[Maxaa] ka jira in Al-Shabaab 18 xildhibaan ugu jiraan baarlamaanka cusub ee Galmudug?

0
Wednesday January 22, 2020 - 13:00:50 in Wararka by Ali Adan
  • Visits: 1778
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    [Maxaa] ka jira in Al-Shabaab 18 xildhibaan ugu jiraan baarlamaanka cusub ee Galmudug?

    Waagacusub.com- 18 xildhibaan oo kamid ah barlamaanka cusub ee Galmudug ayaa lagu sheegay inay daacad u yihiin kooxda Al-shabaab, sida uu qoray wargeyska Hor Observer.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com- 18 xildhibaan oo kamid ah barlamaanka cusub ee Galmudug ayaa lagu sheegay inay daacad u yihiin kooxda Al-shabaab, sida uu qoray wargeyska Hor Observer. Sida uu wargeysku kasoo xigtay ilo xog-ogaal ah, kooxda Al-shabaab ah aya si adag waxay ugu ololeeyeen in xildhibaannadaan lagusoo daro baarlamaanka Galmudug.

 
 
"Haddii aan xitaa ogaan lahayn, ma joojin karno. Dowladda Federaalka waxba kama qaban karto xilligan xasaasiga ah ee doorashada," ayuu yidhi odey dhaqameed magaciisa qariyay oo u waramay  Hor Observer.

Ujeedadda Al-shabaab ku doonayso inay saameyn ugu yeelato barlamaanka Galmudug, ayaa ah, iyagoo raba in ay helaan hoggaamiye daacad u ah awaamiirtooda. ”

Warnixintu waxay sheegaysaa in odayaasha qabaa'ilka la ogeysiiyay in qof Alshabab ka socda ay fadhiisiyaan kursiga barlamaanka ayna iska iloobaan tartamayaasha kale.

"Qofna ma diidi karo tilmaamaha al-Shabaab. Al-Shabaab meel walba waa joogtaa. Haddii aad addeecin weydo, subaxa xigga waa lagu soo tooganayaa," ayuu odaygu u sheegay Horn Observer.

Mid ka mid ah xildhibaanada cusub ee Galmudug ayaa u sheegay wariye ka tirsan wargayska Horn Observer in uu ogyahay in ururka Ahlsunna Waljameeca ay ka cawdeen 18 xubnood oo al-Shabaab ah oo soo galay baarlamaanka Galmudug. laakiin wuxuu sheegay in tani qof kasta uu iska dhaga tiray.

Wuxuu sheegay in al-Shabaab ay sidoo kale si adag uga shaqeynayaan taageerida qaar ka mid ah tartamayaasha madaxweynaha.

Xildhibaanka ayaaa u sheegay wargeyskaa in ay iska caddahay in al-Shabaab ay saameyn ku leeyihiin baarlamaanka cusub ayna  leeyihiin ra'yi ku saabsan doorashada.

Warbixintaan ayaa kusoo beegmaya, iyadoo maalin kahor hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida Soomaaliya ee NISA ay soo bandhigtay fanaan katirsanaa bahda fanka gobolka Banaadir islamarkaana ay u shaqeynayay kooxda Al-shabaab.
Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...