Qoor Qoor oo Colaadintii iyo Godobtii Xaaf ku darsaday gardaradda Jeneral Xabeeb ?

0
Sunday February 23, 2020 - 15:17:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2235
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 3
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Qoor Qoor oo Colaadintii iyo Godobtii Xaaf ku darsaday gardaradda Jeneral Xabeeb ?

    Waagacusub.com - Waxaa malmahaan ka socday Dhuusamareeb kulama lagu colaadinayo Abtiyaasheey Cabdalle Sacad oo ah Curadka Sacad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Waxaa malmahaan ka socday Dhuusamareeb kulama lagu colaadinayo Abtiyaasheey Cabdalle Sacad oo ah Curadka Sacad.

Colaadintaas waxaa abaabulay Axmed Qoor Qoor oo adeegsanaya rag calooshood u shaqeeystayaal ayaga isku magacabay iney matalaan Cawareere Sacad oo ku tashaday in ay sacad kala qeybiyaan una kala jaraan Cabdalle iyo Cawareere.

Isku dirka iyo kala gooynta waxay soo wadeen ilaa iyo markii Dhusamareeb la tagay marwalba waxaa dhacayay kulamo xilalka ay hayaan Cabdalle lagu beegsanaayay.

iyadoo xaal sidaas yahay ayey go’aan ku gaareen in Xabeeb Jamac yare oo ahaa taliyihii ciidanka boliiska Galmudug loo tashtay xilkiina laga qaaday.

Shaqadaan waxaa qabtay rag aan matalin magaca Cawareere Sacad oo daneestayaal ah calooshod ushaqeystayaal ah.

Waxaana ka mida:-  

1. Liiban Shuluq

2. Cabdinasir Jamac Seed

3. Ina Calool geel

4. Cumar shido . Waana wiilka wayahan iska dhigaya in sacad asagu u taliyo.

5. Kaniif oo ah ninka warqada qoray ahna kabtanka ciyaartan loogu tashaday Jeneral Xabeeb

6. Xirsi yusuf barre oo loo yaqaan Xirsi Maar.

Halkaas markeey mareeyso waxaa dhacday in Qoor Qoor god lagu riday oo Xabeeb oo ah ninkii galkacyo haystay uu Colaadiisa afka la galay .

Waxaa intaas dheer Qoor Qoor waa ninkii shalay uu ka shaqeeyn waayay Xaaf oo ah Cabdalle Sacad maantana wuxuu ka shaqeynayaa isku dirka Sacad oo ah in Sacad la kala qeybiyo loona kala qeybiyo Cabdalle iyo Cawareere.

Maamulada kale ee Galmudug la mida ayagaa magacoowda taliyaasha Ciidamada laakiin Galmududg Kaniif ayaa yiri "Anaa bireeynaya Jeneral Xabeeb ee aan kusoo caan baxee idaaya”. 

Xabeeb waa nin oday ah Sacadnimaduna ka go’an tahay heestana ciidan ee waxan abtigay kula talinayah inuu xaniinyihiisa fuulo Qoor Qoorna la dhameeyo ,isaga iyo ciyaalka uu wato Sacadnimadana ilaaliyo.

Sacadna waxan leeyahay yaan la idin kala qeybin oo calooshood u shaqeeysatayaal Al-Shabaab u badan sida Liiban Shuluq iyo Cumar Shido yeeysan idin iibsan.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...