Topnews:- Ciidanka Ethiopia oo la wareegay Amaanka Qoor Qoor kadib markii dagaalkii Dhuusamareeb fiday

0
Friday February 28, 2020 - 07:02:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 6095
  • (Rating 4.7/5 Stars) Total Votes: 3
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Topnews:- Ciidanka Ethiopia oo la wareegay Amaanka Qoor Qoor kadib markii dagaalkii Dhuusamareeb fiday

    Waagacusub.com - Ciidanka Ethiopia ayaa isku gadaamay guriga uu Dhuusamareeb ka degan yahay Axmed Qoor Qoor kadib markii dagaal qaraar uu dhexmaray Ciidankiisa iyo kuwa taabacsan Garabka Ahlusunah ee Sheekh Shaakir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waagacusub.com - Ciidanka Ethiopia ayaa isku gadaamay guriga uu Dhuusamareeb ka degan yahay Axmed Qoor Qoor kadib markii dagaal qaraar uu dhexmaray Ciidankiisa iyo kuwa taabacsan Garabka Ahlusunah ee Sheekh Shaakir. Ciidamadda Ethiopia ayaa amniga Qoor Qoor la wareegay kadib markii dagaalkii Dhuusamareeb xoogeeystay iyadoo ay muuqato in Ciidanka Ahlusunah u awood sheegteen kuwa taabacsan Qoor Qoor oo badankood Muqdisho laga daad gureeyay.
Inkastoo weli labada dhinac isku hor fadhiyaan Gaari Cabdi Bile dhashiike saaran yahay oo Ciidanka Dowladda ka carareen haddana dagaalka saacadaha badan qaatay ee xalay ayaa laba Askari looga dilay Ciidanka Qoor Qoor ,halka seddex kalena ay ka dhaawacmeen garabka Sheekh Shaakir.
Loading...

Ciidamadda Ahlusunah ayaa isku fidiyay Daafaha Dhuusamareeb iyagoo Madaafiicda loo yaqaan Hoobiyaha ku garaacay guriga uu Dhuusamareeb ka degan yahay Axmed Qoor Qoor oo sifo aan sharci aheyn iskuugu caleemasaaray inuu yahay Madaxweynaha Galmudug ee aan marin habka doorasho xora.
Mr Qoor Qoor oo gacan ka helaya Dowladda Federalka ee Farmaajo hogaamiya ayaa isku dayay inuu xiro Gudoomiyahii Dhuusamareeb oo Xeradda Inji ku booqday hogaamiyeyaasha Ahlusunah ee iskood u caleema saartay Sheekh Shaakir oo ay ku sheegeen inuu yahay Madaxweynaha Galmudug.
Xeeldheerayaasha waxey leeyihiin dagaalka Dhuusamareeb waxaa ku adkaan doona garabka Sheekh Shaakir maadama ay heystaan Ciidan xoogan oo caqiido ku dagaalamaya.
Saraakiisha Amisom ee jooga Dhuusamareeb ayaa weeydiistay Sheekh Shaakir iney dhinacooda xabadda joojiyaan laakiin waa ka diiday sida ay ku xog warameen.
WARSAXAAFADEED UU SOO SAARAY AXMED QOOR QOOR AYUU UGU BAAQAY AHLUSUNAH INEY XABADDA JOOJIYAAN.

Dhinaca kale WARSAXAAFADEED UU SOO SAARAY SHEEKH SHAAKIR AYUU KU EEDEEYAY DOWLADDA FARMAAJO INEY WEERAR GARDARO AH KU QAADEEN CIIDANKOODA XERA INJI KU JIRA.

Sikastaba ha ahaatee, garabka Axmed Qoor Qoor ayaa la tijaabiyay awoodooda Ciidan iyadoo Ahlusunah xaqiiqsadeen ineysan Dhuusamareeb ku dhex dagaalami karin dhalinyaro Muqdisho laga qaaday oo loo yaqaan HARAMCAD-KA BAC KA SII.
Loading...


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


Waagacusub TV
Loading...