[Topnews] Abaal la'aanta Kheyrlaawe iyo qoyskiisa"Yaa badbaadiyay maalintii Murusade Kuweyd loo bixiyay"
Reer Dacas waxeey deris ahaayeen Reer Axmed Colow oo ah Aabaha dhalay Ganacsade Saciid Axmed Colow , wuxuuna oday Axmed Colow awoowe u yahay Dable Cabdullahi Caydiid.
Maalintii dagaalkii Habargidir iyo Murusade dhacay waxeey Mooryaan Habargidira oo careeysan galeen gurigii reer Dacas oo ay rabeen iney boob iyo bililiqo kula kacaan,iney wiilashii joogay dilaan oo laayaan ,gurigga oo ku yiilay suuqa Bakaaro wiilasha joogay ee beesha Murusade u dhashay waxaa ka mid ahaay Xasan Cali Kheyre , laakiin waxaa is hortaagay oo naftiisa halis geliyay, diidayna in la dilo ,gurigana la boobo Oday Axmed Colow.
inkastoo odayga Yabar dhawrakace Ceyr Nabadoon Axmed Colow dhaqankii Somalida iyo gobta lagu yaqiin sameeyay oo diiday in hortiisa lagu laayo ilmahii Caruurtiisa la koray hadana Wiilkii maalintaas la badbaadiyay ee ka mid noqon lahaay dadkii gurigaas reer Dacas lagu leeyn lahaay ayaa maanta abaalkii maalintaas loo galay ku guday inuu Axmed Colow wiil uu awoowe u yahay ku bixiya laba boqol kun oo dollar si tiirka loo geeyo ,loona toogto.
Xasan Cali Kheyre marna wuxuu xasuusan waayey inuu la soo koray ilmaha Axmed Colow, inuu noloshiisa badbaadiyay oday Axmed Colow maalinti beeshiisa Murusade loo bixiyay Kuweyd ee Habargidir ka dhigtay mid ay dishay iyo mid naftiisa la cararay.
Waa dhacdaa inuu abaal laawe nuucaasa ka soo baxo qoys laakiin aaway dadkii ehelkiisa ahaay, aaway reer Dacas ,maxeey maanta uga aamuseen gaboodka falka iyo jisaarnimadda uu wiilkooda kula kacay Dable Cabdullahi Caydiid ?
Qofkii abaal ka sugaayo Kheyrlaawe iyo qoyskiisa ku raacsan naceybka Habargidir iyo Abgaal ,intaas ayaa tusaale wanaagsan ugu filan laakiin gobtu geeri waa taqaan.
[Topnews] Abaal la'aanta Kheyrlaawe iyo qoyskiisa"Yaa badbaadiyay maalintii Murusade Kuweyd loo bixiyay"
Waagacusub.com - Xasan Cali Kheyre wuxuu ku koray gurigga walaashiis oo uu qabay nin Reer Dacas ah oo u dhashay beesha Murusade.