[Saraakiil] ka tirsan Sirdoonka Itoobiya oo gaaray Kismaayo iyo xog ku saabsan socdaalkooda

0
Wednesday August 14, 2019 - 13:37:02 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 2507
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Saraakiil] ka tirsan Sirdoonka Itoobiya oo gaaray Kismaayo iyo xog ku saabsan socdaalkooda

    Waagacusub.com- Ilo wareedyo muhiim ah ayaa u xaqiijiyay WAAGACUSUB MEDIA- in Saraakiil ka socda Sirdoonka Itoobiya ay saaka gaareen magaalada Kismaayo, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo socdaalkooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Ilo wareedyo muhiim ah ayaa u xaqiijiyay WAAGACUSUB MEDIA- in Saraakiil ka socda Sirdoonka Itoobiya ay saaka gaareen magaalada Kismaayo, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo socdaalkooda.

Saraakiishan ka socda Sirdoonka Itoobiya oo gaaraya illaa lix sarkaal ayaa shalay si qarsoodi u yimid magaalada Muqdisho, iyagoo saaka u duulay Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiishan ay kulamo la yeelan doonaan Madaxda Jubbaland, waxaana arrinta ugu weyn socdaalkooda uu yahay doorashada Jubbaland iyo culeys ay doonayaan inay saaraan Maamulka Axmed Madoobe.

Ilo wareedyo ku sugan gudaha Kismaayo ayaa sheegaya in Saraakiishan ka socda dowladda Itoobiya horay loo hadal hayay socdaalkooda, isla markaana ay ku casuumeen Axmed Madoobe inuu yimaado Addis Ababa, balse uu ka cudur daartay, kuna casuumay inay Kismayo yimaadaan.

Doorashada Jubbaland ayaa meel xasaasi ah maraya, iyadoo shalay la dhaariyay Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland, waxaana ay Guddoomiye KMG ah u doorteen ninka ugu da’da weyn ee Xildhibaanada cusub, inta laga soo dooranayo Guddoon cusub.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xiriir dhow la leh dowladda Itoobiya ayaa la sheegayaa inay ciyaareyso door labaad oo ku aadan cadaadis iyo faragelin ku aadan doorashada Jubbaland, si la mid ah doorashadii Jubbaland iyo qaabkii meesha looga saaray Madaxweynihii hore ee Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Madaxweyne FARMAJO aya adaksanaya sirdoonka Dalka ETHIOPIA shalayna marku Tartanka ku jiray dadka ayu Beer jilecsan jiray inu necebyahy ETHIOPIA balse marku xilka qabtay aye cadatay inu xariir hoose la laha Mamulka ETHIOPIA 

ETHIOPIA ma jeclo in SOMALIA noqoto wadan jira wexena ino arakta Cadowgeda ugu horeyo 

Lkn Madaxda Somalida aya u arka ETHIOPIA Walalo ina jecel ETHIOPIA Cadawada ee ino qabto ma qarsato 

Hadad Somali dhaba tahay ETHIOPIA waa Cadowgaga dhabta ah


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...