[Sidee Al-Shabaab] ku galeen hotel SYL, maxaase kadib ka dhacay gudaha?

0
Wednesday December 11, 2019 - 00:31:25 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 3934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 1
  • Share via Social Media

    [Sidee Al-Shabaab] ku galeen hotel SYL, maxaase kadib ka dhacay gudaha?

    Waagacusub.com- Abaaro 7:00-pm habeenimo ee caawa dagaalyahano hubaysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa gudaha u galay Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, kaas oo ku dhex yaalla xeyn daabka laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- Abaaro 7:00-pm habeenimo ee caawa dagaalyahano hubaysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa gudaha u galay Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, kaas oo ku dhex yaalla xeyn daabka laga ilaaliyo madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarkan oo ka duwanaa ku wii looga bartay Al-Shabaab oo ku bilaaba jiray qaraxyo is miidaamin ah oo hadba meeshii ay galayaan dagaalyahanadoodu uga hor mari jiray, ayaa waxaa fuliyey shan nin oo soo xirtay Tuutaha ciidanka booliska dowladda Soomaaliya.

Ragga soo qaaday weerarka oo ka yimid dhinaca isgoyska Ceel-gaabta ayaa si ay gudaha u galaan hotelka waxay iyagoo iska dhiganaya jaraanjaro ka soo boodeen derbi dheer oo dhabarka danbe uga wareegsan Hotelka.

Labo ka mid ah shantii dagaalame ayaa goobtaas lagu toogtay, waxaana gudaha u galay hotelka seddax ka mid ah dagaalyahanadii hubaysnaa, kuwaas oo toogasho ka bilaabay banaanka iyo gudaha hotelka.

Hotelka waxaa ka dhaceysay labo xafladood oo mid aheyd bandhig bookaag lagu soo bandhigaayey, halka tan kale ay aheyd casho sharaf loo sameynayey siyaasiyiin iyo wax-garad maanta Muqdisho uga qeyb galay caleema saarka guddoomiyaha midnimada beelaha Habargidir Prof Cabdulqaadir Maxamed Shirwac.

Seddaxda nin oo ay u suurta gashay inay gudaha u galaan hotelka waxay ugu horeyntiiba toogteen seddax oday oo ka mid ahaa odayaashii ku casuumnaa goobta oo ay ku kulmeen barxadda hore ee Hotelka.

Dagaalamayaasha ayaa u gudbay gudaha waxayna ka bilaabeen toogasho in kastoo dadkii badankooda ay carareen qaarna qolal isku soo xireen, durbadiiba waxaa gudaha u galay hotelka ciidamada koofiya casta ee ilaalada madaxtooyada oo wata gaadiid dagaal, waxayna banaanka u soo saareen dad u badan siyaasiyiin oo ku go’doonsanaa qeybo ka mid ah hotelka.

Mid ka mid ah sarakiisha hoggaaminaysa ciidamada ilaalada Madaxtooyada ee ku howlan soo afjaridda weerarkaas ayaa Waagacusub.com u sheegay in seddaxda dagalame ay ciidamadu uga hor mareen qeybta sare ee Hotelka, halkaas oo sida uu sheegay ay doonayeen inay ka dagaalamaan.

Waxaan joognay meel aan ka fogeyn hotelka markaan fahanay in la galay hotelka waxaan degdeg ku galnay hotelka ugu horeyntiiba waxay in dhaheygu qabteen meydadka seddax oday oo yaalla banaanka hore ee hotelka, gudaha ayaa sii galnay waxaan aragnay ilaaladii hotelka oo dagaalamaya iyo ragii oo u gudbay gudaha, waxaan jaranjarooyin ku fuulnay qeybta kore ee hotelka”, ayuu yiri sarkaalku.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, "Markii aan xaqiijinay inaysan u gudbin kor waxaan u soo degnay hoos qeybta dhexe ayaan uga hor nimid oo ay cabaar nagula dagaalameen, wax yar kadib waxay isku dayeen inay hoos u dagaan oo baxsadaan askari ka tirsan ilaaldii hotelka ayay hoos ku dileen waxayna isku dayeen inay ka boodaan derbiga danbe, hal mid ayaan halkaas uga dilnay waxaana soo haray labo kale oo aad u hubeysan waxyar ka dibna bam  gacmeed ayay nagu soo ridayeen” ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha hogaaminaysa ciidanka la tacaalaya weerarka.

Sarkaalkan oo naga dalbaday inaan adeegsan magaciisa ayaa sheegay in labadii nin ee soo hartay ay galeen guri danbe oo shub ah hub kasta oo loo adeegsadana uusan waxaba ka tareyn, halkaas oo ay ka soo ridayaan rasaas iyo bambaanooyin culus oo ay wataan.

Laba dagaal-yahan oo Al-Shabaab ah ayaa weli ku jira hotelka, inkasta oo la xakameeyey waxyeeladooda.


Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...