[TOPNEWS:-] Axmed Nur Cali Jimcale muxuu faa'iido iyo dhib falay ?

0
Sunday February 23, 2020 - 16:28:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2297
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    [TOPNEWS:-] Axmed Nur Cali Jimcale muxuu faa'iido iyo dhib falay ?

    Waagacusub.com - 1- Furahii Qaranka Somalia 252 ayuu qaatay kaligiina ka macaashay Malaayiin dollar. 2- Shacabka Soomaaliyeed ayuu u sahlay iney ehelkooda lacago ugu diraan Al-Barakaat xilli Xawaalad la'aan jirtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - 1- Furahii Qaranka Somalia 252 ayuu qaatay kaligiina ka macaashay Malaayiin dollar. 2- Shacabka Soomaaliyeed ayuu u sahlay iney ehelkooda lacago ugu diraan Al-Barakaat xilli Xawaalad la'aan jirtay.

3- Shacabka Soomaaliyeed ayaa lacagahoodii ku aaminay laakiin dhamaan lacagtoodii waa khasaartay kadib markii Mareykanka xayiray shirkadiisii Al-Barakaat.

4- Lac11agtii uu ka faa’iideey furaha Qaranka Somalia oo Diin ahaan Xaaraam ah inuu isaga si shaqsiya u isticmala 27 sano kadib Waddo Laamiya, Isbitaal, Jaamacad, Isgoolo Waxbarasho intaba ummadda uma dhisin. wax isaga galay mooyee faa’iido kuma celin shacabka Soomaaliyeed.

5- Axmed Nur Cali Jimcale wuxuu lacag badan ku bixiyay Aas Aaskii Gollahi Maxaakiimta kuwaas oo dhalay Al-Shabaab, wuxuuna sababay in dalka Ciidankii Ethiopia soo galaan iyo in argagixiso la wareegto.

6- Axmed Nur Cali Jimcale wuxuu ringtone u isticmaalay gabayadii iyo murtidii Abwaanadda Soomaaliyeed sidii Abshir Bacadle iyo Careys Ciise Kaarshe , wuxuu ka iibiyaa macaamiishiisa qofkasta 50 cent USA Dollar laakiin eheladda Marxuumiintaas wax Copyright, xaquuqa ma siiyo , Diiniyan uma banaana inuu xaquuqdii dadkaas lahaayeen isaga ka ganacsado.

7- Axmed Nur Cali Jimcale wuxuu suuliyay lacagtii Shilin Somaliga ,wuxuuna ku aruuriyay EVC Plus,Sahal iyo Zaad Service ,wuxuu Somalia ka dhigay Dalka Mareykanka.

8- Axmed Nur Cali Jimcale wuxuu sahlay iney argagixisada Telefoonadiisa iyo Bankiyadiisa ku aruursadaan lacagta baadda Canshuurta. wuxuu sidoo kale diiday in telefoonadda la diiwaangeliyo si ay raadraac u yeeshaan.

9- Axmed Nur Cali Jimcale wuxuu la wareegay guud ahaan ganacsigii Dalka sida Isgaarsiinta, Xawaaladda, Bankiga, Korontada,Cabitaanka, xitaa Caanogeelka, Bajaajka iyo tagsiyada, dhismaha dhulka iyo guryaha,Malabka iyo waxkasta oo ganacsi ahaa taas oo sababtay inuu suuqa ka saaro ganacsatadii yar yareed ee nolol maalmeedkooda ka raadsan jiray.

10- Axmed Nur Cali Jimcale markii uu ganacsigii oo dhan la wareegay ee laga sugaayay intuu dadka iyo dalka Soomaaliyeed wax ku celiyo wuxuu bilaabay inuu dhulkii ummadda Soomaaliyeed dhaco, xoog ku dego, u sameeysto Waraaqo been abuura isagoo qofkii dacweeyana u adeegsada Al-Shabaab iyo Dowladda iney xiraan ama dilaan.

11- Axmed Nur Cali Jimcale oo ka soo horjeeda in dalka Dowlad ka dhalato, kana cabsi qaba in lagu Maxkamadeeyo mudadii uu furaha Qaranka Soomaaliyeed isticmaalayay waxey isaga, Caruurtiisa iyo shaqaalahiisa qaateen Jiboutian Passport ,waxeyna degeen Jamhuuriyadda Jibouti.

12- Mohammed Diinooz oo ay ilmo adeer yihiin Axmed Nur Cali Jimcale wuxuu sheegay in sanad walba boqolaal dhalinyaro ah uu Axmed Nur u diro waxbarasho dibadda ah kuwaas oo soo barta Dhaqtarnimo, kalkaaliyenimo iyo Wahaabism., dhalinyaradaas oo markeey soo laabtaan ka hoowlgala Isbitaaladda Koofurta Somalia ayaa loogu talo galay iney dilaan ,dhameeystiraan dadka soo dhaawacmay ee Al-Shabaab raadsanayaan.

13- Axmed Nur Cali Jimcale shaqaalahiisa 60% waa Al-Shabaab, laga soo bilaabo Axmed Godane. Amiirkii dhintay ee Al-Shabaab.

14- Axmed Nur Cali Jimcale wuxuu shirkadiisa saami ka siiyay dhamaan madaxda dowladda, kuwa alshabaab iyo culumadda Wahaabiyadda si aan loogu qabsan dimbiyadda uu ka gelayo Qaranka.

15- Saamileeyda Shirkadda Hormuud Telecom ma helaan lacagta faa’iidada sanadkii, uma lahan xoriyad ay ku wada qaataan faa’iidada,waxaana loo sheegaa in lacagtooda Nus ka mida loogu iibshay Saami cusub. sidoo kalena ma iibsan karaan Saamigooda haddii ay yihiin shaqsiyaad ku lug leh siyaasadda ama Saxaafadda ,sababtuna waxey tahay in lagu ilaaliyo shirkadda oo aysan dhinacna uga bixin weligood.

16 - Axmed Nur Cali Jimcale wuxuu hor istaagay in la soo daabaco lacagta shilin Somaliga ,wuxuuna Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxman Beyle laba guri uga dhisay Hargeysa iyo Borama.

17- Axmed Nur Cali Jimcale khudbad uu ka jeediyay xaflad Muqdisho lagu qabtay shalayto 22 Feb 2020 wuxuu hadalkiisa ku bilaabay dalka Somalia waxaa lagu maamuli doonaa Shareecadda islaamka ,taas oo ah fikirka Al-Shabaab aaminsan yihiin , wuxuuna cadeeyay inuu ka soo horjeedo dastuurka dalka leeyahay.

18- Axmed Nur Cali Jimcale wuxuu hirgeliyay Xawaalad la yiraa TAAJ EXPRESS taas oo sahleysa qofkasta oo Caalamka jooga inuu si fudud lacagtiisa ugu diro ciddii uu doono sharci la’aan, iyadoo aan laheyn wax raadraaca. tani waxey fursad u tahay argagixisadda. 


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...