Saxaafadu Malahan Saaxiib Joogtaa Waagacusub Online 

 

     
 
 
 

Tiraabta Wargeyska Yool iyo Sanadkii gudiyadda Somaliland

01 Janaury 2012 Waagacusub.com- Tirraabta Wargeyska:- Somaliland maxay la kowsatay Sannadkii xalay gabalkiisu dhacay kan cusub ee maantay madaxa la galay..?

'

Sannadkii lasoo dhaafay ee 2011-ka, ma filayo intii ay jirtay Somaliland inuu soo maray Sannad kaga xumi, marka loo eego dhinaca jiritaanka Qaranimada Somaliland iyo dhinacyada nabadgelyada, dhaqaalaha iyo midnimada shacabka oo la doonayo in loo kala daadiyo sidii TUSBAX furtay oo kale. Waxaan cidina ku murmayn in Somaliland doc walba laga soo galay, kadib markay Xukuumadda Somaliland ee uu siyaasadeeda hoggaaminayo Axmed Siilaanyo uu oggolaaday una diray Wasiirkiisa Arimaha Dibedda inuu ka qayb galo shirarka Maamul-goboleedyada, kadibna Shirarkaa la iskula qaatay in Maamul-goboleedyo la unko, kadibna Somaliland gudaheedana laga sameeyo Maamul-goboleedyo Labada dacal Saddex Maamul-goboleed oo kala ah Sool-STATE, Awdal-STATE IYO Maakhir-STATE, taasoo sida muuqata uu si dadban u oggolaadady hoggaanka dalka Somaliland.

Waxa si arimahan socday dadka looga qariyo uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo wax kastoo qaranimada Somaliland iyo jiritaankeedaba dhaawac iyo magac xumaba ku ah oo ka soo gaadha cadawgeeda u saaraa Guddi, si uu uga daboolo indhaha shacbiga, sidaa darteed waxaan Sannadkii galbaday ee 2011-ka ugu yeedhi doonaa Sannadkii Guddiyada ee Somaliland..!

Bal eeg markii xuduuda dalka la soo galay ee Gaadiidkeedii iyo Masuuliyiintii Magaca-Somaliland huwanaydba laga afduubay gudaha Somaliland uu si qun-yar ah uun u yidhi: “..Guddi baan u Magacaabay..”.

Bal eeg Guddigii Kalshaale, Ceelberdaale, Saameel, Ceerigaabo iyo gogoshii uu ugu yeedhay gogol nabadeed ee aan weligeed la laabayn, maxay tolow daaran taha, malaha waxaan filayaa inay ka mid tahay uun talaabooyinka niyad-jebinta shacbiga.

Xaga dhaqaalaha hadaan ka eegno, waxa laga garan karaa Busaarada taagan iyo camal la’aanta kusii baahday Somaliland Gobolladeeda oo dhan, waxa kaloo aan arkaynaa xarumihii dawlada oo xataa Wasaarado la iibinayo, kuwo kalena soo hayaan dariiqa Wasaaradda OKSHANKA la dhigay. Waxa intaa sii dheer Wasiiradda isku eryanaya Lacagtii Qaranka iyo booba yaa Wadanida ka dhex socota ee u muuqta kuma soo eegee ha isoo eegin iyo qaraabo kiil shaqo iyo qandaraasyada aan gabashada lahayn ee ka socda dalka.

Waxba yaan hadal idinku daaline Sannadka 2012-ku, waxa uu u noqonayaa Somaliland shacbigeeda oo loo qorsheeyey in qof walba ama koox walba jahadii u roon ee ay dan moodo u dhaqaajiyso markaan arkayno dawladii Itoobiya ee wax walba innagaga gudbanayd oo Ciidan iyo Cudud-siyaasadeedba usoo xadhig-xidhtay sidii loo furfuri lahaa loona burburin lahaa qaranimada iyo jiritaanka Labaatanka Sanno wax kasta loogu soo dhabar-adaygay, waxana tusaale innoogu filan markuu Cali Khaliif Galayd oo ahaa Abaabulihii Shirkii London ee Beesha Dhulbahante ee lagu minjo-xaabinayey Jamhuuriyadda Somaliland uu isagoo Ciidano Itoobiyaana oo isaga ilaalo u ah uu ku yimid Shirkii TALEEX ee dhabar-jebinta Somaliland.

Waxay ila tahay in arintani aanay jawaab u baahnayn, waayo waxan TALEEX ka dhacay ee aan arkaynaa, waa maxsuulka siyaasadeed ee siilaanyo iyo kooxdiisa ay ku hoggaaminayaan dalka muddadii Sannadka iyo badhka ah ee ay xilka hayeen, waxaanse leeyahay mid ha ku daransan Xisaabta hoggaanka dalka, taasoo ah in Soamaliland shacbigeedu weligiiba ahaa Sir ma qabe Allah yaa u sahan ahee bal eegno shirka TALEEX inuu ku dabo xidhiidhsan yahay shirka la hadal hayo ee Awdal iyo Salal-STATE..!

Faysal Cali Waraabe oo Tilmaan ka Bixiyey Heerka Musuqmaasuq ee Rayaale iyo Siilaanyo

“..Wakhtigii Rayaale Musuqmaasuqaasi Wuxuu ahaa Wax la Wada Arkayo Maanta Tan Siilaanyo Waxa Isugu Yimi Niman Xatooyatada iyo Musuqmaasuqa Heerku Gaadhay [Mortages] Caymisyo Guryo Lagaga Iibsanayo Yurub iyo Maraykanka..”

Faysal Cali Waraabe Guddoomiyaha Xisbiga UCID

Hargeysa(Yool)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo wefdi uu hoggaaminayo, ayaa shalay socdaal ku tegay Magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, halkaasoo ay kulan albaabadu u xidhan yihiin kula yeesheen xubno kala duwan oo isugu jira taageerayaal iyo siyaasiyiin reer Boorama.

Guddoomiye Faysal Cali iyo xubnaha xubnaha kale socdaalka ku weheliya, ayaa markii kulamadoodu u dhammaadeen, waxay Shir-jaraa’id ku qabtay Hotelka Rays ee Magaalada Boorama, kaasoo ay faahfaahun dheer kaga bixiyeen ujeedada safarkiisa oo uu ku fasiray inay tahay mid saldhigeedu yahay dardar-gelinta hawlaha Xisbiga.

Isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi: “..Annagu durbaan iyo sacab in nalagu soo dhaweeyo halkan Boorame umaanan iman hore ayey reer Awdal soo dhawayn iyo sacab noogu dhamaystireen, ujeedada safarkayagu wuxuu ahaa inaanu tallo gobolka kula soo noqono oo aanu weydiino sidii Xisbiga UCID iyo hawlahiisii Gobolka loo dar-dar gelin lahaa..”.

Guddoomiye Faysal oo ka hadlayey qaab-siyaasadeedka Xukuumada Siilaanhyo ku shaqayso, taasoo uu ka muujiyey rajo-xumo weyn, gaar ahaan arimaha la xidhiidha dhinaca musuqmaasuqa oo tilmaamay inuu gaadhay heerkii abid ugu cuslaa eeintii Somaliland jirtay.

“..Wakhtigii dawladii Rayaale waxaynu maqli jiray musuqmaasuq jira, musuqmaasuqaasi wuxuu ahaa wax la wada arkayo oo aan dhaafsiisnayn mid xooga-xada iyo ku Guri ka dhista dalka, taasi saleelo ayey ahayd maanta Tan Siilaanyo waxa iskugu yimid niman xatooyatada iyo musuqmaasuqu heerku gaadhay Mortgages (Caymisyo) guryo lagaga iibsanayo Yurub iyo Maraykanka dee xogaagii aynu haysanay ma in danyarta loogu shaqeeyo ayuu noqon, mise in Mortgageka (Caymisyo) Guryaha Yurub iyo Maraykanka lagu bixiyo..”. Ayuu yidhi: Eng. Faysal Cali Waraabe.

Lama oga waqtiga rasmiga ee Guddoomiyaha iyo wefdigiisu soo gebagebayn dioonaan socdaalkooda iyo inay meelo kale uga sii gudbi doonaan halkaa iyo inkale toona.

Shirkii Lagu TAAMAYEY ee Duminta Jiritaanka Somaliland oo ka Qabsoomay TALEEX

Taleex(Yool)-Waxa Magaaladda Taleex ee Gobolka Sool Shalay si rasmi ah u tegay siyaasiga Somaliland diidka ah ee Cali Khaliif Galaydh, oo isagu dhalasho ahaan ka soo jeeda Gobolka, halkaasoo uu beri ka furmi doono shirka Khaatumo2, kaasoo sida ajandihiisa lagu shegay dadka deegaankaa ku dhaqani kaga arinsan doonaan inti-jaahooda siyaasadeed.

Booqashada socdaalka siyaasigaasoo ahayd mid si weyn indhaha loogu hayey, ayaa sida ilo-wareedo ku dhow-dhowi u sheegeen Wargeyska “Yool”, waxa Ciidamo Itoobiyaan ahi ka soo kaxeeyay gudaha Itoobiya, iyagoo ka soo gudbiyey Magaaladda War-dheer ee Kililka shanaad ee Soomaalida Itoobiya.

Sidoo kale, waxa socdaalkan mid la mid ah deegaankaa ku yimi siyaasiyiin iyo xubno si weyn u diidan Madaxbannaanid iyo gooni-siu-taaga Somaliland, kuwaasoo dhammaantood ka soo jeeda Gobolka Sool, waxaana ka mid ah Cabdikariin Cali Cumar, Cali Ciise Cabdi sarkaal ka tirsanaa Hay’adda IOM, Maxamed Buraale Faarax, Saleebaan Cabdi Ducaale iyo rag kale oo aanan Magacyadooda si rasmi ah u hayn.

Haddaba shirkan oo marka si dhab ah loogu fiirsado saansaankiisa ka muuqda iyo ifafaalaha kasoo fool leh, waxa loo fasiran karaa inuu qayb ka yahay shirarkii Qaramada Midoobay daba ka riixayeen ee looga gol-lahaa in mar kale Soomaali la isugu keeno, kuwaasoo wejiyadoodii hore ka kala dhaceen dalalka Ingiriiska, Kiiniya iyo kii dhowaan lagu qabtay Magaalada Garoowe.

Geesta kale, Xukuumada Somaliland ayaan ilaa iyo hadda soo saarin wax war ah oo ku saabsan shirka Taleex qaabka uu doono iyo nooca uu doono ha noqdee, marka laga reebo Guddi Madaxweyne Siilaanyo u Magacaabay inay ka soo talo-bixiyaan shirka, sidaa awgeed-na lama garan karo sababta Xukuumadu afka uga xidhatay shirkaas, maadaama ifafaalihiisa ay ka muuqdaan waxyaabo badan oo muujinaya inay gebgebadiisa ka soo bixi karaan waxayaabo badan oo lid ku ah qadiyada Somaliland.

Hase yeeshee su’aasha ugu weyn ee la isweydiinayaa waxay tahay xidhiidhka ka dhaxeeya Dawladda Itoobiya ooh awl fududayn iyo marinba u noqotay hawlaha iyo qaban qaabada Shirkaasi taasoo la hadal hayo xataa Ciidamo ay leedahay inay Ilaalinayaan Siyaasiyiinta Dalkeeda soo dhex maray ee shirkaasi ka qayb galaya.

Sidoo kale Dawladda Itoobiya ayaa kooxda 15-G ee waday qaban qaabada shirka Khaatumo2 kulan ugu qabatay magaaladda Addis ababa kaasoo lagu soo qorsheeyay qabsoomida shirkan iyo Nidaamka loo marayo, kuwaasoo markii danbe ka soo talaabay dhinaca Itoobiya Olole balaadhan oo shirkan loogu Gogol xaadhayana ka sameeyay jiida ay degto beesha Dhulbahante.

Talaabooyinkan isdaba jooga ah ee ka socda Taleex ee Somaliland kaga socda dhinaca Itoobiya ayaan la garanayn mawqifka ay Xukuumadda Somaliland ka taagan tahay, inkastoo shirkan oo wajigiisii koowaad lagu qabtay London la sheegay inay Dawladda Ingiriisku ku Lug lahayd isla markaana ay u soo wakiilatay dhamaystirkiisa Dawladda Itoobiya.

Waxa kale oo la hadal hayaa shirkan qaban qaabadiisa inay Lug weyn ku leeyihiin shirarka kale ee ay beesha Caalamku wado ee ay ku doonayso Somaliya inay ugu samayso Maamulo Beeleedyo lagu qayb qaybinayo Beelaha dega Somaliya si ay ugu samayso Maamul goboleedyo hoos yimaada Dawladda ku meel gaadhka ah ee ay Taageeraan kaasoo midhihiisa la geyn doono shirka ay Dawladda Ingiriisku horaanta sanadkan u qabanayso kooxaha Somaliya.

