Daawo Caruurtii Qatar loogu qaaday tababarka oo kelyahoodii iyo beerkoodii laga iibshay Tujaar Carbeed kadibna meeydkooda Xamar lagu soo celshay iyo oohinta Waalidiintooda oo Muqdisho ruxday

3
Thursday December 26, 2019 - 05:54:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 7152
  • (Rating 3.3/5 Stars) Total Votes: 3
  • 2 2
  • Share via Social Media

    Daawo Caruurtii Qatar loogu qaaday tababarka oo kelyahoodii iyo beerkoodii laga iibshay Tujaar Carbeed kadibna meeydkooda Xamar lagu soo celshay iyo oohinta Waalidiintooda oo Muqdisho ruxday

    Waagacusub.com - Dowladda Farmaajo ayaa lagu eedeeyay iney kumanaan dhalinyaro Somalia oo aan badankood qaangaarin ka xaday waalidiintii dhalay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Dowladda Farmaajo ayaa lagu eedeeyay iney kumanaan dhalinyaro Somalia oo aan badankood qaangaarin ka xaday waalidiintii dhalay. Hooyooyinka dhalay Caruurta uu xaday Taliyaha Sirdoonka iyo Nabadsugida Somalia Fahad Yasiin Xaaji Dahir ayaa sheegay in Meeydadka Caruurtooda la keenay Muqdisho.
"Caruurteena waa nagala xaday, waxaa loo qaaday Qatar iyo Eretria si loogu tababaro Askarnimo, tusaale wiilkeeyga ma qaangaarin , hadda waxaan maqalnay in meeydadka Caruurteenii la keenay Muqdisho oo Xeradda Xalane lagu Aasay" ayey tiri Hooyo Ruqiyo oo shir jaraa'id ku qabatay Muqdisho.
Caruurtaan oo loo sheegay in tababar loo geeynaa dalka Qatar ayaa badankood lagala baxay kelyaha iyo beerka kadibna waxaa meeydadkooda la keenay Muqdisho.
Taliye Fahad Yasiin ayaa xilli dambe telefoon kula xiriiray hooyooyinka badankood,wuxuuna u sheegay in Caruurta dhimatay magtooda bixin doonto Dowladda Farmaajo laakiin Waalidiintu waxey codsadeen in la tuso Caruurtooda.
Lamma ogga sababta Dowladda Farmaajo ku qasabtay iney Xamar ka dhoofiyaan dhalinyaro u dhaxeysa da'da 14 ilaa 19 kadibna beerka iyo kelyaha looga baxsado Qatar.
Saraakiil ka tirsan Sirdoonka NISA ee Arrimaha dibadda qaabilsan ayaa Waagacusub.com u sheegay in dhalinyaradaas kelyahooda iyo beerkooda laga iibshay Madax iyo Tujaar u dhalatay Qatar.

Loading...
Loading...

Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...