[Sir xasaasiya:-] qorshaha Kheyre iyo Fahad Yasiin ku qabsanayaan Galmudug iyo Shirkadaha shidaalka ee maalgelinta siiyay ?

0
Friday July 19, 2019 - 09:32:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3622
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Sir xasaasiya:-] qorshaha Kheyre iyo Fahad Yasiin ku qabsanayaan Galmudug iyo Shirkadaha shidaalka ee maalgelinta siiyay ?

    Waagacusub.com - Waxaa xowli ku socda qorshaha la doonayo in degaanada Galmudug laga dhiso Maleeshiyaad si gaar ah oo difaaca danaha ay shirkadaha shidaalka ka leeyihiin degaanka Galmudug, waxaana qorshahaasi qeybtiisii hore la dhameystiray, iyadoo x

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Waxaa xowli ku socda qorshaha la doonayo in degaanada Galmudug laga dhiso Maleeshiyaad si gaar ah oo difaaca danaha ay shirkadaha shidaalka ka leeyihiin degaanka Galmudug, waxaana qorshahaasi qeybtiisii hore la dhameystiray, iyadoo xarunta abaabulka Maleeshiyaadka loo doortay iney noqoto Magaalada Dhuusa mareeb.

Kulamadii ugu dambeeyay ee lala yeeshay shirkadaha  shidaalka ee ayaa la isla meel dhigay inay shidaal ka soo saaraan  badda Soomaaliya, waxaana dareen laga muujiyeen labo qodob oo ay ku sheegeen in ay asaasi u tahay in la helo inta ay howsha baaritaanka bilaaban;

Hanashada awooda madaxda iyo shacabka Dowlad Goboleedka Galmudug: 


Loading...

Shirkadaha Shidaalka oo lagula heshiiyay in ay bilaabaan baaritanka ugu horeeyay horaanta sanadka soo socda ayaa ka biyo diiday in ay bilaabaan howlgalkooda ilaa la xaqiijiyo in degaanka Galmudug madax looga dhigo shaqsiyaad ka amar qaata Xasan Kheyre iyo Fahad Yasin si ayan mustaqbalka carqalad uga imaan xaqiijinta taabagalinta qorshaha ay shirkadaha Shidaalka leeyihiin degaanka Galmudug, Taas oo macnaheeedu yahay in Galmudug laga xureeyo dadka reer Galmudug.


In la dhiso Maleeshiyaad gaar ah oo laga keenay degano ka baxsan Galmudug kuwaasoo si xoog iyo farsamo ku jirtaba ula wareega degaanka Galmudug. Taasoo micnaheedu yahay inay degaanada ku dhow xeebta xoog lagula wareego, lana barakiciyo.


Iyada oo laga duulayo qorshahaasi ayaa bishii May ee sanadkaan 2019 waxaa kulamo lala yeeshay shirkadaha shidaalka oo ka dhacay dalka dibadiiisa iyo gudahiisa kaasoo lagu go’aamiyay in Maamulka Farmaajo iyo kooxdiisa ay ka dhisaan Galmudug maamul ka amar qaata gacan yarayaadhiisa Xasan Kheyre iyo Fahad Yasin iyo Maleeshiyaad iyaga u adeega.


Shirkadaha Shidaalka ayaa dhankooda balan qaaday in ay bixiyaan Dhaqaale hordhac ah oo la siinayo Shaqsiyaadkaan kuwaasoo loo adeegsanayo in lagu kala furfuro beelaha degan Galmudug isla markaana doorashada Galmudug loo isticmaalo dhaqaalahaas.


Shirkadaha shidaalka  ayaa sidoo kale ballanqaaday in horaanta bisha Aguasto ay bixin doonaan Dhaqaale hordhac oo la siin doono Maamulka Fadhiidka ee Farmaajo. Lacagataas oo cadadkeedu lagu qiyaasay in ay tahay 10% lacagaha hordhac ah oo horay loogu heshiiyay.


Waxaa jira heshiis hoose oo lagu qanciyay ganacsatadda beelaha Ceyr, Duduble,Murusade iyo Mareexaan in ay tageeraan qorshahaan Mr.Farmaajo iyaga oo loo muujiyay in qandaraaska  shidaal soo saarida iyaga la siin doono. Aragtidaan ayaan ahayn mid xaqiiq ah kana tarjumaynin xaalada Degaanadaas, Mr.Farmaajo iyo kaaliyayaashiisa ayaa doonayo in uu ku owr kacsado beelahaan laakiin qorshuhu intaas waa uu ka weyn yahay.


Waxaa ayaan darro ah in Bulshada ku dhaqan degaanka  Galmudug ay garan la’yihiin in go’aanka ugu dambeeyay ee la xiriira kheyraadka dhulkooda ay iyagu leeyihiin.


Marnaba suuragal ma ahaan doonto in shacabka Galmudug laga xoreeyo Galmudug, waxaase xaqiiq ah in ay keeni doonto dagaal dib uga soo cusboonaado Galmudug.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...