Wararkii ugu dambeeyay Dagaalka Dhuusamareeb? Ciidanka Sheekh Shaakir oo Gaari Dhashiike saaran yahay ka qabsaday Ciidanka Qoor Qoor.

0
Friday February 28, 2020 - 01:39:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 8181
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Wararkii ugu dambeeyay Dagaalka Dhuusamareeb? Ciidanka Sheekh Shaakir oo Gaari Dhashiike saaran yahay ka qabsaday Ciidanka Qoor Qoor.

    Waagacusub.com - Ciidan kala taabacsan Sheekh Shaakir iyo Axmed Qoor Qoor ayaa weli ku dagaalamaya Gaari Cabdi Bile ah oo yaal kontorool ay horey u joogeen Maleeshiyadda Axmed Qoor Qoor ee ku dhaw Xeradda Inji Dhuusamareeb.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Ciidan kala taabacsan Sheekh Shaakir iyo Axmed Qoor Qoor ayaa weli ku dagaalamaya Gaari Cabdi Bile ah oo yaal kontorool ay horey u joogeen Maleeshiyadda Axmed Qoor Qoor ee ku dhaw Xeradda Inji Dhuusamareeb.

Inta la ogyahay seddex qof ayaa ku dhimatay laba kalena waa ku dhaawacmeen dagaalka oo rasaas xoogan leeysu adeegsaday .

Dagaalka ayaa biloowday kadib markii Ciidan taabacsan Sheekh Shaakir oo baabuur watay ay xoog ku jiireen kontorool ay joogeen Maleeshiyadda Qoor Qoor ee ka amar qaata taliska Farmaajo.

Maleeshiyadda Qoor Qoor ayaa rasaas huwiyay Ciidanka Ahlusunah laakiin markiiba xaaladda waa isbedeshay oo dagaal ayey jilibka u laabeen.

Gaari Cabdi Bile ah oo Dhashiike saaran yahay ayey Maleeshiyadda Qoor Qoor uga carareen Kontoroolka laakiin meel inyar u jirta ayey rasaas xoogan ka soo ridayaan ,halka Ciidankii Sheekh Shaakir rasaas xoogan la beegsanayaan baabuurka.

Inkastoo labada dhinac weli aysan midna qaadan baabuurka haddana Saraakiishii beesha Ceyr ee Qoor Qoor taabacsanaay ayaa ka yimid Guriceel iyagoo isku khilaafay iney weerar safbalaaran ku qaadaan xeradda INJI.

Xeradda Inji waxaa ku jira Ciidan dhan seddex boqol oo u badan dagaalyahano u dhashay beesha Yabar dhawre kace iyo Habar eji, waxaana la aaminsan yahay iney 10-ka wiil ee Yabar dhawre kace yihiin kuwa ka itaal badan boqol u dhashay reeraha kale ee Ceyr Habargidir.

Yabar dhawre kace inkastoo aysan aheyn qabiil tira badan sida Cabsiiye iyo Ayaanle haddana marka la qiimeeyo dagaaladii ay ka qeybgaleen taariikhda lama arag " Nin u dhashay beeshaas oo rasaasta dhabarka kaga taal, taas oo macnaheedu yahay in Aagga ay ku jiraan ka libin keeni jireen"

 Culumadda Ahlusunah 75 ka mida ayaa isku aruursanaya Guriceel kuwaas oo la filayo dagaal ka bilaabaan Aagaas.

Sikastaba ha ahaatee, Xeeldheerayaasha waxey rumeeysan yihiin inaan Sheekh Ashcari, Sheekh Shaakir iyo Macalin Maxamuud looga adkaan doonin degaan beesha Ceyr maadama la ogyahay iney Al-Shabaab uga adkaadeen.


Loading...
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...