Xilalka Wasaaradda Maaliyadda oo Dhinac ka RARMAY + Diidmada Baadhitaanka Hanti Dhawrka iyo Kordhinta Cashuuraha Sharci Darrada

..Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Yaa Hawlihiisii Haya, Xilku’se Miyaanu la Mid Ahayn Kii Axmed Daa’uud Hayey Cahdigii Rayaale..

Qaybtii 9-aad

Miisaaniyadaasoo ay hadda gacanta-ku-hayaan xubno aan waayo-aragnimo ku filan u lahayn hawlaha Miisaaniyadaha, kuwaasoo ujeedada keliya ee ay ka leeyihiin tahay inay ogaadaan ama xogo ka helaan ilaha dakhliga ee Miisaaniyadda lagu saleeyo wax-ka-ogaadaan, iyo iyadoo ay jiraan ujeedooyin kale oo Wasiirku ka leeyahay arintaa iyada ah. Waxyaabahaasna waxa daliil ah talaabada Wasiirku albaabada iyo Daaqadahaba uga xidhay ragii dhidibada u taagay Wasaaradda Maaliyadda oo ay ka mid yihiin;

Ø Daahir Saalan

Ø Xasan Xuseen

Ø Dhagax-tuur

Ø Dalmar

Ø Axmed Daa’uud

Ø Jaamac Dheere

Ø Cabdilaahi Jire

Ø Yuusuf Ismaaciil (Xaaji Cige)

Intaas kuma eka faddeexadaha maamul ee hadheeyay Wasaarada Maaliyadda mudadii uu Wasiirka ka ahaa Maxamed Xaashi, inkastoo aan la odhan karin Boqolkiiba Sagaashan aan loo aananay karin maamulka cusub madmadowga faraha badan ee ku geddaaman Wasaarada Maaliyadda, hadan waxaan shaki badani ku jirin in heerka uu gaadhay maanta lagu qiyaasi kari midkii ugu sareeyey ee abid soo mara Wasaaradda.

Tusaale ahaan, marka loo dhaba-galo ama loo fiirsado qaababka ay u hawlgalaan kooxahaasi waqtiyada qorsheyaasha la xidhiidha lunsiga Lacagaha iyo farsamooyinka HEAD-edka wax lagala baxayo ku hawlan yihiin, waxa lagu masaali karaa qaababka ay u shaqeeyaan mid la mid ah kuwa ay ku baayacmushtareeyaan kooxa MUKHAADARAADKA ka ganacsada ee dalalka Laatiin Ameerika ka jira. Iyo sidoo kale meelaha ay sida gaarka ah ugu jiheeyaan hawlgaladooda, oo runtii aad moodo inay DIIRADDO kula wada-socdaan MADAXYADDA Musta-baaqigu ka hadhay ama Deymaha weli taagan, oo iyagu qaab-ahaan ka farsamo-gedisan Madaxyadda kale ee Lacagaha lagala baxo, kuwaasoo u kala baxa qaybahan hoos ku qoran;

Ø Safaradda Dibedda iyo kuwa Gudihiisa

Ø Barnaamujyadda

Ø Biilasha taagan

Ø Kababka

Ø Gunnooyinka iyo habbeen-dhaxa

Ø Tayanta iyo dhiirigelinta

Head-dhka aynu kor kusoo xusnay waa kuwa inta badan sida gaarka loogula baxo Lacagaha sifaha khaladan ay u isticimaalaan shaqsiyaad gaar ah oo hawlwadeenada Wasaaradda ka tirsan, kuwaasoo ah xubnaha Wasaaradda looga yaqaan BAAR-QABADA BILAA XUDDUUDA AH. Haddaba waxa dad badani markay maqlaan musuqmaasuqa jilba dhigay Maaliyadda isweydiin karaan, waa maxay sababaha suutageliyey in qorsheyaasha intaa legi isugu hagaagan xubnahaas..?

Haseyeeshee jawaabta su’aashu maaha mid ku adag dadka aqoonta fiican u leh hawlaha Maaliyadda iyo sidoo kale qab-dhismeedka dawliga ah ee hay’addaha qaranku ku salaysan yihiin, kaasoo ah mid u shaxaysan qaab sidii Jaranjarada oo kale u kala sareeya, isla markaana dhinaca awoodaha isu-miisaaman oo isdheelitiraya, balse haddii taa la waayo maaha wax culus in aad aragtid kooxo sidan oo kale uga dhex dilaaca goobaha illaha dhaqaalaha dalku ka soo xeroodo sababtoo ah xadka keliyee kala celiyaa waxa uu yahay iyadoo qayb-waliba si sharciga waafaqsan uga shaqayso xudduudihii Distoorku u qeexay.

Haddii aynu teena usoo noqono Wasaarada Maaliyadda Somaliland qaab-dhismeedkeeda dawligu ma yahay mid nidaam-ahaan ku shaqeeya awoodihii sharcigu u jideeyey, mise waa MAYA oo waxa jira Waaxyo aan shaqayn oo masuuliyiintii loo igmaday yihiin kuwo xafiisyada mushaarooyinka ku suga.

Tusaale kooban haddii aynu ka bixino qaab-dhismeedka Wasaarada Maaliyadda Somaliland, waxa markii hore uu u shaxaysnaa sidan;

Qaab-dhismeedkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda

Ø Wasiir

Ø Wasiir-ku-xigeen

Ø Aggaasime Guud

Ø Aggaasimaha Waaxda Kastamadda

Ø Aggaasimaha Cashuuraha Berigga

Ø Waaxda Qorshaynta Miisaaniyadda

Ø Waaxda Maamulka iyo Lacagta

Qaab-dhismeedka Cusub ee Wasaaradda Maaliyadda

Ø Wasiir

Ø Wasiir-ku-xigeen

Ø Aggaasime Guud

Ø Aggaasimaha Waaxda Kastamadda

Ø Aggaasimaha Cashuuraha Berigga

Ø Waaxda Qorshaynta

Ø Waaxda Maamulka iyo Lacagta

Ø Waaxda Hanta-dhawrka

La Soco Caddadka Danbe..

