[Taariikh dahaba:] Duuliyihii Miiga dagaalka Somalia ee Ethiopia qabatay iyo la yaabkii uu miigiisii kula baxsaday kadibna ku duqeeyay ?

0
Thursday April 11, 2019 - 02:48:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2772
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [Taariikh dahaba:] Duuliyihii Miiga dagaalka Somalia ee Ethiopia qabatay iyo la yaabkii uu miigiisii kula baxsaday kadibna ku duqeeyay ?

    Duuliye Weeydoow waxa uu ku dhashay degmada #Buulobarde. Waxa uu wax ku Soo bartay Ruushka, Waxa uu Xeeldheere ku ahaa gad gadoonka miiga waxa uu hawada ku Qori jiray Soomaaliya. Iyo xarfo kale . Dagaalkii itoobiya 1977 waxaa uu bur buriyay dhufeey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duuliye Weeydoow waxa uu ku dhashay degmada #Buulobarde. Waxa uu wax ku Soo bartay Ruushka, Waxa uu Xeeldheere ku ahaa gad gadoonka miiga waxa uu hawada ku Qori jiray Soomaaliya. Iyo xarfo kale . Dagaalkii itoobiya 1977 waxaa uu bur buriyay dhufeeysyadii xabashida ee ugu cuslaa Waxaa Hawada ku Qabtay diyaaradaha dagaalka itoobiya Oo garbaha ka galay xili uu rabay in uu garaaco talis ku dhawaa Addis Ababa. Raadiyaha itoobiya ayaa laga baahiyay in ay soomaalida ka qabsadeen miig 17 iyo duuliyihii waday. Durba xabashida ayaa biloowday damaashaadka.

Waxa ay ku amreen in uu ku dego debrezeyit airport. Markuu hubsaday in ay cagaha dhulka saareen kuwii galbinaayay ayna ridi Karin gantaal ayuu Xaweere ugu duulay Hawada asagoo marba dhinac u rogaya miiga si aan loola helin Rasaasta Ciidankii dhulka ee garoonkaas ayaa ku hurgufay sawaariiiq iyo lidka diyaaradaha 

Waxa uu Sii duqeeyay talis ciidan waxa uu ka dagey Jabuuti uu shidaal ka qaatay.

Xili ay murugo ku jiraan madaxdii qaranka ayuu gacanka kala hadlay "haloow waa Duuliye Weydoow Oo Ku guda jira shaqadii Qarankaā€¯ waxaa lala ilmeeyay Farxad Alalaaska ayaa isqabsaday xarumaha gaashaandhigga iyo Afasiyooni.

Duuliye Sare Cabdullaahi Weeydoow waxaa la siiyay Bilada Dagaalka iyo Geesinimada Ee dahabka ah Geesi Qaran ee ciidankii libaaxyadii Afrika, 


Waxa uu geeriyooday 1984
Duuliyihii Afrika Duuliyihii mucjisada Cirka.

Waxaa Codsan jiray in ay Arkaan Duuliyeyaal Caalami ah iyo madaxdii imaan jirtay Soomaaliya.
Waxaa Codsaday in ay Arkaan maxaabiis laga Qabtay itoobiya iyo maamulkii mingiste waana loo Diiday in ay Arkaan.

XIGASHO: Xarbi Fareey

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...