[Hormuud Telecom] oo Internetkeeda ka xanibtay booqashadda timesofIsrael.com ,Canadafreepress.com iyo Sunatimes.com .

0
Monday October 14, 2019 - 22:02:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1130
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 5
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Hormuud Telecom] oo Internetkeeda ka xanibtay booqashadda timesofIsrael.com ,Canadafreepress.com iyo Sunatimes.com .

    Shirkadda Hormuud Telecom Somalia iyo Shirkadaha la mantaanka ah ee Telesom Somaliland iyo Golis Telecom Puntland ayaa internet-kooda ka xayiray Website-yadii faafiyay Warbixin ilhan Omar oo taageertay Shirkad argagixisadda leedahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkadda Hormuud Telecom Somalia iyo Shirkadaha la mantaanka ah ee Telesom Somaliland iyo Golis Telecom Puntland ayaa internet-kooda ka xayiray Website-yadii faafiyay Warbixin ilhan Omar oo taageertay Shirkad argagixisadda leedahay.
Website-yadda aan Internetkeeda Somalia laga booqan karin waxaa ka mida TimesofIsrael.com, Canadafreepress.com, Sunatimes.com, intelligencebriefs.com, Waagacusub.com, HCH24.com, PJMedia.com, News.iheart.com, trulytimes.com iyo Judicialwatch.org.
Xafiiska Muqdisho ee Ururka Isu taga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ASOJ ayaa cambaareeyay falka caburinta iyo xaqiiqa qarinta ee Hormuud Telecom ku kacday.
Xoghayaha guud ee Ururka ASOJ Mr Abdulkadir Jim’ale ayaa xaqiijiyay iney dhamaan xanibeen booqashadda Website-yadaan 21 September 2019.
Somalia kuma noola Wariye ama Warbaahin faafin karta war ka dhana Hormuud Telecom .
Warbaahinta waxey bil walba siisaa lacag laaluusha sidaas darteed Wariyahii isku daya inuu ka hadlo tacadiyadooda iyo taageeradda ay Al-Shabaab siiyaan markiiba waa la xirayaa ama waa la dilayaa.
Wariye Abdullahi Kalgacal ayey Hormuud Telecom ku xirtay Muqdisho iyadoo xabsiga dhexdiisa loogu geeyay qof dhintay kadibna loo sheegay inuu isaga dilay.
Seddex bil oo jirdil xun lagu sameeyay kadib ayaa Wariye Abdullahi Kalgacal laga sii daayay Xabsiga kadib markii uu aqbalay inuu Shirkadda iidheh u sameeyo.
Wariye Kalgacal wuxuu sameeyay warbixin ku saabsan iney Hormuud telecom dadka u fasaxday adeeg la yiraa EVC Plus oo aan qofka looga baahneeyn inuu aqoonsigiisa ku diiwaangeliyo taas oo dhibaato ku noqotay amniga iyo dadka danyarta ee aan telefoonadda iibsan karin.

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...