Tacaddiyada Lagula Kacay Suxufiyiinta Somaliland

Warbixinta Ururka Solja Ee Sannadka 2011

October 27, 2011 – Ciidamada Booliska ayaa Weriye Maxamed Cabdi Kaahin (Boosh) oo ka shaqeeya Shabakadda Ramaasnews iyo Royal TV, garaacis kula kacay, kaddib markii ay sheegeen in uu beri hore sawir ka qaaday hooyooyin cabanaya.

September 19, 2011 – Booliska Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa garaacis iyo xadhig kula kacay Tifaftiraha Wargeyska Saxafi, Mustafe Sh. Cumar Geeddi, kaddib markii uu sawiray dad danyar ah oo ay Xukuumadda Somaliland ka raraysay Xaafadda Goljanno ee magaalada Hargeysa.

September 10, 2011 – Ciidamada Birmadka ee Booliska Somaliland (SPU – Special protection Unit) ayaa garaacay Weriye Saleebaan Cabdi Cali oo ka tirsan Wargeyska Madaxa bannaan ee Waaheen, wakhti uu shaqadii suxufinimo gudanayay, isla markaana xabsiga u taxaabay.

Saleebaan Cabdi Cali oo ka mid ah Weriyeyayaasha Wargeyska Waaheen, ayay Ciidamadu gacan ula tageen oo ay garaaceen, isla markaana xidheen wakhti uu doonayay in uu hawshiisa suxufinimo ka guto munaasibad ay xilka ku kala wareegayeen Wasiirka cusub ee Arrimaha gudaha SL Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo Wasiir-ku-xigeenka Wasaaraddaas oo si ku-meel-gaadh ah u hayay xilkaas. Suxufigu wuxuu saldhigga dhexe ee magaalada Hargeisa ku xidhnaa muddo 10 saacadood ah, hase ahaatee, markii dambe ayaa la soo daayay, ka dib markii uu ka hawl-galay sii-dayntiisa Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA.

September 12, 2011 – Maxkamadda Gobolka Togdheer ayaa sii daysay Weriyaha Gobolkaas uga soo warrama Wargeyska Madaxa bannaan ee Waaheen Axmed Muse Maxamed oo muddo toddobaad ah ku xidhnaa magaaladaas, ka dib markii la dammiintay, sidaana waxa sheegay Guddoomiyaha Wargeyska Waaheen, Maxamuud Cabdi Jaamac.

September 5, 2011 – Maamulka Dawladda hoose xabsiga dhigeen wariyaha Waaheen uga soo warama Gobolka Awdal Cali Ismaaciil Aare kaasoo macluumaad ka ururinayay Dawladda Hoose oo Albaabo ka soo furatay Guryo Cashuur bixin waayay, inkastoo ay Maamulka Dawladda Hoose isla maalintaa galinkii danbe Xorriyadiisa u soo celiyeen Wariyahaasi.

July 15, 2011 – Ciidamada ee booliska ee Magaalada Hargeysa ayaa maanta si arxandarro ah u garaacay sawir qaade Cabdinuurow Cabdi Aboorey oo ka tirsan Telefishanka Sateliite-ka ah ee Horn Cable TV oo xaruntiisu tahay Hargeysa, iyada oo markii dambena loo taxaabay xabsiga oo uu jiray in ku dhaw saacad. Sawir qaadahan ayaa wakhtigii dhibaatada loo geystay ku sugnaa xarunta gobolka, halkaas ay ciidamadu xoogga kaga rarayeen qoysas danyar oo uu badhasaabka gobolka Maroodijeex amar ku bixiyay in laga raro guryo ay dawladdu lahayd oo ku yaalla xaafadda shacabka.

February 28, 2011 – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Maxamed Xirsi (Oomane), ayaa xadhig iyo haddidaad kula kacay Suxufi ka tirsan Wargeyska Ogaal oo ku gudo jiray hawlmaalmeedkiisa shaqo. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, waxa uu gaashaanka ku dhuftay in su’aalo laga waydiiyo cabasho ka soo yeedhay muwaadiniin kala duwan oo tabashooyin badan ka tirsanayey garsoorka dalka, taas bedelkeedana waxa uu xadhig iyo hanjabaad kula kacay weriye Maxamuud Cali Sheekh Maxamed oo ka tirsan Wargeyska Ogaal ka dib markii uu isku dayay inuu guddoomiyaha dhinaciisa wax ka waydiiyo eedaymahaa loo jeediyay.

Tifaftiraha Jamhuuriya Maxamed Cabdi Cirro ayaa xabsiga loo taxaabay, iyada oo ay ciidamo qoryo badan ku hubeysani ugu galeen xarunta wargeysa, xilli uu gudanayay hawlmaalmeedkiisii. Xadhiggiisa waxa amartay maxkamadda Gobolka.

August 22, 2011 – Xukuumadda ayaa maxkamadda u gudbisay dacwad ka dhan ah Telefishanka HCTV, iyada oo ku eedaysay inuu waraysi la yeeshay Boqor Cismaan Buurmadow.

September 7, 2011 – Wasaaradda Maaliyadda ayaa maxkamadda u gudbisay dacwad ka dhan wargeyska WAAHEEN.

January 22, 2011 – Maxkamadda Gobolka Hargeysa ayaa xukun isugu jira Xadhig iyo ganaax ku ridday Tifaftiraha Wargeyska Waaheen oo ka soo baxa Hargeysa, kaas oo dacwaddiisu in muddo ah ka socotay Hargeysa. Maxkamadda Gobolka Hargeysa waxay saddex sanno oo xadhig ah iyo lacag ganaax ah oo dhan lix Milyan oo Somaliland Shiling ah ($900) ku xukuntay Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) oo ah tifaftiraha Wargeyska Waaheen oo ka soo baxa Hargeysa.

March 22, 2011 – Wakiilka Laascaanood u jooga TV-ga Caalamiga ah ee Somali Channel Weriye Maxamed Cismaan Cabdinuur Xaashi ayay Police-ku u taxaabeen saldhigga dhexe ee magaalada Laascaanood, xilli uu ku guda jiray hawlihiisa shaqo ee warbaahineed.

December 10, 2011 – Booliska magaalada Boorama ayaa xabsiga u taxaabay weriyaha Gobolka Awdal uga soo warrama Wargeyska madaxa bannaan ee Waaheen Mr. Cali Ismaaciil Aare, isaga oo muddo saddex maalmood ah u xidhnaa sababo aan shuruucda dalka waafaqsanayn.

