[Haweeneey Saboola] oo Qareen Faransiisa kula heshiiyay inuu gurigeeda qaadan doono markeey dhimato ayaa 120 sano jir u dabaaldegeysa sanadkaan halka?
Waagacusub.com - Marwo Jeanne Calment waa haweeney sabool ah oo ku nool magaalada Marseille ee koofurta Faransiiska.
Mr. Andre-Francois Raffray oo ah qareen 47 jir ah oo u dhashay Faransiiska ayaa waxa uu haweeneydaan heshiis kula galay in uu bil kaste biil ahaan u siiyo 2,500 oo lacagta Faransiiska ah oo u dhigantay $500, si uu isaguna uu gurigeeda uga dhaxlo markii ay dhimato, maadaama ay aheed qof waayeel ah.
Soddon sano oo uu heshiiskaani socday ka dib, iyada oo lacagtii uu qareenku bixiyay mareyso $184,000, oo ah lacag laba jibbaar ka badan qiimihii guriga ayuu qareenkii geeriyooday isaga oo 77 sano jir ah, iyadoo haweeneydiina ay u dabbaal-degeyso dhalashadeedii 120-aad.
"Oo yaa dadkaan ku yiri waxaa loo kala hor dhimanayaa sida loo kala weyny ahay"?
Hussein Sabrie