Topnews:- Madaxweyne Xaaf oo shaaciyay inuu la wareegay dhab u heshiisiinta iyo dhismaha Dowladda Galmudug

0
Monday September 30, 2019 - 06:21:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1773
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 3 0
  • Share via Social Media

    Topnews:- Madaxweyne Xaaf oo shaaciyay inuu la wareegay dhab u heshiisiinta iyo dhismaha Dowladda Galmudug

    Waagacusub.com - Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducale Geelle Xaaf ayaa si rasmiya u shaaciyay inuu Wasaaradda Arrimaha gudaha Dowladda Farmaajo kala laabtay Wakiilashadii uu u xilsaaray dib u heshiisiinta iyo diyaarinta doorashadda Galmudug kadib marki

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducale Geelle Xaaf ayaa si rasmiya u shaaciyay inuu Wasaaradda Arrimaha gudaha Dowladda Farmaajo kala laabtay Wakiilashadii uu u xilsaaray dib u heshiisiinta iyo diyaarinta doorashadda Galmudug kadib markii ay ku fashilantay.
Madaxweyne Xaaf oo soo saaray War Murtiyeed laba bog ka kooban wuxuu ugu baaqay Gollaha Wasiiradda Galmudug iney shir degdega iskuugu yimaadaan 10 October 2019.
Madaxweyne Xaaf wuxuu qoraalkiisa ku cadeeyay inuu guud ahaan burburay heshiiskii ay wada galeen isaga iyo Xasan Cali Kheyre kadib markii uu fulin waayay.
"Seddex bilood ayaan Xamar u joogay ,wax ka fulayna ma jiraan" ayuu yiri Madaxweyne Xaaf oo dhinaca kale Ahlusunah ugu baaqay is cafis dhaba iyo in laga wada shaqeeyo sidii loo xalin lahaay tabashadda Reer Cadaado.
Madaxweyne Xaaf ayaa lagu wadaa inuu tago Dhuusamareeb kadibna ugu gudbo Cadaado si uu xal kama dambeeysa uga gaaro heshiiskii Farmaajo uga baxay ee ahaay iney Cadaado noqoto Xarunta baarlamaanka Galmudug.

Loading...


Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...