FIIRO GAAR AH: September 19, 2011 - Waxa shaqada laga eryay 39 ka mid ah hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta ka tirsan, kuwaas oo u badan Suxufiyiinta ka hawlgala Warbaahinta qaranka. Waxa aan sidoo kale wax mushahar la siinnin shaqaalihii ku guuleystay imtixaan ay Wasaaraddu ka qaadday, kuwaas oo dhammaa 46 hawlwadeen oo iyaguna u badan suxufiyiin.

XUKUNNADA XUKUUMADDA SOMALILAND KU OOGTAY WARGEYSYADA DALKA

Wargeyska Waaheen: Taliyaha Ciidamada Booliska Cilmi Rooble Furre (Kabaal) iyo Maareeyaha Wakaaladda Korontada Hargeisa Eng. Sabce ayaa ku soo eedeeyay in uu ka been-aburay. Taliyuhu wuxuu sheegay in War Wargeysku qoray oo la xidhiidhay hadal uu taliyuhu ka yidhi muran ka taagnaa Deegaan Ceel-bardaale ee galbeedka Somaliland uu abuuray colaad, taasna wuxuu sheegay in ay been tahay, waanu ku soo dacweeyey. Maareeyaha Wakaaladda Korontada Hargeysa, isna wuxuu sheegay in uu been yahay War uu Wargeysku ka qoray oo la xidhiidhay in uu ku tagri-falay Hanti qaran ama uu lunsaday lacag oo uu musuq-maasuq sameeyay. Waxaana horraantii bishii Jan ee sanadkan lagu soo oogay Dacwad Tifaftiraha Wargeyska Waahen Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto), taas oo markii dambe 24 January 2011 ay xukun ku ridday Maxkamadda Gobolka Hargeiysa, iyada oo ku xukuntay lix sanno oo xadhig ah iyo lacag ganaax ah oo dhan $900. Hase ahaatee, markii u muddo bil ah xidhnaa, ayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu u fidiyay cafis, waxaana la sii daayay 09 bishan February 2011.

Wargeyska Hargeisa Star: Wasiirka Madaxtooyada oo wakhtigaas ahaa Chief-Cabinet –ka Madaxtooyada SL Xirsi Cali X. Xasan ayaa ku oogay dacwad uu ku sheegay in wargeysku ka been-abuuray war uu qoray oo la xidhiidhay in Safar uu madaxweynuhu ku tegay dalka Ingiriiska ay ku baxday lacag aad uga badan, qaddarka uu sheegay Xirsi oo lacagtaas maamulay, waxaanay Wargeysku sheegay in uu ku takri-falay lacagtaas.06 jenawari 2011 ilaa Bilowgii bishii December 2011 ayay Xeer-ilaalinta guud u yeedheysey Tifaf-tirahii guud ee Wargeyskaas ee wakhtigaas Xasan Maxamed Yuusuf taasoo keentay in muddo kooban lagu xidho xarunta ciidanka CIDda, Inkasta oo hanjabaaddo loo geystay hawl-wadeenada Wargeyska, haddana mar dambe dacwaddaasi siima socon oo ka dib markii uu wasiirka Madaxtooyadu caddeeyey inaanay jirin wax dacwad ah oo ka dhexeeya isaga iyo wargeyskaas.

Wargeyska Saxafi: Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ku soo oogay dacwad uu ku sheegay in Wargeysku kaga been abuuray isaga, ka dib markii Wargeysku qoray War la xidhiidha in Lacag dhan 10-Milyan oo Dollar oo dawladda Kuwait ugu deeqday Somaliland, si loogu dhiso Garoomada Diyaaradaha SL, ay jeeb kale ku dhacday. Dacwaddaas waxay keentay in Maxkamadda la soo hortaago Tifaftiraha Wargeyskaas Cabdifataax Maxamed Caydiid, hase ahaatee, caddaymo ku filan oo uu keeni kari waayay Wasiirku in uu isku difaaco iyo Wargeyska oo is-difaacay awgeed, dacwaddaas waa la hakiyay. Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ee Somaliland Axmed Saalax ayaa 12/09/2011 goáan xukun ah ka soo saaray dacwad ka dhan ah Tifaftiraha Wargeyska madaxa bannaan ee Saxafi oo ka soo baxa Hargeisa, Cabdifataax Maxamuud Caydiid.

Wargeysyada Yool iyo Ogaal: Labadan Wargeys ayaa inkasta oo aan dacwaddoosa rasmi loo furin, haddana uu jiray dhaq-dhaqaaq lagu doonayay in lagu xidho masuuliyiinta labada Wargeys, iyada oo dhawr jeer dembi-baadhayaal loo diray, isla markaana xarunta dembi-baadhista looga yeedhay Tifaftiraha Wargeyska Yool Maxamed Cabdi Curad. Hase yeeshee, may noqon wax sii socda.

“Ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA wuxuu canbaaraynayaa tacadiyada, xadhiga iyo garaacista lagula kacayo suxufiyiinta reer Somaliland iyagoo shaqadoodii gudanaya.” Sidaa waxa yidhi Xoghayaha guud ee Ururka SOLJA Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax oo ka hadlay tacaddiyadda ay Xukuumadda Somaliland kula kacdo Saxaafadda. Allaa Mahad Leh

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta S/Land Ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf.

Ciyaaraha

Xiddiga Real Madrid Angel Di Maria Oo Dhaawac Kusoo Gaadhay Iyagoo Tababar ku Jira

Xiddiga kooxda Real Madrid Angel Di Maria ayaa laga yaabaa inuu seego kulanka ugu soo horeeya ee sannadka cusub ee kooxdiisa ka dib markii la xaqiijiyay inuu jeex yar ka soo gaaray muruqiisa tababarkii ugu danbeeyay ee sannadkan 2011.

Saraakiisha caafimaadka ee kooxda ayaa sheegay in 23 jirkaan uu jeex yar oo muruqa lugta midig uu soo gaaray, isagoo ka qeyb qaadanayay tababarkii maanta.

Dhaqaatiirta ma aysan sheegin inta uu dhaawaciisa la maqnaan doono, lakiin waxa ay u muuqataa inuu seegi doono kulanka Copa del Rey ee ay la ciyaarayaan kooxda Malaga. Labada kooxood ayaa kulmaya 3da bisha Janaayo iyagoo ciyaari doona lugta hore ee wareega 16ka.

Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa xilli ciyaareedkan ay dhowr jeer dhaawacyo soo gaareen. Kii ugu danbeeyayna waxa uu ahaa midkii soo gaaray 6dii November kaasoo sababay inuu ku dhawaad seddex isbuuc maqnaado.

