[Daawo] gabadh Ciidanka Amisom afduubteen kadibna saf ka galeen oo lagu tuuray KM4 Muqdisho

1
Friday September 20, 2019 - 03:08:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 11871
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 2
  • Share via Social Media

    [Daawo] gabadh Ciidanka Amisom afduubteen kadibna saf ka galeen oo lagu tuuray KM4 Muqdisho

    Waagacusub.com - Ciidanka Amisom ayaa isgosyka KM4 ku tuuray haweeneey ka ganacsan jirtay biyaha iyo caanaha oo afduubteen seddex habeen ka hor.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Ciidanka Amisom ayaa isgosyka KM4 ku tuuray haweeneey ka ganacsan jirtay biyaha iyo caanaha oo afduubteen seddex habeen ka hor. Haweeneeydaan oo lagu magacaabo Fadumo Cabdikariim ayey halka biyo degaanka dhigeen kadibna waa iskaga tageen iyadoo aysan jirin cid ka daba tagtay ama u dooday xaquuqdeeda.
Haweeneeyda oo la soo xiriirtay Waagacusub.com ayaa sheegtay iney adeegyo u geeyn jirtay Ciidanka laakiin ugu dambeeyn ay afduubteen iyagoo saf ka galayay mudo laba habeen ah.
"Xero Ciidan ayey i geeysteen halkaas ayey saf iiga galeen kadibna waxey igu tuureen meel mugdiya oo ku dhaw KM4 " ayey tiri Fadumo Cabdikariim.
Dowladda Farmaajo kama hadlin tacadiga heerkaan gaarsiisan ee lagu kufsaday gabadha maskiintaa hasse yeeshee warbixin dhawaan ka soo baxday Hay'adaha xaquuqul insaanka Somalia ayaa lagu sheegay iney Ciidanka Amisom kufsiyo joogtaa kula kacaan haweenka Soomaaliyeed.
Ciidanka shisheeye ee AMISOM oo horey uga cabsan jiray iney ku dhiiradaan kufsiyada hadda waxey xaqiiqsadeen ineysan dadku laheyn maamul u doodaa xaquuqda iyo shacab ka dhiidhin kara falalka foosha xun ee ay falayaan.
Sikastaba ha ahaatee, waa in bulshadda u istaagto sidii Cadaaladda loo horgeyn lahaa Saraakiisha iyo Askarta Amisom ee kufsanaya gabdhaha Soomaaliyeed ee dalkooda hooyo jooga.

Loading...



Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...