[Wardegdega:-] Kheyre oo aqbalay inuu iscasilo laakiin hal sharuud ku xiray ?

0
Wednesday May 01, 2019 - 03:35:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 6646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Wardegdega:-] Kheyre oo aqbalay inuu iscasilo laakiin hal sharuud ku xiray ?

    Waagacusub.com - Ra'isulwasaare Kheyre ayaa markii ugu horeeysay aqbalay inuu xilka iska casilo laakiin wuxuu sharuud ka dhigay in maalinta sabtiga loo ansixiyo sharciga Shidaalka Somalia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Ra'isulwasaare Kheyre ayaa markii ugu horeeysay aqbalay inuu xilka iska casilo laakiin wuxuu sharuud ka dhigay in maalinta sabtiga loo ansixiyo sharciga Shidaalka Somalia. Madaxweyne Farmaajo ayaa u tegay Kheyre wuxuuna ku yiri " Inaan anniga iscasilo iyo inaad adiga iscasisho tee ku qanacsan tahay , maxaa yeelay haddii aan taas diidno dalka ku meel gaar ayaa lagu celinayaa, magac xumadaasna annaga ayey na raaci doontaa"?
Kheyre ayaa su-aasha Farmaajo uga jawaabay , wuxuuna ku yiri " ANNIGA AYAA ISCASILAA OO FUDUD LAAKIIN SHARCIGA SHIDAALKA SOMALIA WAA INEY BAARLAMAANKA II ANSIXISAA SABTIGA ,KADIBNA WAAN ISCASILAYAA"
Lamma ogga Farmaajo wuxuu fali doono laakiin Kheyre iyo Farmaajo ayaa isku khilaafay sharciga Shidaalka .
Wasiirkii Shidaalka wuxuu la saftay Kheyre halka Agaasimaha guud la safan yahay Farmaajo.
Farmaajo oo helay xog ku saabsan in Kheyre dilli rabo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shidaalka ayaa si degdega u dejiyay Hotel Peace Muqdisho halkaas oo ay ku ilaaliyaan Ciidan gaara oo Villa Somalia hoos taga.
Safiiradda beesha Caalamka iyo Madaxda maamul goboleedyadda Somalia ayaa isku raacay in dowladda Somalia lagu celiyo KMG haddii Farmaajo diido inuu sameeyo isbedel siyaasadeed iyo Xukumad cusub.
Tan iyo markii la doortay Farmaajo waxaa faraha ka baxay Amaankii Muqdisho, waxey kala fogaadeen Maamul goboleedyadda ,iyadoo xaalku gaaray iney xoog ku maquuniyaan Maamul goboleedyada Hirshabelle ,Galmudug iyo Koofur Galbeed.
Beesha Caalamka waxey Dowladda Farmaajo u aragtaa mid foowdo iyo qas u jooga .
Sikastaba ha ahaatee, Dowladda Farmaajo waxey afka ciidda gelisay maalintii ay eriday Ergaygii Qaramadda Midoobay ee Somalia Amb Hayson oo ka dhiidhiyay xasuuqii Ciidanka Boliiska ay ka geysteen Baydhabo Janaay oo dad rayida ay ku dhameeyeen.

Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...