Chelsea oo Lagu Rifay Garoonkeeda, Iyo Arsenal oo Kaalinta Afaraad Ka Gashay

Chelsea ayaa guuldarro xanuun leh ay ka soo gaartay kooxda Aston Villa oo marti ugu aheyd garoonkeeda Stamford Bridge, taasoo keentay in Arsenal ay ka bedesho kaalinta afaraad ee kala sareynta Premier League oo iyagana guul ka gaaray kooxda QPR.

Chelsea ayaa waxaa 3-1 ku dubatay kooxda Aston Villa oo marti u aheyd, ciyaaryahan Didier Drogba ayaa gool rigoore ahaa hogaanka ugu dhiibay kooxda Blues daqiiqadii 23aad ee ciyaarta.

Lakiinse goolkaasi waxaa barbareeyay Stephen Ireland, waxaana dhamaadkii ciyaarta daqiiqadihii 83aad iyo 86aad labo gool oo degdeg ah Aston Villa guusha ugu xaqiijiyay Petrov iyo Darren Bent.

Guushaan ayay ku tahay dhabar jab xoog leh kooxda Chelsea oo xilli xun ku jirta dhamaadka sannadkan, waxaana sannadka 2011 ay kus oo gabgabeeyeen guuldarro ay ku qaadeen garoonkooda.

Chelsea ayaa u soo dhacday kaalinta shanaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, waxaana kaalinta afaraad ka gashay kooxda Arsenal oo 1-0 ku dubatay kooxda QPR.

Ciyaaryahanka hogaanka u haya gooldhalinta Premier League Robin van Persie ayaa goolkaasi guusha u saxiixay kooxda Gunners oo haatan leh 36 dhibcood.

Chelsea iyo Liverpool oo shanaad iyo lixaad kuwada jirana waxa ay wadaagaan 34 dhibcood.

Kooxda Tottenham ayaa barbaro 1-1 ah waxa ay la gashay kooxda Swansea City oo marti u aheyd, waxaana ay weli ku jirtaa kaalinta 3aad iyadoo leh 39 dhibcood waxaana weli u haray hal kulan.

Manchester City iyo United ayaa hogaanka haatan kuwada haya 45 dhibcood, waxaana City u haray kulanka ay berri la ciyaareyso kooxda Sunderland iyadoo United ay maanta guuldarro 3-2 ah garoonkooda kula soo gaartay kooxda Blackburn.

Blackburn oo uu Horkacayo Yukubu oo Old Trafford ku Garaacay Kooxda Manchester United

Kooxda Manchester United ayaa iska qasaarisay fursad ayaa ilaa iyo 24 saacadood keli ku ahaato hogaanka ka dib markii guuldarro 3-2 ah ay ka soo gaartay kooxda Blackburn oo marti ku aheyd garoonka Old Trafford.

Ciyaaryahanka reer Nigeria Yakubu ayaa hogaanka ugu dhiibay gool rigoore ahaa daqiiqadii 16aad ee ciyaarta kooxda Rovers, isaga ayaana u labeeyay kooxdiisa wax yar ka dib markii ay bilaabatay qeybtii labaad ee ciyaarta, ka hor inta uusan Berbatov labo gool ku barbareyn 10 daqiiqo gudaheeda.

Ciyaaryahan Hanley ayaana goolka guusha u dhaliyay kooxda Blackburn dhamaadkii ciyaarta marka ay mareysay daqiiqadii 80aad, Manchester United ayaa intii karaankeeda ah isku dayday inay ugu yaraan hal dhibic hesho lakiin taasi waa ay suurtogeli weysay.

Tababaraha Blackburn Steve Keane oo cadaadis badan uu saaran yahay islamarkaana dhawaan taageero afka ah ka helay Sir Alex Ferguson ayaa guushaan waxa ay u noqon kartaa mid uu isaga fujin karo taageerayaasha kooxda Rovers oo ku baaqayay in muddo ah inuu shaqada ka tago.

Blackburn ayaa ka qastay dabaaldega dhalashadii 70aad ee tababaraha United Sir Alex Ferguson, kaasoo xitaa aan kursiga keydka soo fariisinin ciyaaryahan Wayne Rooney.

Manchester United weli hoganka ayay la heysaa kooxda Man City lakiin Manchester City ayaa berri waxa ay la ciyaari doontaa kooxda Sunderland, hadii ay bediso iyo hadii ay barbaro gashaba iyada aya keli ku noqon doonta hogaanka Premier League.

“..Real Madrid Nasiib Darro Ayay ku Tahay Inay ka Ciyaaraan Horyaal ay ka Ciyaarto Barca..”

Johan Cruyff

Johan Cruyff ayaa aaminsan in Real Madrid ay nasiib darro ku tahay inay ka ciyaaraan horyaal ay ka ciyaarto Barcelona, sababtoo ah horyaalada kale ee adduunka oo dhan waa ay soo dardari karaan, sida uu hadalka u dhigay.

Halyeeygan soo maray Blaugrana haatana ah tababaraha xulka Catalunya ayaa u sheegay jariirada Madrid ka soo baxda ee AS, in kooxda Jose Mourinho ay qabsan karto horyaal kasta marka laga reebo kan Spain oo ay ka ciyaarto kooxdiisii hore.

“Marka laga hadlaayo tayada, Real Madrid waa kooxda ugu adag ee kaa horimaan karta, waa koox weyn” ayuu yiri Cruyff.

“Waa nasiib xumo inay ka ciyaaraan horyaalka ay ka ciyaarto Barcelona, sababtoo ah horyaalada kale waxa ay garaaci lahaayeen kuwooda ugu fiican oo dhan”

Si kastaba, Cruyff ayaa sheegay in Barcelona ay tahay inay ka walwasho kulmada kooxaha yaryar halkii ay ka walwali laheyd kulamada waa weyn sida El Clasico.

“Kulamada ugu halisisan ma ahan kan Madrid, oo dheeri gelin uma baahna ciyaartoyda markaas. Marka aad la ciyaareyso sida Getafe, ciyaartoyda ma weydiisan kartid inay boqolkiiba boqol noqdaan sanadka oo dhan” ayuu hadalkiisa ku koobay xiddigii hore ee Netherlands.

Wararka Dibedda

Qaar ka Mid ah Dadyowga Dunnida oo 30-ka Decembar ka Dhigay Maalin aan Jirin

Dadka ku nool Jasiirada Samoa oo ku taal South Pacific ayaa waxa la sheegay inay u tahay maalinta 30 Dicembar maalin aan jirin oo aanay waligoodna soo marin, ka dib markii maamulka dalkaas go'aan ku gaadheen in maalintaas laga boodo oo laga saaro kaalanadarka.

