[Maxay] ka wada hadleen CC Warsame iyo masuuliyiinta Somaliland ee Nairobi ku kulmay?

0
Thursday May 23, 2019 - 08:13:12 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2089
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Maxay] ka wada hadleen CC Warsame iyo masuuliyiinta Somaliland ee Nairobi ku kulmay?

    Waagacusub.com- Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa kulan uu ku dhex maray Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame iyo xubno ka tirsan maamulka Somaliland oo ku sugan magaalada Nairobi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa kulan uu ku dhex maray Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame iyo xubno ka tirsan maamulka Somaliland oo ku sugan magaalada Nairobi.

Kulankaasi oo ahaa mid aan horey loo shaacin ayaa la sheegay inuu ahaa mid looga hadlayay arimo dhowr ah.

Waxaa kulanka kasoo muuqday wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, hogaamiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe iyo hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

Kulankaasi ayaa waxaa si aad ah looga hadlay arrimo ay kamid ahaayeen caqabadaha xilligaan hortaagan wadahadallada Soomaaliya iyo Soomaaliland oo aan qabsoomin tan iyo markii Soomaaliya loo doortay in uu Madaxweyne ka noqdo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Masuuliyiinta ka socotay dhanka Maamulka Somaliland ayaa si cad u sheegay inay dhankooda diyaar u yihiin wadahadalka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya, balse waxay ku eedeeyeen dhanka dowladda Soomaaliya inay wax walbaa ka socon la’yihiin.

Ma jirin wax wadahadal ah oo dhex maray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland muddo ka badan labo sano, waxaana muuqata inuusan isku soo dhawaansho labada dhinac ah.

Wararka kale ee aan heleyno ayaa sheegaya Nairobi ay ka socdaan kulamo u dhaxeeya dhinaca kala duwan ee Somaliland oo arrimo dhowr ah isku haya, gaar ahaan xisbiyada kala duwan ee Somaliland.

Eng Faysal Cali waraabe oo ah hogamiyah Xisbiga UCID ayaa yiri dhawan waxan tageri doona Shaqsi ku beel Ah General Mohamed Faraxa Caydiid si aan uso celino isbahesigii ka dhaxeyay SNM & USC 

Kulanka ayaa hurdo la an ku riday kooxda Villa Somalia ka arimiso wexena u arken guulo usoo hoyday Hogamiha Ee ugu neceb yihin C.C.W



Loading...



Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...