[TOPNEWS:-] Musharaxiinta Galmudug oo shaaciyay ineysan ka qeybgaleeyn doorasho Afduuban - Xaaf iyo Ahlusunah oo heshiis gaaray?

0
Wednesday January 22, 2020 - 01:54:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2935
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    [TOPNEWS:-] Musharaxiinta Galmudug oo shaaciyay ineysan ka qeybgaleeyn doorasho Afduuban - Xaaf iyo Ahlusunah oo heshiis gaaray?

    Waagacusub.com - Musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynenimadda Galmudug ayaa Warsaxaafadeed ay si wada jira u soo saareen markii ugu horeeysay ku shaaciyay ineysan ka qeybgaleeyn doorashadda Dhuusamareeb maadama ay afduubteen koox ka socota Xukum

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

File Attachment
Size: 38 KB
Waagacusub.com - Musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynenimadda Galmudug ayaa Warsaxaafadeed ay si wada jira u soo saareen markii ugu horeeysay ku shaaciyay ineysan ka qeybgaleeyn doorashadda Dhuusamareeb maadama ay afduubteen koox ka socota Xukumadda Kheyre. Warsaxaafadeed ay soo saareen ayaa sidaan u qornaay:-

WAR-MURTIYEED MUSHARRIXIINTA U TAAGAN XILKA MADAXWEYNAHA

GALMUDUG

Dhusamareeb, 22 Janaayo 2020

Galmudug waxaa ka socdey muddo 7 bilood ah geedi-socod loogu gogol-xaarayey dhismaha hey’adihii dastuuriga muddo xileedkii labaad ee DG Galmudug si loo dhiso maamul midaysan oo loo dhan yahey. Mudadaas dheer madaxdii iyo dadka reer Gal- mudugba waxey muujiyeen dulqaad iyo dhabar-adayg ay ka indha-saabteen qaladaadkii badnaa ee la socdey tallaabooyinkii la qaadayey.

Haddaba annagoo tixraacayna war-saxaafadeedkii aan soo saarney 18 Janaayo 2020 ee aan ku dalbannay in musharixiinta laga tixgeliyo go’aanada la xiriira doorashada gaar ahaan dhismaha guddiga doorashada iyo waqtiga la qabanayo doorashada, waxaa ayaanadarro ah in aan guddoonka barlamaanku wax tixgelin siin codsigii musharixiinta uuna iska dhistey guddi dhinac u janjeera oo aan dhexdhexaad u aheyn musharixiinta.

Sidaas awgeed waxaan halkaan ku caddaynaynaa arrimaha soo socda:

  1. In hanaanka doorashada Galmudug uu u afduuban yahey dawladda Federaalka ah, wax tixgelin ahna aan la siin heshiisyadii horey loo galey isla markaana aan qiimeyn la siin tabashadii iyo codsigii musharixiinta.

  2. Waxaan arkaynaa in barlamaankii Galmudug iyo guddigii doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka galmudug la kala qeybiyey, ayadoo aysan muuqan dadaal ka socda dhanka guddoonka barlamaanka oo lagu bixinayo in dib la isugu soo celiyo ayadoo guddoonku u muuqdaan kuwo dhinac la safan, taasina ay noqon doonto caqabad ku horgudban qabsoomidda doorasho loo dhan yahey oo hesha kalsoonida musharxiinta iyo shacabka Galmudug.

  3. Waxaa la wada ognahay in madaxweynihii Galmudug uu fadhiyo Gaalkacyo asagoo ku hawllan dhismo maamul kale oo feer socda midka Dhuusamareeb laga dhisayo, ayna aheyd in tabashooyinkiisa la xalliyo ka hor doorashada madaxweynaha, taasna ay u muuqato mid dhagaha laga fureystey.

  4. Annagoo tixgalinayna arrimahaas oo dhan waxaan go’aansannay:

  1. In aanan ka qeybgalin doorasho ay maamulayaan qeyb ka mid ah guddiga doorashada ee kala qeybsan, dhammaan is doorashadii qeyb ka mid ah guddigu ay

    sameeyeen iyo jadwalka ay soo saareenna ay yihiin kuwo aan la aqbali karin.

  2. In guddoonka barlamaanku uu u hawlgalo dib u midaynta guddiga doorashada, lana

    joojiyo sharciyeynta in dhinac ka mid ah guddiga loo afduubo hawlihii guddigu lahaa.

Magacyada Mushraxiinta:

  1. Md. Abdi Abdi Ahmed (Abdi dheere)

  2. Md. Abdirahman Mohamed Hussein (Odowaa)

  3. Md. Abdullahi Faarax Weheliye

  4. Md. Kamaal Daahir Guutaale

    ##DHAMMAAD##

Page 1


Loading...

Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...