[TopNews] Gudoomiye degmo Gobol loo dhiibay oo Muqdisho ka maamula

0
Tuesday October 15, 2019 - 04:45:30 in Wararka by Sahal Muqdisho
  • Visits: 2582
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [TopNews] Gudoomiye degmo Gobol loo dhiibay oo Muqdisho ka maamula

    Xilli dhibaato baahsan oo dhinaca amniga ay ka jirto Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa degmadaasi in muddo ahba ka maqan Gudoomiyaha Degmadaasi, isagoona ku sugan Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli dhibaato baahsan oo dhinaca amniga ay ka jirto Degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa degmadaasi in muddo ahba ka maqan Gudoomiyaha Degmadaasi, isagoona ku sugan Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Degmada Balcad, Qaasim Cali Nuur (Qaasim Furdug) ayaa billihii ugu dambeeyay ku sugnaa Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, iyadoona lagu eedeeyay in Kaaraan uu ka maamulo Balcad.

Cabdulle Macow oo ka mid ah waxgaradka reer Balcad ayaa Gudoomiyaha ku eedeeyay in uu indhaha ka dabooshay xaaladda adag, ee ay xilligan wajahayso Degmada Balcad.

Loading...

"Waxaad ogtihiin in muddooyinkan dambe ay amni darro ka jirto Degmada Balcad iyo deegaanada hoos yimaadaba. Iyadoo amnigii uu faraha ka baxay ayaa waxaa dhacday in Gudoomiyihii Degmada Balcad uu iska degay Magaalada Muqdisho, meeshii uu wax ka qaban lahaa amniga, maamulkuna uu gaarsiin lahaa dhibka meeshaan yaala." Ayuu yiri Cabdulle Macow oo la hadlay Warbaahinta gudaha.

Cabdulle Macow ayaa yiri "Hadda uguma horeyso Gudoomiyaha inuu ku nagaan waayo Degmada Balcad, badanaa kuma nagaado degmada uu madaxda ka yahay, amniga Balcad oo sidaan ka wanaagsan ayuu bilooyin soo jooggi jiray Magaalada Muqdisho."

Isagoo hadalkiisa wata ayuu yiri "Aad iyo aadaa uga xunahay Gudoomiyaha inuu ka maqnaado degmadiisa. Degmada iyo tuulooyinka hoos yimaada dhib weynaa ka jira, halkii uu dadkiisa xanuunka la qaybsan lahaa ayuu iska maqan yahay."

Odaygan ayaa intaa raaciyay "Waxaan ku boorinaynaa Gudoomiye Qaasim inuu dadkiisa dib ugu soo laabto, dhibaatada ay qabaana uu gaarsiiyo Madaxda Dowladda iyo Masuuliyiinta Hirshabelle, si wax looga qabto dhibka meeshaan ka jira."

Abshir Daauud oo ka mid ah dhalinyarada ku dhaqan Degmada Balcad ayaa sheegay inaanu weli Gudoomiyaha Degmada Balcad soo horjoogsan Warbaahinta, si uu uga warbixiyo weerarada ka dhacaya tuulooyinka hoos yimaada degmadaasi.

"Weli ma aragteen Gudoomiyaha oo ka hadlaya Saraakiishii iyo Masuuliyiintii lagu dilay wadada u dhaxeyso Balcad iyo Jowhar, Balcad iyo Muqdisho? Waa ninka aan weli hor imaan saxaafadda, isagoo ka hadlaya qaraxyada iyo weerarada ka dhacaya deegaanada hoos yimaada Balcad." Ayuu yiri Abshir Daauud.

Abshir Daauud ayaa sheegay in shacabka reer Balcad ay ogyihiin in Gudoomiyaha Degmada Balcad uu degmadiisa ka maamulo, isagoo ku sugan Degmada Kaaraan ee Waqooyiga Magaalada Muqdisho.

"Reer Balcad oo dhan way la socdaan inuu Gudoomiyaha uu degmada ka maamulo, isagoo jooggo Degmada Kaaraan, waa inuusan Kaaraan ka maamulin Balcad." Ayuu yiri Abshir Daauud.

Dadka reer Balcad ayaa ku sheegaya  in Madaxda Hirshabelle iyo kuwa Dowladda Dhexe laga yaabo in aanay si wanaagsan ula socon waxa ka jira Degmada Balcad, Gudoomiyahana uu yahay ninkii xogta la wadaagi lahaa madaxdaasi, waxa ayna ugu baaqayan in uu dib ugu soo laabto Xarunta Degmada Balcad, si hawlaha jira uu u dardargeliyo.

Degmada Balcad oo ka mid ah degmooyinka ugu taariikhda fog ee dalka ayaa waxay 30km dhinaca waqooyi kaga toosan tahay Magaalada Muqdisho, waxaana billihii la soo dhaafay ku soo badanayay weerarada ay ka gaysanayan maleeshiyada Al Shabaab, wixii ka dambeeyay markii laga soo saaray qaybo ka mid ah Gobolka Shabellaha Hoose.
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...