarigu taliyaha uu ku eedeeyay in uu lunsaday lacag uu lahaa askarigu,hayeeshee muranka oo sii dheeraaday ayaa sababay in la dhaawaco Cabdifitaax Dabagaale.
Dhaawaca Taliyaha ayaa loo qaaday mid ka mid ah goobaha caafimaadka eek u yaalla Magaalada Muqdisho si halkaasi loogu dabiiyo Xaaladiisa Caafimaad,waxaana durbo goobta ka baxday askarigii ka dambeeyay falkaas.
Muddooyinkii dambe ayaa waxaa isa soo tarayay Cabashada Ciidanka Xoogan Dalka Soomaaliya oo ku aadan Mushaar la’aan soo wajahday dhowr bilood,iyadoona warar qaar sheegayaan in Ciidanka gaar ah ee ilaalada Madaxtooyada aysan qaadan wax mushaar ah muddo ku dhow 2 bilood,sidoo kalena aysan weli wax Mushaar ah helin Shaqaalaha Madaxtooyadda.

Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...