[Topnews:-] Al-Shabaab oo Xoghayaha Maaliyadda u magacaabay nin caana ?

0
Wednesday October 09, 2019 - 22:42:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3297
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [Topnews:-] Al-Shabaab oo Xoghayaha Maaliyadda u magacaabay nin caana ?

    Masuuliyiin ka tirsan Ururka argagixisadda Al-Shabaab ayaa sheegay in khilaaf mudo ka dhex jiray kadib Xoghayaha Maaliyadda kooxdooda loo magacaabay Cabdikariim Maxamed Kaariye oo u dhashay beesha Duduble gaar ahaan Maxamed Camal, Reer Deexey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiin ka tirsan Ururka argagixisadda Al-Shabaab ayaa sheegay in khilaaf mudo ka dhex jiray kadib Xoghayaha Maaliyadda kooxdooda loo magacaabay Cabdikariim Maxamed Kaariye oo u dhashay beesha Duduble gaar ahaan Maxamed Camal, Reer Deexey.

Madaxa Wacyigelinta Al-Shabaab Mr Fuad Shongole oo Shabeeladda hoose kula hadlaayay guddigga Maaliyadda Al-Shabaab ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo isbedel balaaran inuu sameeyo Mr Kaariye .

Cabdikariim Kaariye oo ka mida masuuliyiinta sare ee Shirkadda Hormuud Telecom ayaa dhinaca kale wuxuu yahay Operation Manager-ka Shirkadaha Salaam Bank, Hormuud Telecom, Taaj Express ,Beco Power iyo AlBuruuj.

Mr Kaariye oo la rumeeysan yahay inuu mudo dheer ka tirsanaay Ururka Al-Shabaab Somalia wuxuu ku taqasusay Korontadda laakiin markii dambe ayuu bartay Maamulka iyo Maaliyadda.

Xoghayaha cusub ee Maaliyadda Al-Shabaab ayaa isticmaala afar dal baasabor isagoo dhawaan u tegay Magaaladda London sidii uu ku qaadan lahaay British Passport ,sida ay Waagacusub u sheegtay Luul Ahmed Kaariye oo ay ilmo adeer yihiin Abdikariim Mohamed Kaariye.

Passport-yadda uu isticmaalo Abdikariim Kaariye ayaa la xaqiijiyay iney kala yihiin Ethiopian oo ah Passport-kii ugu horeeyay, Kenyan oo ahaay kii labaad iyo Jibouti Passport oo uu dhawaan qaatay, halka uu markiisii hore lahaay Somali Passport.

Abdikariim Kaariye oo ku dhashay degmadda Ceelbuur ee gobolka Galgaduud Somalia wuxuu sanadkii hore Belgium ku yimid Jibouti Passport , isagoo ku socday magaca rugta ganacsatadda Soomaaliyeed.

Inkastoo Al-Shabaab ay bedeshay siyaasadeedii hore oo ay hadda xilalka u magacaabayaan shaqsiyaad la saaxiiba ganacsatadda waaweyn haddana Shirkadda Hormuud Telecom oo ah Shirkadii Al-Barakaat oo magaca bedelatay waxaa mudo dheer lagu eedeeynaayay iney dhageysato telefoonadda iyo iney macluumaadka siyaasiyiinta iyo ganacsatadda la wadaagto kooxda Al-Shabaab.

Sikastaba ha ahaatee, kooxda Al-Shabaab waxey sanad walba helaan Miisaaniyad lacageed laba jibaar ka badan tan Dowladda Farmaajo ka hesho Canshuuraha.


Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...