Iyadoo maalintii Khamiista ahayd ee ku beegan 29 Disembar ay ku xigtay maanta oo Sabti ah oo 31 Disembar, halkaas oo aan maalin aan jirin laga soo qaaday maalintii Jimcaha ahayd oo aan waligeedna soo marin Taariikhda dalkaas.

Isbadalkaan uu ku dhaqaaqay dalkaas ayaa waxa ka dambeysay oo lagu macneeyey inuu dalkaas la qabsado ama ay isku saacad noqdaan wadamada Australia iyo New Zealand oo uu wadankaas ka dhexeeyo xiriir dhaqaale iyo mid ganacsi oo weny sidaas awgeedna ay tahay arin muhiim ah inaan ku dhaqaaqno arintaas ayuu yiri raysal wasaaraha dalkaas Samoa oo lagu magacaabo Tuila'epa Sailele Malielegaoi

Ugu dambeyntiina iyadoo arintaan ay tahay mid saameyn weyn ku yeelan doonto dalkaas ayaa sida la sheegay uu dalkaas si weyn ugu diyaar garoobay arintaas iyadoona maalintaas llaga booday loo ogolaaday in dadka la siiyo mushaharkooda, Jasiiradaas oo horey u ahayd meelaha ugu dambeeyo adduunka ee ay qoraxda ka dhacdo ayaan hada ka dib arintaas noqon doonin oo waxayna noqon doontaa meelaha ugu horeeya ee ay qoraxdu ka soo baxdo.

Amaanka Maagaalooyinka Kenya oo si Weyn loo Xoojiyey Fantasiyaha Curashada Saanadka Cusub 2012-ka

Nayoobi(Yool/Wakaaladaha)-Wararka ka imanaya dalka Kenya, ayaa sheegaya in amaanka magaalooyinka waaweyn ee dalkaaas si weyn loo xoojiyey amaankooda saacadihii ugu dambeeyey xili caawa ay ku beegan tahay bilaabaashada sanadka cusub ee 2012-ka.

Saraakiisha Booliska dalkaas ayaa sheegay in talaabadan ay u qaadeen, ka dib markii ay ka war heleen in Xarakada Al shabaab ay damacsan tahay iney magaalooyinka dalkaas ka fuliso weeraro lagu soo beegayo dabaaldegyada loo sameynayo sanadka cusub ee 2012-ka oo ku beegan caawa ilaa maalinta beri ah.

Meelaha sida wen loo xoojiyey amaankooda ayaa waxaa ka mid ah Magaalada Nairobi iyo magaalooyinka ku yaala xeebaha dalkaasi sida Mombasa kuwaasoo la filayo in ay ka dhacaan dabaaldwegyada waaweyn ee lagu soo dhaweynayo sanadka cusub oo bilanaya caawa saqda dhexe.

Saraakiisha ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay iney diyaar u yihin sidii ay uga hor tegi lahaayeen qaraxyo iyo weeraro kale oo dhaca inta lagu guda jiro fantasiyaha loo sameynayo sanadka cusub, waxayna sheegeen in ciidamo badan oo isugu jira kuwa sirdoonka iyo Booliska ay ku daadiyeen magaalooyinka dalkaas.

Booliska dalka Kenya ayaa heegan buuxa la geliyey tan iyo wxii ka dambeee bartamihii Bishii Oktoobar ee sanadkan saacadaha ay ka harsan yihiin xiligaasoo ciidamada Kenya ay galeen qeybo ka mid ah Somalia si ay ula dagaalamaan ciidamada Al-shabaab oo lagu eedeyey masuu iney ka ahaayeen falal amaan daro oo ka dhacay gudaha dalkaas.

Farriimaha

Sidee La Isu Waafajin Karaa Go’aan Qaadashadii ANWAR SADAAT Iyo Caqabadaha Hor Taagan Isku Shaandhaynta SIILAANYO Soo Wado

