[Topnews:-] Farmaajo oo Ninkii xasuuqay Habargidir 2017-ka iyo Ninkii Xaaf ku inqilaabay Dhusamareeb u magacaabay guddigga dib u heshiisiinta Galmudug ?

1
Thursday July 18, 2019 - 05:59:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 7687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 2
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Farmaajo oo Ninkii xasuuqay Habargidir 2017-ka iyo Ninkii Xaaf ku inqilaabay Dhusamareeb u magacaabay guddigga dib u heshiisiinta Galmudug ?

    Waagacusub.com - Shacabka u dhashay beelweynta Habargidir ayey la yaab iyo fahad ku noqotay guddi uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay iney daadihiyaan dib u heshiisiinta beelaha Galmudug.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Shacabka u dhashay beelweynta Habargidir ayey la yaab iyo fahad ku noqotay guddi uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay iney daadihiyaan dib u heshiisiinta beelaha Galmudug.

Guddigga uu Farmaajo magacaabay oo 12 xubnood ka kooban waxaa ka mida Maxamuud Gacmadheere oo lagu xasuusto inuu xilligii Dowladda Cabdullahi Yusuf amray in la duqeeyo isku wareeg degaan dhan 16 KM oo ay beesha Habargidir oo kafiya degtay.

Inkastoo qof kastoo Habargidir ah taqaano Gacmadheere inuu yahay nin jecel u shaqeeynta cadawga beesha Habargidir ,haddana waxaa yaab iyo amakagaag badan ku riday waxgaradka Habargidir , inuu Farmaajo guddiggaas ku soo deray wiil uu adeer u yahay Macalin Maxamuud oo la yiraa Cabdikaafi Qaaf kaas oo ahaay ninki Dhuusamareeb ku inqilaabay Madaxweyne Xaaf.

Cabdi kaafi Qaaf oo ahaay Wasiir Galmudug , Xukumaddii Xaaf ayaa ka shaqeeyay sidii loo inqilaabi lahaa Madaxweyne Xaaf.


Loading...


Dhinaca beesha Sacad Habargidir waxaa guddigga lagu soo deray Cabdisalan Dhabancad oo la og yahay inuusan kala qaba karin laba RIyood haddii ay hortiisa isku dagaalaan.

Sikastaba ha ahaatee guddigaan la magacaabay wuxuu daaha ka rogayaa laba arrimood oo kala ah:-

1- Inuusan Farmaajo rabin dhab u heshiisiin dhaba iney Galmudug ka dhawro.

2- Inuu Farmaajo neceb yahay Habargidir , mar haddii uu dib u heshiisinta u soo magacaabay Gacmadheere iyo kuwa weli uu qoyan yahay dhiigii ay daadiyeen.

Dib u heshiisiin iyo dhab u heshiisiin labaduba midna laga sugi maayo Nacamleeyeyaasha Farmaajo ee dhamaantood ka siman qadiyadda naceybka beesha Habargidir.

Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...