Cabdirisaaq Suudi Nuur

Hawl kasta oo la qabanayaa haddii ay waydo dhiiranaan iyo go’aan qaadasho waxaa meesha ka muuqanaysa maah-maahdii soomaaliyeed ee ahayd canan ka yaab reer ma doojo hadaba maanta waxaynu is barbardhigaynaa faraqa u dhexeeya go’aan qaadashadu marka ay tahay mid ku xidhan qofka ay kusayso oo kaliya iyo marka ay tahay albaab furan faraqa u dhexeeya waxaanan madaxwayne siilaanyo xasuusin lahaa maah-maahdii soomaaliyeed ee ahayd waayeel dhaga nuguli isagaa u dhinta balse intaas oo dhan ka hor aynu milicsano ama aynu qayb ka soo qaadano habdhaqankii iyo go’aan qaadashadii madaxwaynihii hore ee masar Maxamed Anwar El-sadaat oo markiisii hore ahaa madaxwayne ku xigeenkii jamaal cabdi naasir markii uu jamaal geeryoodayna sadaat wuxuu noqday madaxwaynaha masar 15/10/1970kii isagoo markii danbana lagu dilay magaalada qaahira 6/10/1981kii isagoo salaan ka qaadanay ciidamada qalabka sida ee dalka masar maalintaas oo ku beegan dabaaldaga ugu wayn ee masaaridu xusto oo ah maalintii ay ka talaabeen kinaalka suways hadaba Maxamed Anwar El-sadaat wuxuu ahaa nin go’aan qaadasho leh waxaan dabeecadihiisii gaarka ahaa wax laga waydiiyey markii uu geeryooday ka dib marwadisii jehan sadaat 1986 waxayna sheegtay in uu lahaa qol isaga u gaar ah oo ku dhex yaalay qasriga madaxtooyada waxaanu qolkaa gali jiray marka uu qaadanayo go’aano kama danbaysa tusaale ahaan marka uu soo magacaabayo golah xukuumadiisa talo bixin wixii uu qaadanayo marka uu soo urursado dadka uu la kulmayna ku qaabilo xafiiskiisa caadiga ah ugu danbaynta wuxuu gali jiray qolkaa isaga u gaarka ah mar haddii uu qolkaa galana aniga qof aan ahayn uma gali jirin aniguna marka aan qolka ugu galo waxaan u gayn jiray kafayga oo uu aad u jeclaa in aan u keeno marka uu qolka galo hadaba igamuu ogolaan jirin in aan wax hadal ah la yeesho marka aan kafeega miiska u dhigo ayaan dagdag uga soo bixi jiray waxa kale oo la waydiiyey jehan sadaat marka uu qolkaa galo mudo intee leeg buu ku jiri jiray waxanay ku jawaabtay mudada uu ku jiraa waxay ku xidhnaan jirtay marba go’aanka uu qaadanayaa inta uu miisaan leeg yahay waxa kale oo la waydiiyey mudadii ugu badnayd ee uu qolkaa ku jiray intay ahayd iyo go’aankii uu qaatay kuu ahaa? Waxaanay ku jawaabtay mudadii ugu badnayd ee uu qolkaa ku jiray waxay ahayd saacad iyo badh ama 90daqiiqo, go’aankii uu qaatayna wuxuu ahaa bay tidhi kii uu kaga dagay caasimada yuhuuda ee telabiib 20/11/1977kii kana qudbadeeyey barlamaanka yuhuuda kuna guulaystay in uu si nabadgalyo ah ku soo celiyo dhulkii ay yuhuudu ka qabsatay masar 1967kii heshiiskii uu markaa yuhuuda la galayna markii uu in muddo ah soo jiitamayeen wada hadaladii saddex geesoodka ah ee dhex marayey masar israa’iil iyo maraykanka gunaanadkii wuxuu noqday in heshiiskaa saddex geesoodka ah ee la magac baxay cam daved qalinka lagu duugay 26 March 1979lii dhulkaasina si tartiib tartiib ah ayuu ugu soo noqonayey gacanta masar qaybtii ugu danbaysayna oo ahayd buurlayda siinaay waxay gacanta masar ku soo noqtay 1985kii. Hadaba maanta madaxwayne siilaanyo loogama fadhiyo in uu ka dago talaabiib maxaa se ka jira fadhatada la sheegay in lagu hayo liiska isku shaandhaynta ee madaxwayne siilaanyo soo wado waxaana la sheegay in siilaanyo ka soo laabtay magaalada landon ee dalka ingiriiska uu sitay liis dhamaystiran balse markii uu halka yimid lagu sameeyey kaabis iyo wax ka badal taasina ay tahay ta sababtay in wasiirka madaxtooyada loo diro safar dibadeed si ay meesha uga baxdo caqabada hor taagan ku dhawaaqista liiska isku shaandaynta balse ay muuqato in ay jiraan caqabado kale oo aan xirsi ahayn. Hadaba isku soo wada duuboo waxaan talo bixin ku soo jeedin lahaa intii siilaanyo la canaan lahaa in la ogaado in uu laftiisu u baahan yahay gurmad iyo madax banaani, caqabadaha ku xeeranina waxaa laga fahmi karaa muranka u dhexeeya golihiisa wasiirada ee qarka u saaran in la isku gacan qaado ama kuraasta la isla dhaco sida baarlamaanka dawalada ku meelgaadhka ah ee soomalia, hadaba waxaan leeyahay Sidee la isu waafajin karaa go’aan qaadashadii anwar elsadaat-kii masar iyo caqabadaha hor taagan isku shaandhaynta madaxwayne siilaanyo soo wado. Tel: 4425243 Hargaysa Somaliland.

Dhageyso Barnaamij gaara Gabayo+Khudbado+Heeso Wadaniya

--
Dahir Alasow, A senior Radio and TV journalist, a leader of a press watchdog ASOJ, the editor of waagacusub.com, and outstanding commentator with fearless check on actions of the political groups and others players through investigative journalism, plus defender of the public interest and voice to the voiceless through "the truthful tip of his truth pen"
"Tribalism provides NO shelter; it ONLY causes destruction."
"Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso
Mooyaane" Cabdullaahi Suldaan Timacadde

http://www.dahiralasow.com
Tel: +31684863567
dahiralasow@asoj.org
dahir.alasaw@raadtv.com
dahiralasow@waagacusub.com
www.waagacusub.com
www.asoj.org

 

By Dahir Alasow

Waagacusub is Investigative media with sense of professionalism, fearless in cultivating the truth, informative, unbiased, independent, educative, a role model and a voice to the voiceless.
By Dahir Alasow
+31684863567
Dahir.alasow@asoj.org

Hees Dhiigshiil ha dhigan Download here MP3

 

Waagacusub Media

The Largest Media in Somalia

WaagacusubOnline@yahoo.com
ASOJ MEMBERS MET IN NAIROBI  that meeting 
was discused the objective of the asoj and was 
nominated new

 

 

Xasuusta USC 1
Xasuusta USC 2
Xasuusta USC 3
Xasuusta USC 4
Xasuusta USC 5

Dikaan Jaceyl Part 1
Dikaan Jaceyl Part 2
Dikaan Jaceyl Part 3
Dikaan Jaceyl Part 4
Dikaan Jaceyl Part 5
Dikaan Jaceyl Part 6
Dikaan Jaceyl Part 7
Dikaan Jaceyl Part 8
Dikaan Jaceyl Part 9
Dikaan Jaceyl Part 10
Dikaan Jaceyl Part 11
Hees Dhiigshiil Download here
Raadraaca Fanka 1 Hibo Nuura maxaad ka taqaan
Raadraaca Fanka 2 Samatar maxaad ka taqaan Dhageyso
Raadraaca Fanka 3 Saado Cali waa tuma Dhageyso
Raadraaca Fanka 4 Xasuustii Kooxda Heegan Dhageyso
Raadraaca Fanka 5 maxaad ka taqaan Laxamiiste Jiir Dhageyso
Raadraaca Fanka 6 maxaad ka taqaan Macalinka dhaantada Baarleex Dhageyso
Gabay Kaariye 1
Tartanka Gabayada
Gabay Bacadle 1
Gabay Yamyam 1
Sunday Music 1
Sunday Music 2
 
Xuska M X Cigaal dhageyso wareys
 
Hees Maxamed Gacal Xaayoow
Xasuus Riwayad banadiri dhageys
Hees Xildhiban ma noqonkaro Dhagey
Al-Shabaab Part1 Dhageyso
Al-Shabaab Part2 Dhageyso
Al-Shabaab Part3 Dhageyso
Al-Shabaab Part4 Dhageyso
Al-Shabaab Part5 Dhageyso
Al-Shabaab Part6 Dhageyso

Qabyaaladda PM Gaas 1
Qabyaaladda PM Gaas 2
Qabyaaladda PM Gaas 3